Taliyaha Booliska UNSOM oo booqday Gaalkacyo

22 Mar 2017

Taliyaha Booliska UNSOM oo booqday Gaalkacyo

Taliyaha Booliska UNSOM Christoph Buik iyo Ku Xigeenka Safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya Markus Bollmohr ayaa 21-kii Maarso booqday magaalada lagu muransan yahay ee Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan hirgelinta heshiis xabbad-joojin ah oo ay gaareen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed bishii Nofembar ee sanadkii tegay.

Wafdiga ayaa booqday qaybaha waqooyi iyo koonfur ee magaalada Gaalkacyo, oo ay kala maamulaan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxayna la kulmeen guddoomiyeyaal gobol, guddoomiyeyaal degmo iyo taliyeyaasha booliska ee gobolka. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa soo dhoweeyey taageerada uu Hawlgalka UNSOM siiyay Kooxda Ka Talinta Xabbad-joojinta Gaalkacyo, oo uu hoggaamiyo Urur Goboleedka IGAD.

Xubnaha wafdiga iyo mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa xusay doorka muhiimka ah ee hawlgallada amni-sugidda, ee ay sida wadajirka u fulinayaan ciidanka amniga ee labada dowlad goboleed, ay ka ciyaari karaan xaqiijinta xabbad-joojinta. Dagaal u dhaxeeyay ciidamada amniga ee labada dowlad goboleed ayaa galaaftay nolosha toboneeyo dad ah bishii Oktobar ee 2016, wuxuuna barakaciyay kumannaan ka tirsan dadka deegaanka.

“Waxaan rajeynayaa in hawlgallada amni-sugidda wadajirka ah ee boolisku ay sahli doonaan in ciidanka laga saaro magaalada Gaalkacyo, burburinta jidgooyooyinka iyo horumarinta marin xor ah ee gargaarka bini’aadannimo si ay u kala gooshaan labada qaybood ee magaalada,” ayuu yiri Buik, Taliyaha Booliska. “Hawgallada amni-sugidda waxay kaloo gacan ka gaysan doonaan sare u qaadista xiriirrada  ganacsi iyo bulsho ee u dhaxeeya dadka Gaalkacyo wuxuuna taageeri doonaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.”

Si loo xaqiijiyo inay sii socoto dhaqangelinta xabbad-joojinta, mas’uuliyiinta ka kala socday labada maamul ee Gaalkacyo waxay waydiisteen in la ballaariyo koorsooyinka tababarka la qorshaynayo in loo qabto askar ka tirsan booliska Galmudug iyo Puntland iyo kordhinta tirada ka qaybgalayaasha oo la gaarsiiyo  200 oo askari. Waxay kaloo codsadeen bixinta mushahar, gaadiid iyo qalab la siiyo booliska ka qaybqaadanaya hawlgallada wadajirka ah ee amniga lagu sugayo iyo caawimaad laga gaysto dhismaha saldhig boolis oo ay adeegsadaan ciidanka booliska ee sida wadajirka ah u hawlgalaya.

Muddadii ay ku jireen safarkooda, Taliyaha Booliska UNSOM, Buik iyo Ku Xigeenka Safiirka Jarmalka, Bollmohr ayaa qiray kharashka xaddidan ee la siin karo maamullada ka dhisan Gaalkacyo. Waxay kaloo xuseen in daah ka rogista Hannaanka Cusub ee uu yeelanayo Booliska Soomaaliya uu horumarin doono joogtaynta maaliyadda e xilliga fog ee hawlaha booliska ee dalka oo idil.

Wada-xaajoodyadu waxay sidoo kale diiradda saareen dhibaatada abaarta taagan, mas’uuliyiinta maamullada waxay ugu baaqeen bahwadaagta caalamiga ah inay keenaan gargaar degdeg ah. Taliyaha Booliska UNSOM, Buik ayaa xusuusiyay taliyeyaasha booliska ee gobolka mas’uuliyadda ka saaran inay ilaaliyaan shacabka wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha gargaarka bini’aadannimo iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay gudbi karaan jidgooyooyinka ayaga oo aan la hor istaagin.

Mas’uuliyiinta labada maamul ee Gaalkacyo ka dhisan waxay isku afgarteen in ay qaadaan tallaabooyin dammaanad qaadi kara marin xor ah ee gargaarka bini’aadannimo.