Axmed Cabdullaahi Axmed: Abuurista Fursado Waxbarasho oo loogu talagalay Bulshooyinka Danyarta ah

17 Dec 2022

Axmed Cabdullaahi Axmed: Abuurista Fursado Waxbarasho oo loogu talagalay Bulshooyinka Danyarta ah

Muqdisho – Axmed Cabdullaahi Axmed, waxa uu aaminsan yahay waxbarashada. Waxa uu rumeysan yahay awooddeeda in uu wax kaga beddelo nolosha walaalihiisa Soomaaliyeed iyo awooddeeda in ay gacan ka gaysato beddelidda Soomaaliya.

Aaminaadiisa waxa ay ku salaysan tahay khibraddiisa shakhsi ahaaneed.

"Illaa aan ka weynaaday, waxba kalama socon sida ay ugu adkeyd waalidiinteyda inay bixiyaan kharashka iskuulka iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah waxbarashadeyda, sida buugaagta iyo lebiska, sidaas awgeed waxa aan si fudud u garan karaa dhibaatada dadka aan xitaa haysan waalidiin awood u leh inay ka bixiyaan kharashka waxbarashadooda, waana tan igu dhiirigelisay inaan ka shaqeeyo horumarinta waxbarashada," ayuu yiri Md. Axmed.

U dhaqdhaqaaqaha waxbarashada, ayaa waxa uu dhashay 1993-kii, sannadihii ugu horreeyey ee ay Soomaaliya gashay colaadda sokeeye. Xasaradda ayaa dib u dhigtay waxbarashadiisii.

Isaga oo sagaal jir ah, ayaa ugu dambyan la geeyay  iskuulka hoose dhexe ee Al-Ma’muun Al-Azhar ee magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, isagoo waxbarashadiisa ku jira shan sano oo keliya, ayey isaga iyo qoyskiisu ka carareen colaadda ka sii dareysay ee caasimadda, waxa ayna u guureen magaalada Dhuusamareeb ee ah xarunta Galgaduud.

"Waan niyad jabay, laakiin ma joojin karin riyadeyda ah in aan waxbarasho helo. Waxa aan ugu dambeyntii awooday in aan 2012kii, dugsigayga sare ku dhameysto magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Md. Axmed.

Baahidii loo qabay dulqaadka waa ay sii jirtay. Si la mid ah waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare, waxa dib-u-dhac dheeraad ah ku yimid waxbarashadiisii jaamacadeed – Mudane Axmed waxa uu ku qasbanaaday in uu sugo saddex sano, ka hor inta uusan billaabin jaamacada, sababtana waxaa qayb ka ahaa, waxa uu masuul ka ahaa caawinta qoyskiisa, taas oo uu gutay isagoo ka shaqeyanayay ganacsiyada yaryar.

Sannadkii 2015-kii ayuu iska diiwaan-geliyay Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, isagoo afar sano kaddib qalin-jabiyay, oo shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay maamulka guud. Waxa uu awood u yeeshay in uu bixiyo kharashka waxbarashada iyadoo uu kaga mahadcelinayo walaalkii oo bixiyay kharashka waxbarashadiisa.

Isaga oo dib u milicsanaya safarkiisii waxbarasho, ayuu xusay halka arrin ee mar walba la wadaago: la'aanta ilo dhaqaale ee uu isaga bixiyo waxbarashadiisa. Isla markaana uu aad uga war qabay in uu nasiib u yeeshay, in kasta xataa uu halgan ahaa, haddana uu aakhirkii awood u yeeshay in uu qalin-jabiyo..

Xirfad

Markii uu waxbarashadiisa dhamaystay, waxa uu Md. Axmed sidoo kale billaabay in uu wax baro caruurta ku nool xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaalla agagaarka magaalada Muqdisho.

"Waxa aan billaabay inaan caawiyo carruurta aan iskuul dhigan, oo ay ugu horreyso xirfadaha aasaasiga ah ee wax akhriska iyo qoraalka," ayuu dib u jalleecay. "Waxa aan dareemay in mar kasta oo aan cashar dhigo aan gutay waajib muhiim ah ee bulshada."

Khibraddu, waxa ay ka caawisay qaabaynta aragtidiisa. Markii uu qalin-jabiyey, Md. Axmed waxa uu go'aansaday xirfaddiisa: dhiirrigelinta waxbarashada si inta ugu badan ee suurtagalka ah ee carruurta Soomaaliyeed ay awood ugu yeeshaan inay helaan waayo-aragnimadan isbeddelka nolosha.

Sidaas awgeed, 2019, wuxuu dib ugu laabtay Dhuusamareeb. Iyadoo 2007 isaga iyo qoyskiisu ay u qaxeen halkaas si ay uga baxsadaan dagaalladii Muqdisho, markan waxay ahayd go'aan mutadawcnimo – waxa uu go'aansaday inuu caawiyo bulshadiisa maxalliga ah, taas oo ay ku dhiirigelisay waaya-aragnimadiisa waxbaridda ee dadka gudaha ku barakacay (IDPs).

Md. Axmed, waxa uu horraantii 2020 kii, aasaasay Gargaar oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo u heellan caawinta ardayda rajada leh, ee da’doodu u dhaxayso shan ilaa 18 jir, ee ka soo jeeda dadka danyarta ah iyo kuwa saboolka ah.

“Markii aan jaamacadda dhammeeyay, waxa aan ku soo noqday magaaladi noloshayda badbaadisay, waxa aana aasaasay urur u gargaara dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ku nool miyiga iyo xeryaha dadka gudaha ku barakacay oo aanay ka jirin adeegyada aasaasiga ah oo ay waxbarashadu ka mid tahay,” ayuu yiri.

 

29-jirkan ayaa xusay in iyadoo nidaamka iskuullada Galmudug laga yaabo in uu waxbarasho siiyo inta badan ardayda dowlad-goboleedka xubinta ka ah federaalka, haddana waxaa jiray qaar badan oo aan heli karin hannaan waxbarasho oo rasmi ah - sida dhallinyarada gudaha ku barakacday iyo xubnaha  beelaha kale ee la haybsooco - taasina waxay ahayd halka Gargaar ku heshay door uu qaato.

Gargaar waxa uu xoogga saaraa waxbarashada iyo caafimaadka. Ururka oo ka kooban 33 shaqaale ah, ayna baritaareen mutawiciin badan, waxa uu hawshan qabtaa isagoo dadka danyarta ah ka caawinaya kharashka waxbarashada iyo caafimaadka, gaar ahaan miyiga iyo xeryaha barakacayaasha.

“12 deegaan oo hoostaga Dhuusamareeb, waxa aan ku soo caawinnay ku dhawaad 1,000 arday si ay u rumeeyaan riyadooda waxbarasho, waxa aanan sidoo kale ka hirgelinay dhowr iskuul. Waxa aan soo taageernay macalimiin,  aan siinnay taageero isugu jirta tababarro iyo mushahar. Ilaa hadda, ku dhawaad 847 arday - kuwaas oo 321 ka mid ah ay gabdho yihiin - ayaa ka faa'iideystay taageeradeenna," ayuu yiri.

Taageero iyo aqoonsi

Dhaqaalaha Ururka uu heli karo ayaa ah mid xaddidan, balse taageero dhaqaale oo ka timaada dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan dhalinyarada iyo shaqaalaha rayidka ah, ayaa ururka u suurtageliyay in uu ururiyo dhaqaale ku filan mashaariicdiisa.

“Waxa aan helnaa lacag yar oo ka timaada dadka ku nool deegaanada ku xeeran, madaxda dowladda iyo wasaaradda waxbarashada, sidoo kale waxa aan deeq ka helnaa dadka deriska la ah iskuullada oo iyaguna waqtigooda u hura sidii ay gacan uga geysan lahaayeen maareynta iskuullada,” ayuu yiri Md. Axmed.

Marka laga soo tago taageerada dhaqaale ee ka timaada bulshada maxalliga ee Dhuusamareeb, Gargaar waxa uu sidoo kale ka faa’iideystaa shabakad mutadawiciin heellan ah.

“Figradda dhiirrigelinta waxbarashada deegaannada miyiga iyo xeryaha barakacayaasha, taasi oo aniga iyo asxaabteyda noo horseedday inaan billowno Gargaar sannadka 2019, ayaa hadda soo jiidatay 164 dhallinyaro ah oo si farxad ah uga qeyb qaadanaya howlaha ururka. Waxa ay yimaadaan maalmo kala duwan, waxa ayna u caawiyaan siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan dhiirigelinta macalimiinta iyo mararka qaarkood ka qayb qaadashada wax baridda ardayda," Md. Axmed ayaa yiri.

Dadaallada Ururka, maxalli ahaan ayaa loo aqoonsaday.

“Gargaar waa urur dhallinyaro oo udub u ah horumarinta waxbarashada Galmudug. Waxa uu bixinayaa adeeg baahi weyn loo qabay oo dhanka waxbarashada ah – way adag tahay in la helo heellanaan noocaas ah,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore.

Guusha Gargaar ee wacyi gelinta waxbarashada ee dhalinyarada beelaha la hayb sooco ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa horseedday in hore loo socdo. Sannadkii 2020, Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa ku casuuntay Gargaar in ay ka wada shaqeeyaan howlaha horumarinta caafimaadka ee magaalada.

Md. Axmed iyo shaqo-wadaagtiisa kama aysan laba-labeynin ku biirista tan iyo markaas, waxa uu yiri, "marka la eego dhexgalkeenna dadka bulshooyinka kala duwan, waxa aan ogaanay inaan ku hagi karno dowladda meelaha adeegyada aadka loogu baahan yahay."

Xiriirka ilaa hadda wuu xoogeystay.

“Sanadkii 2021-ka, annagoo kaashanayna Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo dhallinyaro mutadwiciin ah, waxa aan ku guuleysannay dhismaha iyo qalabeynta rugtii caafimaad ee ugu horreysay ee hooyada iyo dhallaanka ee Dhuusamareeb, iyadoo Hay’adda Care International ay bixineyso mushaaraadka dadka ka shaqeeya rugta” ayuu yiri Md. Axmed. "Waxa aan hadda shaqaalaynay ilaa sagaal hawl-wadeenno caafimaad, waxa aanan hiigsaneynaa inaan tiradaas labalaabno sannadka soo socda."

"Waxa aan rajeyneynaa in shaqadeennu ay dhawaan ku fidi doonto dhammaan dowlad goboleedka Galmudug," ayuu raaciyay.

Waxbarashada dhallinyarada

Qaramada Midoobay waxa ay aaminsan tahay in waxbarasho tayo leh ay carruurta u diyaariso inay ku guulaystaan nolosha, iyadoo siinaysa xirfado nololeed oo ay ku daryeelaan naftooda, kuna meelmariyaan awoodooda. Intaas waxaa dheer, dhowrista xuquuqda waxbarashada waxay kor u qaaddaa caadyaalka, waxa ayna bixin kartaa rajo mustaqbalka, maaha carruurta oo keliya laakiin sidoo kale qoysaskooda iyo bulshooyinkooda.

Si kastaba ha ahaatee, carruur badan oo ku sugan Soomaaliya, in ay iskuullo dhigtaan iyo in ay helaan waxbarasho wanaagsan ayaa weli u ah riyo ay rabi lahaayeen inay u rumowdo.

In ka badan saddex milyan oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ayaan iskuul dhigan. Meelo badan oo dalka ah, waalidiintu ma awoodaan inay bixiyaan waxbarashada carruurtooda. Marka laga soo tago saboolnimada, masaafada dheer ee iskuulka, walaaca bed-qabka, caadooyinka bulshada ee u janjeera waxbarashada wiilasha, takooridda iyo macalimiin la'aanta, gaar ahaan macallimiinta dumarka, iyo helitaanka nadaafadda oo yar, ayaa waxa ay waalidiinta ka hor istaagtaa in carruurta, gaar ahaan gabdhaha, ay iskuul geeyaan.

Carruurta bulshooyinka reer-guuraaga ah ee xoolo-dhaqatada ah ayaa si joogto ah u guura oo inta badan laga dafiraa xuquuqdooda waxbarasho. Colaadaha socda iyo masiibooyinka dabiiciga ah ayaa sidoo kale sii wada barakicinta carruurta iyo qoysaska, taas oo aad ugu adkeyneysa inay sii wataan waxbarashada.

Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) wuxuu si dhow ula shaqeeyaa maamullada waxbarashada Soomaaliya si loo hagaajiyo helitaanka carruurta ee iskuullada, kor loogu qaado waxbarashada iyo xirfadaha, iyo in la xaqiijiyo in carruurta ku jirta xaaladaha degdegga ah iyo guuritaanka la ilaaliyo, oo ay helaan fursado waxbarasho.