Madal furan oo diiradda lagu saarey ka difaacidda gabdhaha barakacayaasha ah Tacaddiyada Jinsiga

14 Dec 2022

Madal furan oo diiradda lagu saarey ka difaacidda gabdhaha barakacayaasha ah Tacaddiyada Jinsiga

Muqdisho – Muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo carruurta dalka ku barakacay laga ilaaliyo xadgudubyada la xiriira jinsiga ayaa toddobaadkan diiradda lagu saarey dood ay Qaramada Midoobay taageertay oo lagu qabtay Muqdisho.

Madashan oo ay soo agaasintey Hay’adda OSPAD ayaa ujeedkeedu ahaa in bulshada lagu baraarujiyo arrimaha la xiriira tacadiyada kufsiga iyo jinsiga ee ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed  ee barakacayaasha ah, iyo in dadka dhacdooyinkaas la kulmey lagu dhiirageliyo inay bulshada caawinaad weydiistaan. Dood-wadaaggan ayaa qayb ka ahaa barnaamijyada ololaha 16 maalin ee looga soo horjeedo Xadgudubyada la Xiriira Jinsiga kaas oo ku ekaa 10-ka bishan Diseembar.

“Waa muhiim in bulshada laga wacyi-geliyo tacadiyada kufsiga iyo jinsiga la xiriira,” ayay tiri Fardosa Cabdi Moxamud oo ah Sarkaal U dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha oo la shaqeysa Howl-galka UNSOM. "Aqoon la'aanta, si kastaba ha ahaatee, waxay caqabad ku tahay helitaanka wacyiga. Waxaa jira caqabado dhowr ah oo ay wajahaan dadka tacadiyadaas la kulmey, oo ay ka mid tahay inaysan ogeyn meel ay ka raadsadaan adeegyada iyo inay la kulmaan dhibaatooyin xagga aqoonsiga dembiilayaasha."

Madashan furan ayaa waxaa ka soo qeyqaybgalay 70 qof oo ka kala yimid bulshada barakacayaasha ah, ururrada bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka ee ku nool gobolka Banaadir kuwaas oo dhammaantood figrado isweydaarsadey kana Hadley caqabadaha iyo xalka sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada la xiriira jinsiga ee ka dhaca bulshada dhexdeeda.

Intii ay socotay madashan, ka-qaybgalayaasha ayaa waxay isku raaceen in xadgudubyada ku salaysan jinsiga in ay weli yihiin mushkiladda ugu weyn ee Soomaaliya, iyada oo kiisaska aan la soo sheegin, sababtoo ah dadka ka soo badbaaday ayey dhib ku tahay inay hadlaan. Waxay kaloo diiradda saareen sidii QM iyo hay’adaha kale ay u difaaci lahaayeen una garab istaagi lahaayeen kuwa lagu dhibaateeyay bulshadooda. 

Figradaha iyo Caqabadaha

Faarax Cali Faarax oo ka mid ah madaxda bulshada ku dhaqan xerada barakacayaasha Galad ee degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in habacsanaanta amni ay dhibaato weyn ku tahay haweenka iyo carruurta ku nool xeradaasi.  

"Arimaha xadgudubyada kufsiga iyo jinsiga ku salaysan ayaa ka soo ifbaxay xeryaha barakacayaasha sababo la xiriira caqabadaha amni ee jira, waxaana si dhow ula shaqeynaa hay'adaha ammaanka iyo maamulada si wax looga qabto arrimahaas," ayuu yiri.

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Naafada Haweenka Soomaaliyeed Aamina Maxamed Dhurow ayaa sheegtey in haweenka naafada ah ay wajahaan caqabado ka dhashey wacyi la’aanta bulshada iyo xeerka caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo dhibanayaasha ka hor joogsanaya inay caddaalada raadsadaan.

"Xeerku wuxuu suuragelinayaa inay qoysaska wada xaajoodaan oo ay xadgudubka kufsiga ku xaliyaan dhaqaale," ayey tiri Aamina. "Bulshada ma fahansana in haweenka naafada ah ay aad ugu nugul yihiin xadgudubyada galmada iyo jinsiga. Xarumaha looguma talagelin in dadka naafada ah u fududaato inay dhex maraan.”

Daah-furka Buugga Maadda

Madasha ayaa sidoo kale lagu daah-furey buug maadeysi Soomaali ah oo ka hadlaya xadgudubyada ku salaysan jinsiga. Sheekadiisu waxay caawisaa inay hagto badbaadayaasha inay helaan taageero nafsaani ay ka helaan bulshada, iyo sidoo kale habraacyada warbixinta booliiska si ay u raadiyaan cadaalad rasmi ah.

Buuggu waxa uu ahaa "qayb ka mid ah hab ku salaysan badqabka u sahlaya badbaadayaashu in ay helaan adeegyo ay ka mid yihiin taageerada nafsaani ee bulsho, daryeel caafimaad, iyo gargaar sharci, haddii ay u baahan yihiin in ay kiiska u sheegaan booliiska, waxayna tusinaysaa waxa ay samayn karaan si ay taageero u helaan,” ayey tiri.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, mas'uulkan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-geliyay kuwa dhibanayaasha inay gargaar u raadsadaan ururada bulshada rayidka ah ee ka howlgala xaafadaha lagu dayeelo qoysaska oo ay ka mid yihiin xeryaha barakacayaasha, iyo inay dacwadaha u gudbiyaan booliiska si loola xisaabtamo dadka lagu eedeynayo inay falkaas geysteen. 

16 Maalin 

Ololaha sanadlaha ah ee 16-ka maalin ee looga soo horjeedo Tacadiyada Jinsiga ah kaas oo soconayey laga soo billaabo 25-ka Noofembar oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacadiyada Lagula kaco Haweenka ilaa 10-ka Diseembar oo ku beegan maalinta Xuquuqda Aadanaha Adduunka, waa xasuusin shaqada aan dhammaanin si loo xaqiijiyo sinnaanta labada jinsi, nabadda, iyo amniga dhammaan, dhinac kasta oo nolosha ah, oo ay ku jiraan dhinacyada bulshada iyo siyaasadda. Intii uu socday ololaha, QM waxay la garab istaagtay dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah u ololeynta iyo wacyi-gelinta si wax looga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Dhambaal lagu xusayo curashada 16-ka maalmood, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la laba jibbaaro dadaallada looga hortagayo, waxna looga qabanayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. 

“Dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ka jira Soomaaliya waxay barakiciyeen dad aad u badan waxayna haweenka iyo gabdhuhu galiyeen halis weyn oo ah rabshado ay ka mid yihiin tacaddiyada kufsiga. Xadgudubyada jinsiga ku saleysan iyo xadgudubyada kufsiga ee xilliyada colaadaha waxay si ba'an u saameeyaan xuquuqda nolosha, hab-nololeedyada iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha," ayay tiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ahna madaxa howlgalka UNSOM.