Barakacayaal Soomaali ah oo codsaday gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah si loo joojiyo gaajada

30 Mar 2017

Barakacayaal Soomaali ah oo codsaday gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah si loo joojiyo gaajada

Waxay ku qaadatay Faadumo Cabdi Axmed muddo afar maalmood ah in ay ka lugeyso degmada Kunturwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gaarto caasimadda Muqdisho, iyadoo ka carareysay abaarta taagan ee saameysay kumannaan qoys oo ku nool Soomaaliya. Waxay la carartay shan carruur ah, ka dib markii labo ka mid ah carruurteeda ay gaajo u dhinteen.

Abaarta ba’an ee ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa barakacinaysa dad badan, kuna khasabtay inay ka haajiraan guryahooda si ay cunto iyo hoy uga raadsadaan xeryaha dadka barakacay.

“Abaarta na barakacisay waxay dishay labo ka mid ah carruurtayda, gabadh shan jir ahayd iyo wiil saddex sano jir ahaa. Geeridooda waxaa u dhaxeysay toddobo cisho. Waxaan sidoo kale abaarta ku waynay dad qaraabo ah iyo xoolo, waxaana go’aansannay in aan haajirno,” ayay tiri Faadumo.

Xaqiiqdii, abaarta waxay kala gaysay qoysas, qaraabo iyo saaxiibbo. Bil ayaa laga joogaa tan iyo markii seyga Faadumo uu ka tagay guriga si uu u raadiyo cunto, balse dib dambe uma uusan soo noqon. Cidina kama war qabto inuu dhintay ama nool yahay.

“Seygayga wuxuu naga tagay xilli aan wajahaynay caqabado abaarta darteed. Xaaladdu way ka sii dartay, wuuna iska dhaqaajiyey. Ma garanayno halka uu ku cirib iyo  jaan dhigay,” ayay tiri.

Abaarta dabadheeraatay waxay sidoo kale cayrtaysay dad badan oo noloshoodu ay ku tiirsanayd beeraha. Tusaale ahaan, Raxma Warsame Isaaq oo 40-jir ah, waxay ka soo barakacday gurigeeda ka dib markii ay abaarta ku wayday seygeeda, xoolaheeda iyo dalaggeediii.

Raxma iyo afarteeda carruur, qaar ka tirsan qaraabadeeda iyo saaxiibbadeeda waxay ku qaadatay 11 maalmood in ay ka soo lugeeyaan degmada Qoryooley si ay u gaaraan Muqdisho, waxayna waddada ku wayday lix ka mid ah dadkii la socday ayada. Nasiib wanaag, Raxma iyo carruurteeda waxay ayagoo nabdoon gaareen xerada Al-Caddaala 25-kii Maarso, in kastoo ay tabar darnaayeen macluulna ay ka muuqatay.

Hooyadan leh afarta carruur waxay si gaar ah uga walwalsan tahay abaarta daba dheeraatay oo ay sheegtay in aysan lahayn calaamado dhammaad.

“Saamaynta abaarta waa mid wali sii waynaanaysa. Wabiga iyo dhammaan ilihii kale ee biyaha way qallaleen. Dalaggii wuu baaba’ay; xataa in la helo biyo la cabbo ayaa waxay noqotay caqabad. Waxaa na soo barakacisay abaarta. Qaar ka mid ah dadka waxay ku dhinteen waddada iyagoo u soo socday Muqdisho. Lix qof ayaa dhowaan geeriyootay, oo uu ka mid ahaa seygayga. Waxay u dhinteen abaarta darteed,” ayay tiri Raxma.

Dhibka aan dhammaan ee ay sababtay abaarta kali kuma koobna Raxma iyo Faaduma. Waxaa ka ag dhow Cali Maxamed Waaq oo 73-jir ah, wuxuuna ka baaraandagayaa sida uu mustaqbalka noqon karo ka dib markii ay abaartu baabi’isay ishii noloshiisa. Wuxuu ka soo barakacay Dacaraale oo ku taalla nawaaxiga magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, asaga iyo xaaskiisa iyo afar carruur ah (labo gabdhood iyo labo wiil), qorshahana uguma jiro in uu xilli dhow ka tago xerada Al Caddaala.

“Waxaa na la siiyay cunto ay dad samafaleyaal ah ugu deeqeen maamuleyaasha xerada Caddaala. Waana sababta aan wali u nool nahay haddii kale xilligan maba aan soo gaarnayn,” ayuu yiri Cali.

Sida uu sheegtay Sahra Cali Maxamuud, oo ah Maamulaha Xerada, xerada Al Caddaala waxaa ku nool in ka badan 1,114 oo qoys. Xilligii dhowaa ee la soo dhaafay, waxaa ku soo biiray 295 qoys oo dheeraad ah halka kuwo kale oo badan oo ka cararaya duruufaha adag ee ka jira deegaannada miyiga lagu wado inay halkan soo miciinbidaan.

“Dadkan waxba ma haystaan, wayna dhibaateysan yihiin. Milkiileyaasha gaadiidka ka hawlgala dekedda Muqdisho ayaa ku deeqay cunto oo aan u karinnay barakaceyaasha. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale ku deeqay dermo lagu jiifto iyo dhar oo loo qaybiyay barakaceyaasha. Waxaan karinnay cuntadii ugu dambeysay ee lagu deeqay mana hayno wax aan qado ahaan u karinno haddii aan gargaar la helin,” ayay tiri Sahra.

Waxay ka codsanaysaa dadka deegaanka iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay waayeen ilahooda nolosha, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay uga soo kabsadaan khasaaraha soo gaaray.

Falanqayntii ugu dambeysay ee amniga cuntada iyo nafaqada ee ay soo saartay waaxda u kuurgalidda nafaqada iyo amniga cuntada ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FSNAU) iyo Laanta ka Digta Abaaraha (FEWSNET) ee la soo saaray 2-dii Febraayo, waxay sheegtay in tirada dadka u baahan gargaar bini’aadannimo la filayo in ay ka siyaaddo 5 milyan sida la sheegay Sebtember 2016 oo ay gaarto 6.2 milyan muddada u dhaxeysa Febraayo iyo Juun ee sanadkan.