Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Somaliland si uu u qiimeeyo saamaynta abaarta

3 Apr 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Somaliland si uu u qiimeeyo saamaynta abaarta

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramda Midoobey arimaha Soomaaliya Michael Keatings ayaa soo gabagabeeyay booqasho labo maalin ah oo uu ku tagay Soomaaliland si uu qiimeyn ugu sameeyo saameynta abaarta daba dheeratay ee ku habsatay dadka deeganadas.

Mudane Keating ayaa wada hadalo la yeeshay saraakil sare sare oo ka tirsan dowlada oo u hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno ka tirsan gudiga qaran ee gurmadka abaaraha, wakiilo ka socday bulshada rayidka iyo hey,adaha qaramada midoobey.

Wada hadalada ayaa diirada lagu saaray sidii loo dardargalin lahaa kor u qaadida isku duwida howlaha socda ee gurmadka abaaraha si loo caawiyo dadka abaarta saameysay.

“Dadka Soomaaliland ma ahan in markale arintan kusoo laabato. Waxaan ka hadleynay qorshayaasha dib u soo gabashada iyo adkeysiga iyo sida QM ay arintaa wax uga geysan karto iyadoo la shaqeyneysa dowlada Soomaaliland iyo ururada bulshada. Sidoo kale waxaan ka hadalnay dowrka QM si guud ahaaneed ee Soomaaliland,” Mudane Keating ayaa ka sheegay shir jaraa,id kadib markii uu la kulmay Madaxweyne Silaanyo.

Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire ayaa bogaadiyay hadalka wakiilka qaramada midoobey isagoo ugu baaqay QM iyo bulshada caalamka iney sii wadaan taagerida dadaalada dowlada Soomaaliland wax uga qabaneyso dhibaatoyinka.

Mudane Keatings ayaa booqday dad ay abaarta ku saameysay tuulada Laaca oo 70 kilometers galbeedka ka xigta caasimada Soomaaliland ee Hargeysa. Ergayga ayaa booqday meel dadka biyo loogu qeybinayay oo ay hirgalisay hey,ad maxali ah oo lagu magacaabo HEAL oo lacago ka hesha UNICEF. Bahwdaagta HEAL iyo UNICEF aya dadka siiya biyo nadiif ah iyo xirmooyin qalabka nadaafada ah ilaa 2,700 oo qoys ayaa helay qalabkaas.

Axmed Cabdi Jaamac oo ka tirsan odayaasha tuulada ayaa yiri tiro qoysas ah ayaa abaarta darted uga barakacay deegaanka iyagoo degay meelo kale, maadama tuulada Laaca ku yaraadeen kheyraadkii muhiimka ahaa.

“Waxan codsaneynaa oo dalbaneynaa gargaar cunto dadka deeganka iyo kuwa ka barakacay meesha,” ayuu yiri Axmed

Mudane Keating ayaa sidoo kale booqday xarunta dhalaanka iyo caafimaadka hooyadda sidoo kalena lagu nafaqeeyo caruurta ee ku taal magaalada Gabiley, galbeedka Hargeysa, si uu qiimeyn ugu sameeyo baahiyaha caafimaad ee dadka deeganka.

Marwo Caasho Cabdi Cali, oo ah madaxa xarunta ayaa sheegtay in abaarta badisay tirada caruurta nafaqa darada la ildaran kuwasoo xarunta lagu daaweeyo. Waxay kaloo sheegtay in tirada korartay ee bukaanada iney keentay cadaadis dheeraad ah oo ku yimid shaqaalada xarunta iyo waliba kheyraadka xarunta oo liita

Ergayga QM ayaa balanqaaday in la kordhin doono dadaalka bulshada caalamka dareenka loogu haki doono xaalada khatarta ee ka aloosan Soomaaliland iyadoo la codsan doono lacag dheeri ah si loogu gurmado baahiyaha bani,aadnimo si firfircoon.

Wasiirka Arimaha Dibada Shire oo wehlinayay ergayga booqashadiisa ayaa sheegay in boqolaal xoolo ah u dhinteen biyo la,aan iyo cows la,aan, iyadoo dad badan oo xoolo dhaqato ahaa dhigay dakhli la,aan.

“Waxaan u mahadcelineynaa hey,adaha bani,aadnimada sida ay u caawiyaan bulshada. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa UNICEF (hey,ada qaramada midoobe u qaabilsan caruurta) soo dhaweyntoodii dadka ay saameysay abaarta. Waa inaan si wada jir ah uga wada shaqeynaa dowlad ahaan iyo hey,adaha bani,aadnimada sidii loo hagaajin lahaa xaalada dadka,” ayuu yiri wasiir Shire.

Wasiirka Arimaha Diinta Sheekh Khaliil Cabdullahi Axmed kana tirsan gudiga gurmadka abaaraha ayaa yiri abaarta waxay saameysay dad gaaraya 1.5 milyan. Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliland hormarisay qorshe lagu siinayo 60 doolar bil kasta qoysaska abaarta saameysay laakin ay kari weysay bixinta qarashkaas sababo la xariira lacag yari.

Inkastoo bulshada ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga babacdhigi lahayeen  caqabadaha nafaqa darada iyo barakaca, shaqaalaha hey,adaha gargaarka ayaa ka digaya suurta galnimada bilowga roobabka xilliga Gu,a kuwasoo keeni kara daadad iyo cuduro ka dhasha biyaha sida daacuunka.

Ergayga qaramada midoobey ayaa xooga saaray baahida loo qabo hormarinta xalka mudada dheer ee wax looga qabanayo dhibaatada heysata dadka Soomaaliland kuwasoo ay ku dhufatay abaarta. Hadii aan loo gurmana u nuglaan doona dhibaatoyin bani,aadnimo oo la mid ah tan hadda taagan mustaqbalka dhow.

“Intaa waxaa dheer gurmadka deg dega ah, waxa jira dhibaato sidii looga soo kabsan lahaa dhibkan,” ayuu yiri Mudane Keating. “Sidee rabnaa inaan ku dhisno awooda dadka ee la qabsashada? Waxa laga yaaba in abaar kale timaado sanad ama labo sano kadib. Sidaa darted waa inaan helna isku miisaamida dhibaatada deg dega ah iyo nooca sheegista dhibaatada qotada dheer natiijada ka dhalatay nuglaantan.

Wakiilada ururada bulshada ayaa u sheegay ergayga qaramada midoobey iney jiraan korar tirada saxafiyiinta lagu xiray Soomaaliland laga soo bilaabo bilowgii sanadkan 2017. Sidoo kale waxay ku booriyeen Qaramada Midoobey iney kor u qaado awood siinta haweenka dhanka siyaasada Soomaaliland sida ay ugu sameeyeen Soomaaliya intii lagu guda jiray doorashadii 2016 ee ka dhacaday halkaa.