Aweys Xaaji Nuur: Caawinta wiilasha Soomaaliyeed maanta si ay u noqdaan xiddigaha berri

20 Apr 2022

Aweys Xaaji Nuur: Caawinta wiilasha Soomaaliyeed maanta si ay u noqdaan xiddigaha berri

Muqdisho – Sida wiilal badan oo adduunka nool oo kale, Aweys Xaaji Nuur markii uu yaraa, waxa uu ku riyoon jiray in uu noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta xariif ku ah.

Si kastaba ha ahaatee, waqtigu ma taageerin – waxa uu dhashay 1984-kii, taas oo ka dhigan in dhallinyaranimadiisu ay ku soo beegantay dagaalladii sokeeye ee ka qarxay dalka 1991-kii oo burburiyey inta badan Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Haddaba Md. Nuur waxa uu meesha ka saaray riyadiisii muhiimka ahayd ee uu ka lahaa garoon kubbadda cagta, isagoo nolol kale raadsaday.

Nuur waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Muqdisho, waxa uu galay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Tadaamun, waxa uuna waxbarashadiisii dugsiga sare ka sii watay Dugsiga Sare ee Usama Bin Zeyd. Waxa uu u sii gudbay waxbarasho heer jaamacadeed ah, isaga oo 2013-kii ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee Cilmiga Siyaasadda iyo Warfaafinta Jaamacadda Muqdisho.

Waxa uu sii watay waxbarashadiisa sare isagoo shahaadada labaad ee Jaamacadda ku qaatay Maamulka Ganacsiga Caalamiga ee Jaamacadda Amity ee dalka Hindiya, oo uu wax kaga baranayey hannaanka waxbarashada ee fogaanta ah, intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2017. Waxa uu guul ka gaaray xirfadda saxaafadda, isagoo noqday saxafi caan ah iyo agaasime warbaahineed xarumaha warbaahinta Soomaalida ee caanka ah sida. sida Horn-Afrik iyo Mustaqbal iyo kuwo kale. Hadda waa agaasimaha Goobjoog TV.

Riyada kubbadda cagta

Laakiin, inkasta oo uu guulo ka gaaray dhanka warbaahinta, riyadiisii kubbadda cagta waligeed kama dhammaan.

Wakhtiga firaaqada ah waxa uu si xamaasad leh ula socon jiray kubbadda cagta, isagoo mararka qaarna si mutadawacnimo ah ugu tababarayay wiilal ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho oo hammigoodu yahay in ay noqdaan ciyaartoy kubbadda cagta ah.

“Mar kasta oo aan arko wiilal gurigayga hortiisa ku ciyaaraya, waxaan xasuustaa aniga oo carruur ah, waana murugoodaa. Wali ma haysanno fursado ku filan carruurta si aan ugu suurtagelinno in ay riyooyinkooda rumeeyaan - waxaan aqaannaa sida ay ku gaari lahaayeen riyooyinkooda haddii ay heli lahaayeen qof caawiya," ayuu yiri Md. Nuur, oo ah aabbe leh toddobo carruur ah.

"Waxaan aaminsanahay in carruurta Soomaaliyeed ay ka nasiib daran yihiin carruurta ku nool qaybaha kale ee adduunka sababtoo ah ma haystaan deegaan ammaan ah oo deggan oo ay ku horumariyaan xirfadahooda kubbadda cagta," ayuu raaciyay.

Isagoo eegaya xulashooyinka jira, wuxuu xusay in aysan jirin nidaam rasmi ah oo loogu talagalay horumarinta hibada kubbadda cagta ee da'yarta Soomaaliyeed - mana jiro qof u muuqda in uu xiiseynayo wax ka qabashada arrintan, gaar ahaan marka la eego dalka oo diiradda saaraya dib u dhiska ka dib tobannaan sano oo colaado ah.

Isagoo ku daalay sugitaanka oo aan  awood u laheyn in si dhammeysiran jaceylkiisa uu uga miro dhaliyo ‘ciyaarta quruxda badan’,  ayuu Md. Nuur goostay in gacmahiisu waxa ay qaban karaan uu qabto si uu u taageero carruurta Soomaaliyeed.

2018, waxa uu aasaasay ITAAL Football Academy, oo ah xarun lagu tababaro da’yarta hamiga leh sida Md. Nuur mar uu ahaay oo kale.

"Waxaan aasaasay ITAAL Academy si aan u rumeeyo riyada carruurta," ayuu yiri, isagoo faraxsan.

Akadeemiyadda labadii carruur ee ugu horreysay ee lagu tababaro waxa ay ahaayeen laba wiil oo uu dhalay Md. Nuur Hadda, waxaa akadeemiyada iska diiwaan-geliyay 30 wiil. Waxa ayna ku taallaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxa ay ka kooban tahay garoon ay ku ciyaaraan carruurtu iyo xafiis yar, waxaana lagu tababaraa carruurta da'doodu ka yar tahay kow iyo toban sano, iyadoo diiwaan-gelintu aysan ahayn mid lagu go'aamiyo oo keliya caafimaadka jir ahaan ee murashaxa, balse waxaa lagu qiimeeyaa xamaasadda iyo jaceyllka ay u qabaan cayaarta kubbadda cagta.

Akademiyadda wax lacag ah ma qaaddo. Md. Nuur waxa uu lacagtiisa ku maalgeliyaa hawl maalmeedka Akadeemiyadda, waxaana uu xilliyada qaar kaalmo ka helaa saaxiibbada la wadaaga jaceylka uu u qabo kubadda cagta iyo sida uu u jecel yahay inuu caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Md. Nuur kaliya kuma koobna dhanka maamulka ee akadeemiyada; sidoo kale wuxuu galaa garoonka isagoo ka mid ah tababarayaasheeda. Taas wuxuu ku kasbaday shahaadadiisa macalin ee kubbadda cagta da'da yarta ee Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (FIFA) 2021.

Tan iyo markii la aas aasay shan sano ka hor, kooxda ITAAL Football Academy waxa ay ka qeyb galeen afar tartan oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu aqoonsaday – saddex ka mid ahna ay ku guuleysteen. Ciyaartooyda akadeemiyadda ayaa sidoo kale ka qeyb galay tartankii (FIFA Grassroots Tournament) ee ka dhacay Muqdisho Oktoobar 2021.

Xiriirrada kubada cagta

Si loo helo ciyaartoy da’yar oo tayo leh oo horumariya awoodooda, Md. Nuur waxa uu xiriir la sameeyay maamulada kubbadda cagta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Soomaaliya iyo dibadda.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxaan la leenahay xiriir wanaagsan, sidoo kale waxaan xiriir wanaagsan la leenahay kooxaha kubbadda cagta ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka, sida Som United oo ka dhisan dalka Sweden, kooxaha horyaalka Soomaaliya, Waxool, Elman, iyo Muqdisho City,” ayuu yiri.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa ay ammaan u jeediyeen dadaalka Md. Nuur oo ay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dalka.

 “Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagtu waxa uu Aweys u arkaan in uu yahay nin dhallinyaro ah oo diyaarinaya ciyaartoy da’yar oo aan isleenahay in ay dalka wax u tari doonaan, waxa ayna shaqadiisu laf dhabar u tahay horumarka kubbadda cagta...waxaan aaminsanahay in dadaalkiisu uu horumarin doono kubbadda cagta Soomaaliya”ayuu yiri Agaasimaha Farsamada ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, Cawil Ismaaciil Maxamed.

"Waxaan ku dhiirigelinaynaa inuu sii wado shaqadan quruxda badan," Md. Maxamed oo hadalkiisa sii wata. "Waxaa jira iskaashi naga dhexeeya annaga iyo Aweys, waxaana uu xiriirku si shuruud la'aan ah u taageerayaa dadka sida Aweys oo kale ah oo wakhtigooda u huray taageeridda carruurta Soomaaliyeed ee quusta ah ee u baahan tababar ciyaareed oo la isku halayn karo."

Waalidiinta carruurta loo tababaro oo ITAAL Football Academy ammaanay

"Fursaddan waxaan u arkaa madadaalo iyo waxbarasho labadaba, sababtoo ah waxaa jira meelo yar oo sidan oo kale ah oo carruurtu ku horumariyaan xirfadahooda xilliyada fasaxyada dugsiga… tani waxa ay ka caawisay carruurtayda in ay ka fogaadaan in ay ku ciyaaraan waddooyinka halkaasoo ay khatar badan kula kulmi jireen ama aadi jireen meelo fogfog oo khatartooda lahaa. Way adag tahay in carruurta isha lagu hayo, waxaanan aaminsanahay inay tani tahay fursad aan helnay, waxaanan ku talinayaa in la balaariyo,” ayay tiri Suldaana Maxamed oo ah hooyo haysata laba wiil oo ITAAL iska diiwaan geliyay. 

Sumcadda sii kordheysa

Md. Nuur ayaa sheegay in sumcadda ay ku naaloonayso ITAAL Football Academy ay kor u kacday tan iyo markii la aasaasay.

"Waalidiinta si joogto ah ayay ila soo xiriiraan waxayna codsanayaan in ilmahooda lagu qoro akadeemiyadda, taas oo iga farxisa," ayuu xusay.

Laakiin inkasta oo ay sii kordhayaan bogaadinta iyo aqoonsiga, hubinta in akadeemiyaddu ay sii jiri karto ma ahan mid sahlan, inkastoo ay jiraan taageero dhinacyo badan leh, waxay weli ku tiirsantahay dadaalka iyo dareenka Md. Nuur.

"Waqtigan xaadirka ah, ma haysto cid i taageerta, qayb ka mid ah mushaharkayga waxaan ku bixiyaa kubbadda cagta, waxaana jira shakhsiyaad ama kooxo mararka qaarkood ku deeqa kubbado ama qalabka ciyaaraha," ayuu yiri Md. Nuur.

 "Waxaan haysanaa fursado xaddidan oo dhanka goobaha tababarka ah. Ma lihin garoomo madax banaan oo saacado lagu tababaran karo, markaa waa inaan kiraysanaa,” ayuu sii raaciyay. “Ma haysano lacag badan; waxaanu kiraynaynaa dhawr saacadood oo kaliya, taasina kuma filna. Sidoo kale, maadaama ay carruur yihiin, marka garoomada la soo gelayo iyo marka laga soo degayo, waa inaanu Basaska ku soo qaadnaa, kharashkaasna waa inaanu bixinaa”.

Md. Nuur waxa uu ku rajo weyn yahay in uu taageero dheeraad ah u helo akadeemiyadda. Dhanka kale, waxa uu sheegay in uu qalbiga ka yahay ciyaaryahan kubbadda cagta, ayna ka go’an yahay in uu gacan ka geysto horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta si ay uga mid noqdaan geesiyaasha kubadda cagta berrito.

“Waxaan filayaa in xirfadda kubbadda cagta Soomaaliya ay wax weyn iska beddeli doonto,” ayuu yiri. “ITAAL Football Academy waxa ay soo saari doontaa ciyaartoy heer sare ah oo tartami kara, waxayna xaqiijin doontaa in ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu helo meel ku habboon oo uu ku tababarto si uu u noqdo xiddig kubbadda cagta ee berri. " 

QM iyo ciyaaraha

Qaramada Midoobay waxa ay muddo dheer aqoonsaneyd doorka wanaagsan awoodda cayaaraha ee adduunka, iyada oo ay tahay xuquuq aasaasi ah iyo qalab awood leh oo lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo horumarinta iyo nabadda waarta, iyo sidoo kale wadajirka iyo ixtiraamka dadka dhammaan.

Marka la eego saameynteeda, 2013, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay 6-da Abriil in ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha ee Horumarinta iyo Nabadda (IDSDP) si loo aqoonsado saameynta togan ee ciyaaraha iyo jimicsiga ay ku leeyihiin bulshooyinka iyo nolosha dadka adduunka oo dhan. .

“Ciyaartu waxa ay awood u leedahay in ay is waafajiso jaceylkeenna, tamarteena iyo xamaasadkeena ku xeeran si wadareed. Taasina waa isla marka rajada la kobcin karo oo kalsoonida dib loo heli karo. Waa danta guud oo ay tahay in aan ka faa’iidaysanno awoodda weyn ee isboortiga si aan gacan uga geysanno dhisidda mustaqbal wanaagsan oo waara dhammaan dadka oo dhan,” ayay tiri Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina J. Mohammed, oo ka hadlaysa xuska sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha ee Horumarinta iyo Nabadda.