Guddiga doorashooyinka oo daahfuray qorshahooda istaratiijiga ah ee shanta sano kaas oo horseedi doono doorasho qof iyo cod ah

11 Dec 2017

Guddiga doorashooyinka oo daahfuray qorshahooda istaratiijiga ah ee shanta sano kaas oo horseedi doono doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho  - Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta daaha ka qaaday qorshaha shanta sano ah – ee loo yaqaanno Qorshaha Istaratiijiga ah – ee lagu hagi doono maareynta iyo maamulka doorashooyinka dalka ee 2020-2021, taasi oo sidoo kale loo yaqaanno doorasho qof iyo cod ah.

 “Qorshaha Istaratiijiga ah waxaa uu sal u noqon doonaa howlaha uu wado Guddiga waxaa uuna bixin doonaa waddo lagu hirgeliyo doorashooyinka si loo helo doorasho qof iyo codkiisa sanadka 2020,” ayay xafladda daahfurka ee ka dhacay caasimadda ka sheegtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Qorshaha Istaratiijiga ah oo ay gacan ka geysatay hay’adda Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa uu bixin doonaa habraacyada dhammaan howlaha uu Guddiga qaban doono, waxaana lagu sameyn doonaa dib u eegis joogta ah.

“Qorshaha waxaa uu si cad u qeexayaa sida Guddiga Doorashooyinku uu u doonayo in uu ka soo baxo waajibaadkiisa sanadaha soo socda, kuwaas oo horseedi doona doorasho heer caalami ah,” ayuu Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Raisedon Zenega, ka sheegay xafladda daahfurka.

Mas’uulkan ka socda UNSOM ayaa intaasi raaciyay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyneyso deeq-bixiyeyaasha si loo dhammeystiro barnaamijka wejiga xiga ee taageerada ay hay’addan caalamiga ah ugu talagashay dalkan Bariga Afrika ku yaal. Barnaamijkaas waxaa lagu wadaa in uu diiradda saaro tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaban lahaa sanadka 2018-ka.

“Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa uu mustaqbalka dhow Boogan doonaa dhammaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaallka ah, oo aan booqan doonno afar magaalo oo waaweyn, [waxaana] la kaashan doonaa dhammaan daneeyayaasha, si aan ugu guuleysanno doorashooyin qof iyo cod ah oo xor iyo caddaalad ah,” ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Isla xafladda maanta, Guddiga Doorashooyinka waxaa uu sidoo kale daahfuray ‘Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Ereyada Doorashada,’ oo ah ereyada oo ku qoran luuqadaha Ingiriiska, Af-Soomaaliy iyo Carabi, kaas oo is waafajinayo micnaha 48 ereyo ah oo la xiriiro doorashooyinka.

Qaamuuska ayaa waxaa loo diyaariyay si loo helo hab-dhismeed afeed ku aaddan ereyada doorashooyinka, kaasi oo hagi doona howlaha la xiriira doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin diyaarinta xeerka doorashooyinka, iyo wacyigelinta cod-bixiyeyaasha, si loo xaqiijiyo in dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay u leeyihiin in ay codeeyaan.

Wasiirka Qorshaynta ee Dowladda Federaalka ah, Jamaal Xasan, oo hadal ka jeediyay xafladda daahfurka ayaa xusay in Qorshaha Istaratiijiga ah waxaa “laga keenay mabaadii’da dastuuriga ah,” oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Dastuurka u yaallo dalka, wuxuuna ku boogaadiyay Guddiga Doorashooyinka diyaarinta qorshaha iyo erey bixinta.