Awood baahinta Maamulka Koofur Galbeed oo hurumar laga sameeyay iyadoo la dhisay golayaasha deegaanka ee Baydhabo iyo Baraawe

20 Dec 2017

Awood baahinta Maamulka Koofur Galbeed oo hurumar laga sameeyay iyadoo la dhisay golayaasha deegaanka ee Baydhabo iyo Baraawe

Baydhabo  - Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa horusocod dhinaca awood baahinta laga sameeyay iyada oo la sameeyaya golyaasha deegaanka ee degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Awood baahinta  nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo horosocod ah ka sameeyay magaalada Baydhabo toddobaadkan kaddib markii ay mas’uuliyiin sare ee ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ay daahfureen dhismaha golahadeegaanka.

Xilliga daahfurka ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Maamul Goboleedka Koonfur Galkeed, Cabdiqaadir Shariif Maaye, waxaa uu soo dhaweeyay taageerada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Koonfur Galbeed, Maxamednuur Madoobe Nuunow, ayaa wacad ku maray in uu xaqiijin doono in haweenka laga qaybgaliyo golaha deegaanka ee la dhisi doono toddobaadyada soo socda.

 “Waxaan idiin xaqiijinayaa in goleyaasha degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe dhawaan la dhisi doono, haweenkana in aan laga tagi doonin,” ayuu xafladda ka sheegay.

Dhismaha golayaasha degmooyinka ee maamulka ayaa horraantii sanadkan lagu bilaabay dhismaha golaha degmada Xudur iyo caleema saarka duqa magaalada ee bishii Oktoobar. Degmada Bardaale ayaa haatan laga dhisaya gole deegaan.

Wakiilka Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) xafiiskeeda Baydhabo ayaa sidoo kale hadal ka jeediyay xafladda daahfurka, asaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qaar ka mid ah kuraasta goleyaasha deegaanka loo qoondeeyo haweenka iyo dadka matala beelaha laga tira badan yahay ee ku dhaqan maamulka.

“Markii la dooranayay xubnaha baarlamanka ee geeddi-socodkii doorashooyinkii 2016-ka, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uu ka soo baxay qoondada loogu talagalay haweenka. Xilli aan u gudbeyno wejiga xigo, waxaa aan si weyn u boorrinayaa in sidaas si la mid ah loo tixgeliyo haweenka iyo beelaha laga tira badan yahay,” ayuu yiri Ku Xigeenka Madaxa Xafiiska UNSOM ee Koonfur Galbeed, Usmaan Dogar.

Sida ku xusan dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed, golayaasha ee Baydhabo iyo Baraawe waxaa ay ka koobnaan doonaan 27 kursi, iyada oo labo kursi loo qoondeyn doono haweenka. Xubnahana gole kasto waxaa dooraan doonaa 150 cod-bixiyeyaal oo la soo xulay, kaddibna xubnaha golaha cusub ee la doortay ayaa waxaa ay iska dhex dooraan doonaan duqa magaalada.

Xafladda daahfurka golayaasha deegaanka ee la qabtay toddobaadkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Hay’adda Shaqaalaha ee Caalamiga ah (ILO) iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Degsiimada Aaadanaha (UN-Habitat).

Dhismaha golayaasha deegaanka ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa sal u ah xeerka dowladaha hoose ee uu ansixiyay baarlamaanka maamulku, si rasmi ahna loo hirgeliyay bishii Luulyo. Mabda’a awood baahinta waxaa uu ku jiraa Cutubka Shanaad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012-ka.