Barnaamishka BBC Focus on Africa oo waraysi la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia Michael Keating

13 May 2017

Barnaamishka BBC Focus on Africa oo waraysi la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia Michael Keating

Barnaamijka BBC Focus on Africa, 10 Maajo 2017. Khamiistan waxaa London iskugu imanaya dad aad u fara badan oo wada higsanaya hal yool, kaasoo sida loo wanaajin karo amaanka, horumarka iyo nabadda Somalia. Waa shirkii ugu dambeeyey ee sanadlaha ahaa oo markii ugu horreeysey la bilaabay 2013-kii. Haddaba maxaa midkan looga jiba keeni karaa?

Dul ka eegis

Soo kabashada Somalia waa mid socota kaddib qabashadii geeddi socodka doorashadii ugu dheerayd dalkaasi muddo dhowr 10-sanaale ah iyo awooddii lagu wareejiyey Maxamed Cabbdullaahi  ‘Farmaajo’.

Waxaa dareenka loo duwey dhanka muhiimadaha dowladda cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin: hagaajinta amaanka waqtiga fog iyadoo dib loo qaabaynayo hindisaha amaanka qaranka; xoojinta xukunka iyo dib u habaynta siyaasadda; ka jawaabista baahiya aadminnimo iyo dhismaha hannaan u adkaysan kara abaaraha; dhismaha dhaqaale wax ka tari kara hab-nololeedka umadda, shaqooyinka iyo soo saarka dakhli guud oo maxalli ah.

Joogtaynta inay Somalia u dhaqaaqdo dhanka nabadda iyo baraaruhu waxay u baahnaan doontaa jaalnimada beesha caalamka oo sii socota iyo deeqo agaasiman isla markaana si intii hore ka badan la isugu duwey. Waxaa ay dadkii hadlay ay soo qaadeen sida beesha caalamka iyo dalalka gobolku ay u taageeri karaan DF Somalia si ay u hir-geliso qorshayaasheeda, oo ay ku jiraan natiijooyinka kasoo baxa Shirka Somalia ee London.