Booqashadiisii Hirshabeelle, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowlad Gobolleedyada

17 Jul 2019

Booqashadiisii Hirshabeelle, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowlad Gobolleedyada

Jowhar – Booqashadii kowaad ee uu ku tagay dowlad gobolleedka Hirshabeelle tan iyo markii uu jagadan qabtay, Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay horumarka waqtiga fog ee dalka xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya maamul gobolleedkan iyo mas’uuliyiinta Federalka.

“Waxaan wadahadal miro dhal ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xubnihiisa dowladda – waxaan ku heshiinay in xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu aad muhiim ugu yahay xoojinta geeddi socodka dowladda dhisidda dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya, James Swan.

Marka laga yimaado kulankii uu caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Waare iyo xubnihiisa Wasiirada, sidoo kale Egeyga Gaarka QM waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Mudane Swan, kaas oo sidoo kale hormuud u ah Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxa uu hoosta ka xarriiqay ilaa iyo heerka uu qoyska Qaramada Midoobay ula falgalo Hirshabeelle, kuwaas oo daboola horumarinta awoodda ay hay’adaha, bixinta kalamo bili’aannimo, fududeynta shirarka dib u heshiisiinta iyo dhex dhexaadinta, iyo sidoo kale dhinaca dib u habaynta laamaha amniga iyo kaabeyaasha horumarka.

“Waxaan quurdareyneynaa in aan sare u qaadno wada-shaqeynta aan la leenahay dowladda iyo bulshada Hirshabeelle si aan si wanaagsan ugu fulino wajibaadka UMSOM iyo dhaq dhaqaaqyada qoyska QM,” ayuu hoosta ka xarriiqay mudane Swan.

Safarkan waxa uu ahaa kii saddexaad ee uu mudane Swan ku tago dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka tan iyo markii uu yimi Soomaalia 25-kii Juunyo, booqashadan waxa ay daba socotaa kuwii uu ku tagay Puntland iyo Jubaland.

Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa safarka ku weheliyey saraakiil sare oo ka kala socday Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga qaabilsan (UNHCR), Takeshi Moriyama iyo Xafiiska Isku xirka Arrimaha Bani’aadannimo (OCHA) Edmore Tondhlana.