Bayaan ka Soo Baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud oo Ku Saabsan Weerarkii Argagixisanimo ee Kismaayo, Soomaaliya

12 Jul 2019

Bayaan ka Soo Baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud oo Ku Saabsan Weerarkii Argagixisanimo ee Kismaayo, Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud waxa uu cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay 12kii Luulyo magaalada dekedda ee Kismaayo, Soomaaliya.

Waxa uu tiraanyo iyo tacsiba u dirayaa qoysaskii ku nafwaayey weerarka waxa uuna kuwa dhaawaca ah u rejeynayaa bogsasho deg deg ah.

Xoghaya-Guud waxa uu markale adkeeyey in Qaramada Midoobay taageero  iyo isgarab taaggba ku siin doonto  bulshada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan mustaqbal nabad ah.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha-Guud.

New York