Axmed Xasan Wehliye: Wuxuu kulansatay Jaceylka tiknoolijiyadda iyo dhisidda Nabadda

12 Aug 2022

Axmed Xasan Wehliye: Wuxuu kulansatay Jaceylka tiknoolijiyadda iyo dhisidda Nabadda

Muqdisho – Axmed Xasan Wehliye weligiis waxa uu u janjeerey dhanka tignoolajiyadda.

 Waxa uu xirfadiisa ku soo bandhigay goobtan horaantii noloshiisa. Isaga oo 11 jir ah, oo ku soo koray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uu kala furfuri jiray oo dib u ururin jiray soo-qabayaasha raadiyaha ee guriga qoyskiisa, mararka qaarkoodna waxa uu ka cadhaysiin jiray waalidkii. Islamar ahaantaana, waxay qadarin jireen xirfaddiisa marka laambadi ay baqtido cilad farsamo awgeed.

 Waxa uu dhashay 1996, Mr. Wehlie - oo loo yaqaan 'Axmed Jubba' - wuxuu ahaa mid ka mid ah toban walaalo ah. Waalidkiis wax xiriir ah lama lahayn qaybta tiknoolojiyada. Aabihii waa raajiiste, hooyadiina waa guri-joogto.

Tani waxay farqi yar u samaysay da'da yar Md. Wehliye. Markii uu sii waynaadeyba, xamaasaddiisa dhanka tiknoolajiyadda ayaa sii xoogeysatey, waxaana ay ku biirtay xiisaha sii kordhaya ee uu u qabo caawinta dalkiisa.

Fasalka 11-aad ee Dugsiga Jaabit Bin Xayaan, waxa uu ka war helay in dhiirrigelinta fasalkiisu ay hoos u sii dhacayso. Markii uu is waydiiyey sababta, waxa uu ogaadey in qof kasta oo fasalkiisa ihi uu u dagaalamayo warqadaha wax lagu qoro - kuwa fursadaha looga heli karo suuqa maxalliga ahina waxay ahaayeen kuwo ay tayadoodu liidato, dhuuban oo qaali ah. 

Md. Wehliye waxa uu in muddo ah ka fikirey arrinkan kahor inta aanu la iman xal ku lug leh xirfaddiisa tiknoolajiyada.

Isagoo iticmaalaya Photoshop, waxa uu naqshadeeyey daboolka buug-yaraha oo dhumuc wayn leh misna waari kara, islamarkaana siyaabo kala duwan loo qaabayn karo. Kaddib waxa uu xalkan u soo bandhigay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen kuwaaso kusoo boodey fursadda ah in ay helayaan warqad-qoraallo si adag u xiran oo ay magacyadoodu ku daabacan yihiin. Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen waxay keeneen warqaddii loo baahnaa, Md. Wehliyena wuxuu dhammaystiray naqshadihii isagoo isticmaalaya daabace u yaalla guriga.

"Waxaan taa ogaadey kaddib markii uu qof kastaahi helay buug xusuus qor ah oo leh naqshad isku mid ah, ardayda aan isku fasalka nahay waxay dareemeen in ay isku xiran yihiin waxayna dareemeen koox ahaan," ayuu yiri Md. Wehliye, mar uu dib u eegay dhacdadaas, taas oo ahayd waayo-aragnimadii ugu horreeysey ee uu kula yimaado xal loo adeegsanayo tignoolajiyadda. 

Mudane Wehliye mustaqbalkiisu wuxuu ku jirey dhisidda nabadda. Xaalad kale, markan isaga oo ku jira waxbarasho heer jaamacadeed ah, ayuu isku sii riixay waddadan. 

Sannadkii 2019-kii, isagoo 23-jir ah, islamarkaana Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ka qaatay shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda SIMAD, ayaa xilli uu ka soo baxay fasalka uu qof qori ku dhacay.

Tuugga ayaa u muuqdey mid ka yar Md. Wehliye.

 “Waqtigaas, uma aan damqan waxa iga lumay. Taa beddelkeeda, waxaan ka damqaday waddankayga haddii wiilasha da'da noocaas ihi ay qori wejiga ka saari karaan qof,” ayuu yiri Md. Wehliye. "Xilligaasi, waxaan go'aansaday inaan doonayo inaan wax sameeyo. Weli ma garanayn, laakiin waxaan ogaa inaanan qalin-jebin karin uun oo aanan diiradda saari karin noloshayda oo keliya." 

Fursaddu waxay isa soo bandhigtay wax yar kaddib qalin-jebintiisii 202-kii.

Intii uu shaqada raadinayey, Md. Wehliye waxaa loo soo bandhigay jagada agaasimaha hal-abuurka ee iRise Mogadishu Innovation Hub, oo ah xaruntii ugu horreeysey ee hal-abuurnimo ee Soomaaliya. Waxaa asaasay koox isku aragti ah oo ku talagaly in Soomaaliya laga dhigo sida Silicon Valey-da Geeska Afrika. Xarunteedu tahay Muqdisho, iRise waxay siisaa meel loogu talagalay hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, teknoolojiyadda iyo hal-abuurka ganacsi ee rabta inay wadaagaan xirfado iyo fikrado, iyo sidoo kale fursadaha maalgelinta iyo iskaashiga.

Afar bilood kaddib waxa loo dallacsiiyey hoggaamiyaha koox isgaarsiinta ka shaqaysa.

Doorkiisa cusub waxaa ka mid ah kormeeridda dhammaan hawlaha isgaarsiinta iyo maaraynta kooxda si ay u horumariyaan xeeladaha ugu mudan ee howlahan lagula xaalo.

Shaqo cusub, waddo cusub

Laakin Md. Wehliye waxa kale oo uu rabey in uu shaqadiisa ku darsado weji kale. Intii uu ku sugnaa xafiisyada iRise, wuxuu si joogto ah uga hadlayey riyadiisa ah inuu isku daro horumarka tiknoolajiyada iyo waxbarashada si ay uga faa'iidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u bartaan maaddooyin aan ka mid ahayn manaahijta rasmiga ah ee dugsiyada, sida sidii loo sii wadi lahaa nabadda Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada iyo siinta dhallinyarada xirfado ku dhisan dhexdhexaadin iyo gorgortan.

Dadkii uu u shaqaynayey waxay jeclaysteen waxay maqleen. 

"Kooxda iRise way aqbaleen fikradahayga waxayna bixiyeen boos xafiiseed iyo taageeradooda si aan u abuuro urur aan faa'iido doon ahayn. Markii hore, waxaan keenay hal qof oo ah saaxiibkay Cabdisalaan Maalin, waxaana aasaasay Galka Nabadda, oo ah qorshe ay dhallinyaradu hormuud ka tahay oo lagu horumarinayo nabadaynta Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo laguna tababarayo dhallinyaro meelo kala duwan ka timid xirfadaha dhexdhexaadinta iyo gorgortanka," ayuu yiri Mudane Wehliye.

"Asaaska shaqadeennu waa wadahadalka 'bulshadeenna' dhanka baraha  bulshada. Waxay dadka ku hagaan jihada shaqada Galka Nabadda. Ma isticmaalno cilmi-baaris rasmi ah, laakiin waxaan su'aalo ku soo bandhignaa baraha bulshada waxaana aqoonsannaa meelaha wax ka qabadka u baahan iyada oo wax lagu salaynayo jawaabaha." 

"Ilaa hadda, waxaan qabannay aqoon-is-waydaarsi ku saabsan kahortagga hadallada nacaybka ah iyo doorka saxaafaddu ku leedahay dhisidda nabadda. Waxaan ku dhownahay inaan bilowno aqoon-is-waydaarsi dhanka fannaaniinta ah oo ku saabsan muusigga nabadda. Dhammaan waxqabadyadeenna waxa loo qabtaa si shakhsi ah, ka qaybgalayaashana waxaa lagu soo xushay wicitaan codsi ah oo ku salaysan shuruudo si wanaagsan loo qeexay. Ma jiraan wax magacaabis ah dhanka aqoon-is-weydaarsiyadeenna,” ayuu raaciyey Md. Wehliye. 

Waxa dhiirigeliyey jawaab-celinta hore ee ka qaybgalayaasha aqoon-is-waydaarsiga 'doorka warbaahinta ee dhismaha nabadda'.

Sida uu yiri, “Soomaaliya, inta badan shaqaalaha warbaahintu waa dhallinyaro. Badanaa saxafiyiintu waxay ku labanlaaban yihiin tifaftireyaasha waxayna talo ku leeyihiin ajendaha wararka ee ururkooda. Kuwa nala shaqeeya waxay isku dayaan inay cinwaannada ku daraan warar badan oo ku saabsan horumarka wax dhisaya si ay u beddelaan sheekooyinka mugdiga badan.''

Hal-abuurahan bulsho ee da'da yar ayaa iftiimiyey in aqoon-is-waydaarsiyadu aysan ahayn kuwo dhammaad ah. Waxaa jira ‘Sarkaal beeleed’ jooga Galka Nabadda, oo ah qof loo qoondeeyey in uu ilaaliyo shabakadaha ama bulshooyinka lag abuuray aqoon-is-waydaarsiyada. Qaabkan, ayay ka qaybgalayaashu waxay sii wadaan wadaagga khibradaha iyo nuxurka oo ay ku dabaqeen xirfadaha cusub.

“Waxaan rabnaa in aan abuurno bulsho qof kastaa uu ku baraarugsan yahay muhiimadda nabadda. Waxaan qorshaynaynaa inaan tababarno oo aan awood siinno dhallinyarada dugsiyada iyo jaamacadaha Soomaaliya ku yaalla dhanka mowduucyada aysan badiyaa ku arag fasallada, sida dhisidda nabadda, qalabka wada xaajoodka iyo dib-u-heshiisiinta," ayuu yiri Md. Wehlie, oo maamula kooxda aan faa'iido doonka ahayn. isagoo sidoo kale haya shaqadiisa caadiga ah ee iRise.

Galka Nabadda waxaa hadda maamula shan xubnood oo xudun u ah iyo afar mutadawiciin ah oo ku sugan Muqdisho; ma laha maalgelin joogto ah oo ay taageeraan iRise iyo dadka kale ee xiiseeya xoojinta dhallinyarada. Md. Wehliye waxa uu rajaynaya in uu gaarsiiyo meelo ka baxsan caasimadda oo uu kala duwo xubnaha ay ka kooban yihiin howlwadeenka ururka oo hadda ah afar dumar ah iyo shan rag ah.

Dhallinyaro Soomaaliyeed

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu da’da yar caalamka, waxaana ku nool in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 jir.

Sida ay qabto Waaxda Qaramada Midoobey ee Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada (DESA), dhallinyaradu inta badan waa hormuudka hal-abuurka isticmaalka iyo fidinta tijnoolajiyadda macluumaadka iyo isgaarsiinta.

Si dhaqso ah ayay ula qabsadaan oo waxay u baahan yihiin tiro badan oo macluumaad ah, gudaha iyo dibeddaba, kuwaas oo lagu bixin karo iyada oo la adeegsanayo macluumaadka soo ifbaxaya iyo tiknoolajiyadaha isgaarsiinta.

Horumarinta nolosha dhallinyarada iyo u suurtagelinta doorkooda firfircoon ee bulshada - online iyo offline - waxay muhiim u tahay dhisidda nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, dhallinyaradu waa horseedka muhimka ah ee isbeddelka iyo isla xisaabtanka si loo horumariyo ballanqaadyada dowladaha iyo QM ee Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) iyo Ajendaha Caalamiga ah ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS).

SDGs waa baaq caalami ah oo ku wajahan sidii loo joojin lahaa faqriga, loo ilaalin lahaa meeraha (dunida), loona hagaajin lahaa nolosha iyo rajada qof kasta meel kasta oo uu joogo, waxaana ansixiyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey 2015-kii taasoo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah si loo gaaro yoolka SDGs.

Ajendaha YPS waxaa ansixiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey 2015-kii wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay xoojiyaan doorka dhallinyarada, oo ay xaqiijiyaan ka qaybgalkooda iyo ilaalintooda, xallinta khilaafaadka, nabad-dhisidda iyo go'aan qaadashada.

Maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa la xusaa sanad walba 12-ka Agoosto. Halkudhegga sanadkani waa "Hiillada Jiilalka ka Dhaxaysa: Duni loo Abuurayo Da' kasta."

Wax badan ka akhri howlaha QM ee dhiiri gelinta dhalinyarada ee Soomaaliya.