Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dadejiyo ansaxinta sharciga doorashada ee horyaalla baarlamaanka

3 Mar 2019

Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dadejiyo ansaxinta sharciga doorashada ee horyaalla baarlamaanka

Hoggaamiyaasha haweenka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka Federalka inay ansixiyaan hindise-sharciyeedka dib u habeynta doorashooyinka, kaas oo dhigaya mabda'a koontada haweenka ee 30% inay ku yeeshaan doorashooyinka baarlamaaniga ah ee soo aaddan.

"Sharciga doorashooyinka ee dhigaya qoondada 30% ee matalaada haweenka wali lama ansixin, waxaana rajeyneynaa in labada aqal uu ka kooban yahay Baarlamaanka ee kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ay ansixin doonaan, sidoo kale in dastuurka qabyo-qoraalka ah wax laga baddeli doono si taasi loogu muujiyo." Ayay tiri Caasha Cabdulle Siyaad, oo soo qabanqaabisay madasha doodda, ahna madaxa Somali Women Leadership Initiative (SWLI) oo ah hay'ad u ololeesa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed.

Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Haweenka Soomaaliyeed waxay u midoobeen siyaasad loo dhan yahay” waxaa ka soo qayb galay in ka badan 30 haween oo matalayay baarlamaanka federaalka, bulshada rayidka ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), jaaliyadaha qurba-joogta ah, xisbiyada siyaasadeed iyo aqoonyahannada.

Marwo Caasho ayaa tibaaxday in wada hadalladan ay qayb libaax leh ka qaadan doonaan horumarrada ay sameynayaan haweenka Soomaaliyeed, sidoo kalena inay dib u eegi doonaan caqabadaha wali hortaagan haweenka, xilli ay isku diyaarinayaan doorashada halka qof iyo halka cod ah ee la qorsheenayo inay dhacdo dabayaaqada sannadka 2020.

Madashan ayaa waxaa taabbageliyay Howlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waana mid ka mid ah munaasabadaha taxanaha ah oo ay soo abaabuleen hormuudka haweenka Soomaaliyeed kahor munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka oo ku beegan Jimcaha, 8 Maarso.

War-murtiyeed wadajir ah oo loogu hadlayo sida hore loogu sii soconayo ayaa laga soo saari doonaa Shir-weynaha Haweenka Soomaaliyeed oo saddex maalmood soconaya, kaas oo lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa cod dheer ku bogaadisay madasha doodda, iyadoo xustay in doodaha noocan ah ay haweenka Soomaaliyeed ka caawin doonto inay ka gudbaan caqabadaha qabsada xilliyada doorashooyinka.

"Shirkan oo ku saabsab xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay fooda nagu soo hayaan munaasabadaha lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka" ayay tiri Xaliima Yarey.

Waxay intaa ku dartay in Guddiga Doorashooyinka uu si dhow ula shaqeyn doono bulshada rayidka ah si bulshada looga wacyi galiyo dib u habeynta lagu sameenayo sharciga doorashooyinka, kaas oo lagu wado in lagu qabto doorashooyinka qaran ee xiga.

Ka soo qeybgalayaasha madasha ayaa ka dooday mowduucyo kala duwan oo isugu jira hanaanka dib u eegista dastuurka iyo sida habboon ee loo marayo geeddi socodka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo sidoo kale caqabadaha hortaagan ka qeybgalka haweenka ee saaxada siyaasadda.

Intii lagu gudajiray geeddi-socodkii doorashada 2016, matalaadda haweenka ee baarlamaanka federaalku waxay sare ugu kacday 14% iyadoo gaartay illaa 24%. Si kastaba ha ahaatee, kororkan ayaa ka hooseeya hanka haweenka Soomaaliyeed ay ku taamayeen oo ah inay helaan qoondo aan ka yareyn 30%, balse hoggaamiyayaasha haweenka ayaa qorsheenaya inay taas xaqiijiyaan geeddi-socodka doorashooyinka soo aaddan ee 2020.

Guddoomiyaha ururka aan dawliga ahayn ee u taagan arrimaha haweenka, waxbarashada iyo ganacsiga, Asli Ismaaciil Ducaale ayaa niyadxumo ka muujisay sadbursi lagu hayo haweenka marka ay timaaddo golayaasha go'aan gaarista, iyada oo ku baaqday in la qaado tallaabo waxtar leh oo lagu awoodsiinayo haweenka.

“marka laga hadlayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkan, haweenka ayaa ah cidda taageerta dalka. Haweenka waxa ay kusoo kordhiyaan 60% dhaqaalaha dalka, halka raggu ay kusoo kordhiyaan 40%, arrinta layaabka leh ayaa ah in haweenka aan lagu arag golayaasha go'aan gaarista ee dalka” ayay tiri Asli Ducaale.