Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho uu ku tagay Koonfur Galbeed kaga hadlay arrimaha amniga, abaaraha iyo dowlad-dhisidda

31 Jul 2022

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho uu ku tagay Koonfur Galbeed kaga hadlay arrimaha amniga, abaaraha iyo dowlad-dhisidda

Baydhaba –  Amniga, Nabadda iyo Dowlad-dhisidda iyo sidoo kale Abaaraha ayaa ka mid ahaa arrimihii lagu soo qaaday  wadahadalladii maanta ee mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya booqashadiisa uu ku tagay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee dalka.

Arrinta la xiriirta ammaanka Dowlad Goboleedkaas xubinta ka ah Federaalka, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu guudmaray weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen halkaasi.

 “Aan fadlan ku billaabo ka tacsiyaynta geeridii naxdinta lahayd ee Jimcihii ku timid Wasiirkii Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Xasan Ibraahim iyo dhowr qof oo kale oo uu ku jiray mid ka mid ah wiilashiisa. Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Dhacdadan ayaa sidoo kale daba socotay geeridii guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow oo aan sidoo kale tacsi u dirayo,” ayuu yiri Md. Swan.

Sida ay sheegeen wararka, Wasiirka iyo dad kale ayaa lagu dilay qarax ka dib markii ay ka soo baxeen Masjid Jimcihii la soo dhaafay, halka mas’uulkii heer degmo iyo dhowr kale lagu dilay qarax ismiidaamin ah Arbacadii la soo dhaafay.

Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu gudbiyay kulan ay si wada jir ah warbaahinta ugu qabteen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ oo uu goor sii horreysay kula kulmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Xubinta ka ah Fedelka.

Waxa uu sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee kooxda argagixisadu ay si weyn u xasuusinayaan khatarta ay ku hayaan dadka rayidka ah iyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya oo dhan.

“Waxaan walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka wada hadalnay weerarradii ugu dambeeyay ee ay kooxda ee Bakool. Dhacdooyinkan ayaa hoosta ka xarriiqaya baahida loo qabo in la hormariyo isbeddelka amniga ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan khatarahaas oo kale,” ayuu yiri Md. Swan.

Marka laga soo tago amniga, mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dulmareen arrimo kale duwan oo heer deegaan iyo heer qaran ah oo ay ka mid yihiin sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo geeddi-socodyada nabad-dhisidda Soomaaliya iyo hannaanka dowlad-dhisidda hadda oo la heysto dowlad iyo hoggaan cusub oo federal ah.

"Waxaan isku raacnay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn qoto dheer oo dhexmarta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si sare loogu qaado horumarka laga gaarayo hor-tebinnada qaranka," ayuu yiri Md. Swan.

Marka si hoose loogu daadago heerka maxalliga ah, baahida loo qabo habab is-afgarad leh oo lagu dhammeeyo khilaafaadka ayaa la adkeeyay.

“waxa aan sidoo kale, soo dhaweeyay ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis ee ahaa in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee miisaanka leh ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ay wada-hadallo nabadeed ku xallin doonaan wixii khilaaf ah ee laga yaabo inay u dhexeeyaan. Waxaa muhiim ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal iyo in xoriyatul qawlka la xaqiijiyo sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri, Md. Swan.

Wax ka qabashada Abaaraha

Abaaraha socda oo saameynaya malaayiin Soomaali ah oo ay ku jiraan qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, ayaa si weyn uga dhex muuqday wadahadalladii mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ay la yeesheen hogaanka dowlad goboleedka ka tirsan federaalka.

Md. Swan ayaa sheegay in iyadoo xaaladdu ay tahay caqabad aad u weyn, haddana maamulka Koonfur Galbeed iyo bahda gargaarka banai’aadannimo ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka bini’aadannimo.

“Si taa la xiriirta, waxa aan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in la gaaro deegaannada fog fog, iyo sidoo kale kororka qulqulka dadka gudaha ku barakacay ee ku sugan Baydhabo iyo xarumaha kale ee magaalooyinka ee maamulka Koonfur Galbeed. Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa horraanba wax u qabanaya, iyagoo u maraya barnaamijyo lacago xawilid ah, kaalmo nafaqeyn ah, taageero biyaha iyo fayadhowrka ah iyo adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri.

“Hase ahaatee, xaaladda ayaa ah mid daran, wax badan ayaana loo baahan yahay in la qabto,” ayuu sii raaciyay. “Si taa loo gaaro, Qaramada Midoobay waxa ay sii wadeysaa in ay u qeyla dhaamiso bulshada deeqbixiyeyaasha ah si loo abaabulo dhaqaale badan si wax looga qabto caqabadan ka jirta dalka oo dhan iyo halkan, Koofur Galbeed”

Soomaaliya waxa ay wajaheysaa xilli-roobaad afaraad oo si xiriir ah u baaqda iyo khatar sare oo macaluul ah iyadoo la rumeysan yahay in siddeed goobood ay macluul ka dhici doonto bisha Siteembar

Sida laga soo xigtay xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadminnimada ee OCHA, abaarta hadda jirta waxa ay saamaysay toddobo milyan oo qof, halka in ka badan 800,000 oo qofna ay ku barakaceen iyagoo raadinaya cunto, biyo iyo baad. Ilaa 7.1 milyan oo qof - 45 boqolkiiba dadwaynaha - ayay cunto yari ba'ani haysaa, halka qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ay soo food saartay nafaqo-xumo ba'ani. Ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro iyo cudurro tan iyo bishii Jannaayo.

Qorshaha Gurmadka bini'aadminnimo ee Soomaaliya sanadkan waxa uu raadinayaa ku dhowaad 1.5 bilyan oo Doollar si loo daboolo baahiyaha bini'aadminnimo ee ugu daran ee dalka ka jira. Ilaa hadda, waxa la helay kaliya 42.6 boqolkiiba lacagtaas.

Booqashadiisa Baydhaba, waxaa Wakiilka Gaarka ah ee QM ku wehliyey madaxa Howlgalka ee Hey’ada Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM)u qaabilsan Soomaaliya, Frantz Celestin, iyo K/Xigeenka Madaxa ee Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Qaxootiga, Marwo Sanaa Cumar. Seddexda masuul waxa ay la kulmeen wakiillo ka kala socday dhowr ka mid ah kooxaha bulshada rayidka ee maxalliga ah, oo ay ku jiraan Shabakadda Ururka Haweenka ee Bay, Hay’adda Allamagan ee samafarka naafada, Jilayaasha aan Dowliga aheyn ee Koofur Galbeed, iyo Ururka Dhalinyada Koofur Galbeed ee Vision.

Booqashadani waa tii seddexaad ee uu Wakiilka Gaarka ah ee QM ku tago mid ka mjd ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya bishan, waxa ayna qeyb ka aheyd wadashaqeyntiisa joogtada ah ee uu la leeyahay madaxda Soomaalida. Labadiisii booqasho ee hore waxa uu ku kala tagay Puntland iyo Galmudug.