Shan murashax ayaa lagu doortay Gobolka Banadir iyo Hirshabelle, Doorashoyinka Aqalka hoose

Ergay codbixinaya intii lagu gudajiray hannaanka doorashada ee Jowhar oo lagu xulanayey xubnaha Golaha Shacabka, Soomaaliya, 4-ta Diseembar  2016. QM Sawir

 

4 Dec 2016

Shan murashax ayaa lagu doortay Gobolka Banadir iyo Hirshabelle, Doorashoyinka Aqalka hoose

Shan murashax oo kale ayaa maanta lagu doortay gobolka Banadir iyo maamulka Hirshabelle iyado la soo gaaray gunaanadkii doorashada.

Gobolka Banadir waxa lagu doortay Fahma Axmed Nuur, wasiirk ku xigeenkii hore cadaalada iyo sidoo kale Jaylaani Nuur Ikar ku xigeenka kowaad ee afhayeenka baarlamanka waqtigiisu idlaaday, labadan xildhaban ayaa kasoo jeeda beelaha banaadiriga  Bandhabow iyo Shaanshi.

Doorashadan ayaa ka dhigeysa tirade xildhiban ee lagu doortay Banadir ilaa afar xildhiban waxana haray labo kursi oo aan weli la dooran.

Fahmo ayaa heshay codad gaaraya 51 kursi haween kaliya ku tartamayen. Sidoo kale Iikar ayaa la kulmay tartan adag kadib markii uga adkaaday murashaxii la tartamayay Cabdi casiis codad aad u yar.

Hadal uu jeediyay wax yar kadib markii lagu dhawaqay natiijada ayuu Iikar sheegay in doorashada 2016 ay cadeysay in soomaliya gaari karto hal cod iyo hal qof mustaqbalka.

“Waxan rabaa inaan u sheeko dadka u maleynaya in doorasho Soomaliya ka dhici Karin in doorashadan ku dhacday si nabad-galyo ah waxaan si fudud u gaari doonaa hal cod iyo hal qof” ayuu yiri. 

Dhanka kale Fahmo Axmed Nuur ayaa noqoney haweeneydii ugu horeysay ee laga doorto gobolka Banadir doorashda aqal hoose waxayna sidoo kale muujineysa guusheeda kalsoonida ay ku qabaan beesha ay kasoo jeedo.

“Waxan ka mid ahay dad fara ku tiriska ah ee u doodayay qoondada haweenka laga soo bilaabo 2000, waana faraxsanahay sababtoo ah waxa macquul ah inaan gaarno qoonada haweenka ee 30% ka ah ama lagu dhawaado tiradaas”. Waxay tiri “Dadkeyga waa I aamineen waana I sii aamini doonaan xilligan sababtoo ah waxan helay codadkii ugu badnaa”.

Magaalada Jowhar, saddexda murashax ee guuleystay waxay ahayen Khalif Cabdi Cumar, Cabdulkadir Carabow Ibrahim iyo Maxamed Cabdiraxmaan dhamaantoda waxay aheen murashaxiin ku cusub saaxada siyaasada.

Aamina Cabdullahi Derow oo ka tirsan Gudiga Hirgalinta Doorashoyinka Dadban ee heer Federaal (GHDDF) ayaa ku tilmaamtay doorashada Hirshabelle iney aheyd mid xor iyo xalaal ah, waxay intaa raacisay in 38-dii kursi ee laga rabay maamulkaas ay kaliya ka hareen 3 kursi oo iyagana la dooran doono dhawaan.

Ilaa toban xildhiban oo haween ah ayaa kasoo baxay maamulka Hirshabelle, taas ayaa ka dhigan maamulka ugu badan ee haween kasoo baxaan guud ahaan doorashada dalka ka socota, waana celcelis ahaan 29 boqolkiiba.

Mudane Cumar ayaa balan qaaday inuu u shaqeyn doono dalka ka xildhiban ahaan si loo xaqiijiyo nabada iyo in xasiloonida dib loo soo celiyo.

“Aad ayaan u faraxsanahay waana buuqsanahay, waan faraxsanahay sababtoo ah waxan ku guuleystay kursi baarlamani ah, waana buuqsanahay sababtoo ah waa mas,uuliyad weyn, aan wada shaqeyno isla tashano si aan u wada hormarno”.

Mudane Ibrahim sidoo kale wuxuu u mahadceliyay celiyay ergadii u dooratay inuu baarlamanka Hirshabelle ku matalo.

“Waxan rajeyna tani iney noqoto mid bilowgii hormarka iyo baraaraha. Mudnaanteyda kowaad waa waxbarashda,” ayuu yiri.

Isku duwaha booliska AMISOM Emmanuel Mukama ayaa sheegay in labadii maamlmood ee hore doorashada ka dhacday Magaalada Muqdishu si nabad ah ku dhacday wuxuuna balan qaaday in AMISOM sii wadi doonto nabad-galyada arimaha doorashooyinka.