Fariinta Xoghaya-Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Nabad Ilaalinta QM

29 May 2017

Fariinta Xoghaya-Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Nabad Ilaalinta QM

Ku dhowaad 70 sano, nabad ilaalinta Qaramada Midoobay waxay cadeysay inay tahay mid kamid ah maalgashiyada ugu waxtarka badan ee beesha caalamka dhanka nabadda, amniga iyo horumarka.

Baahida loo qabo ciidamada nabad ilaalinta ee QM ayaa si isdaba joog ah kor ugu kacday sanadihii lasoo dhaafay, waxa ayna ku dhawdahay inay gaarto heerkeedii ugu sarreysay abid. Nabad ilaalinta waxay saameyn togan ku yeelatay nolosha malaayiin dadweyne oo ku nool daafaha caalamka.

English Version | French Version