Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2023

1 Jun 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2023

 

Gurmadka fatahaadda | Hay’adda IOM waxa ay taageertaa bulshooyinka ay fatahaaduhu barakiciyeen

Iyadoo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, hay’adda IOM waxay sare u qaadday taageerada ay siiso bulshooyinka ay saameeyeen roobabka xooggan iyo fatahaadaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hay’adda IOM waxay Baardheere iyo Beledwayne ku samaysay qiimayn goobeed si ay u ogaato baahiyaha ugu daran ee qoysaska ay dhibaatadu saamaysay.

Ilaa hadda, hay’adda IOM waxa ay isku dubba riddey gargaar degdega oo naf-badbaadin ah oo la siinayo 3,800 oo qoys oo ka mid ah bulshada ay fatahaaduhu saameeyeen ee Baardheere. Kaalmada waxaa ka mid ah xirmooyinka nadaafadda, biyo-dhaaminta, alaabta hoyga degdegga ah.

Hay’adda IOM ayaa sidoo kale olole joogta ah oo dhanka nadaafadda iyo wacyigelinta ah ka wadey deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen ee gobolka Gedo, si loo yareeyo khatarta cudurrada biyaha ka dhasha. Tan oo ay dheer tahay dayactirka ilaha biyaha haatan jira, iyadoo la doonayo in la dammaanad qaado helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo marka ay dhacaan musiibooyinku, sida fatahaadaha.

Click here for more

 

Gurmadka fatahaadda | Hay’adda WFP ayaa gargaar gaarsiisay qoysas ay fatahaadahu go'doomiyeen

Iyadoo ay wehliyaan saaxiibbada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, WFP waxay si deg deg ah uga jawaabtey fatahaadda Beledwayne kaddib markii Webiga Shabeelle uu qararka jabsaday.

Iyadoo adeegsanaysa doomo iyo cagafyo si ay u gaarto bulshooyinka iyo tuulooyinka ay gooyeen biyaha sare u kacaya, ayey hay’adda WFP waxaa ay dadka gaarsiisay raashin degdeg ah oo ay u baahnaayeen qoysas go’doonsanaa.

 

Click here for more

 

Dhallinyaro | Hay’adda UNDP waxa ay ka taageertay dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u bartaan qalabka elektaroonigga ah iyo robotyada

Hay’adda UNDP ayaa tababar siisay hoggaamiyayaasha xarumaha dhallinyarada Muqdisho, Garoowe, Dhahar iyo Buuhoodle, kaas oo ku saabsan qalabka elektaroonigga ah iyo robotyada.

Iyadoo qayb ka ah barnaamijka, tababarta-yaashan horudhaca ah ayaa waxay sii wadi doonaan inay tababaraan dhallinyarada ka soo jeeda deegaankooda, taasoo qayb ka ah dadaallada kor loogu qaadayo waxbarashada Sayniska, Tiknoolajiyada, Injineeriyadda, iyo Xisaabta (STEM) Soomaaliya iyo sidoo kale horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Click here for more

 

Dadwaynaha | Hay’adda UNFPA waxay taageertaa tirakoobka dadka iyo guriyaynta Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay  tirakoobka dadka iyo guriyaynta Soomaaliyeed ee 2024-ka – taasoo ah dhacdo taariikhi ah oo dalka usoo hoyatay.

Hay’adda UNFPA waxa ay saaxiib macne leh u tahay dadaalkan muhiimka ah, waxayna xustay in munaasabadda lagu muujiyey sida ay dowladda uga go'an tahay howshan marka xisaabta lagu daro muhiimadda taageerada caalamiga ah.

Sida laga soo xigtey UNFPA, tirakoobku wuxuu bixin doonaa xogta muhimka ah ee mashaariicda horumarinta, siyaasadaha iyo barnaamijyada. Waxayna gaari doontaa dhammaan gobollada, oo ay ku jiraan kuwa ay ku sugan yihiin qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay, waxayna isticmaali doontaa tiknoolajiyadda casriga ah si loo ururiyo xog sax ah.

Hay’adda UNFPA ayaa sheegtay in guusheeda ay wax badan ka bedeli doonto dowladnimada, matalaadda siyaasadda, wax ka qabashada bini'aadminnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Intaa waxaa dheer, tirakoobku wuxuu sidoo kale wax ka qaban doonaa baahiyaha haweenka iyo gabdhaha, kor u qaadidda dhaqamada kala duwan, iyo caawinta dhimista dhibaatooyinka cimilada la xiriira.

Click here for more

 

Gurmadka fatahaadda | Hay’adda UNICEF waxa ay qiimaysay baahiyaha dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Iyadoo ay wehliyaan saaxiibbada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, UNICEF waxa ay si degdeg ah uga jawaabtey fatahaadda Beledwayne kaddib markii uu webiga Shabeelle uu qararka jabsaday.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Wafaa Siciid, oo ay weheliyeen wafdi ka socday WFP ayaa socdaal ku maray degaannada ay dhibaatadu ka dhacday si ay u qiimeeyaan baahiyaha dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. Xarunta caafimaadka ee degmada Ceel Jaalle ayaa waxay kula hadleen hooyooyinka dhowaan ka barakacay degaanka si ay u dhegaystaan waxa ay baahiyahoodu yihiin.

Hay'adda Qaramada Midoobey ayaa xustay in biyo nadiif ah oo degdeg ah dadka loo dhaaminayo, islamarkaana la qaybiyey agabka nadaafadda si ay uga qaybqaataan la dagaallanka cudurrada laga hortegi karo, taasoo qayb ka ah gurmadka. Sidoo kale, rugaha caafimaadka ee guur guura ayaa dadka loo gaarsiinayaa si kasta oo suurtogal ah, iyadoo la adeegsanayo xitaa gaari-dameerrada.

Iyadoo Soomaaliya ay qaadayso culayska isbeddelka cimilada oo ay ku jiraan dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha, ayey hay’adda UNICEF waxay beesha caalamka ugu baaqday inay Soomaaliya ka caawiyaan maalgashiga hab-nololeedka iyo horumarinta la qabsiga cimilada.

.

Click here for more

 

Gurmadka fatahaadda | Hay’adda IOM waxa ay taageertaa bulshooyinka ay fatahaaduhu barakiciyeen

Iyadoo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, hay’adda IOM waxay sare u qaadday taageerada ay siiso bulshooyinka ay saameeyeen roobabka xooggan iyo fatahaadaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hay’adda IOM waxay Baardheere iyo Beledwayne ku samaysay qiimayn goobeed si ay u ogaato baahiyaha ugu daran ee qoysaska ay dhibaatadu saamaysay.

Ilaa hadda, hay’adda IOM waxa ay isku dubba riddey gargaar degdega oo naf-badbaadin ah oo la siinayo 3,800 oo qoys oo ka mid ah bulshada ay fatahaaduhu saameeyeen ee Baardheere. Kaalmada waxaa ka mid ah xirmooyinka nadaafadda, biyo-dhaaminta, alaabta hoyga degdegga ah.

Hay’adda IOM ayaa sidoo kale olole joogta ah oo dhanka nadaafadda iyo wacyigelinta ah ka wadey deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen ee gobolka Gedo, si loo yareeyo khatarta cudurrada biyaha ka dhasha. Tan oo ay dheer tahay dayactirka ilaha biyaha haatan jira, iyadoo la doonayo in la dammaanad qaado helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo marka ay dhacaan musiibooyinku, sida fatahaadaha.

Click here for more

 

Bani'aadannimo | OCHA oo  Lacag 3 milyan oo doolar ah u qoondaysay cudurka daacuunka iyo wax ka qabashada fatahaadaha

Sida ay sheegtay OCHA, iyada oo taageerada deeq-bixiyayaashu ay ilaa hadda u suurtagelisey in saaxiibbada gargaarka Bani'aadannimo ay gaaraan 5.6 milyan oo qof, laga soo billaabo Janaayo ilaa Abriil ee sanadkan, Qorshaha Waxqabadka Bani'aadminnimada ee 2023-ka - kaas oo raadinaya in ka badan $ 2.6 bilyan oo doollar si loo daboolo baahiyaha mudnaanta leh ee 7.6 milyan oo qof - ayaa 25.7 boqolkiiba la maalgeliyey. Hoos-u-dhaca maalgelineed ee hadda jira ayaa si wayn u curyaaminaya jawaabta, taasoo ku khasbaysa saaxiibbada inay sameeyaan mudnaan-siin adag.

SHF (Sanduuqa Gargaarka Bani'aadannimo ee Soomaaliya) waa nidaam isku dhafan oo ku salaysan waddamo badan oo deeq-bixiyeyaal ah oo la abuuray 2010-kii, si qoondo maalgelineed loogu sameeyo wax-qabadyada naf-badbaadinta ah ee degdegga ah ee Soomaaliya. Waa isku darka hab dabacsan iyo diirad istiraatijiyadeed, Sanduuqu wuxuu xaqiijinayaa qoondayn waqtiyaysan iyo bixinta tas-hiilaad awood siinaya waxqabad bini'aadminnimo oo wax ku ool ah islamarkaana xoojinaya isuduwidda howlaha. Isku duwaha Arrimaha Bini'aadminnimada ee Soomaaliya ayaa go'aamiya qoondada SHF, howlaha maalinlaha ahna, SHF waxaa maamusha OCHA.

Click here for more

 

Doorashooyin | UNSOM: QM iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa bogaadiyay shacabka Puntland

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, - Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee 25-ka Maajo, QM ee Soomaaliya waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadiyeen sida ay uga go'antahay inay ka miro-dhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

Bayaanka ayaa lagu sii yiri: “Saaxiibbadu waxay qirayaan dadaallada, iyadoo la xusi karo Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah. Saaxiibdu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su'aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

“Saaxiibadu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibada waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.”

 

Click here for more

 

Horumarinta ganacsiga | Hay’adda UNIDO oo daah-furtay olole loogu talagalay fikrado ganacsi

Iyadoo la kaashanaysa bahwadaag Soomaaliyeed, ayaa waxa ay hay’adda UNIDO daah-furtay Ololaha Wacyigelinta Kobcinta Ganacsiga ee Bulshooyinka Soomaaliyeed (BIC Somali).

Ololaha waxa uu isugu jiraa raadinta fikrado ganacsi oo awood leh kuwaas ay ku lug leeyihiin shakhsiyaad ama kooxo leh xirfad ganacsi oo adag oo ay weheliso fikrado awood u leh inay dhaliyaan saameyn bulsho iyo mid dhaqaale oo xooggan.

Bahwadaagta hay’adaha UNIDO ee mashruucan ayaa kala ah iRise Innovation Hub (iRise), SIMAD Innovation Lab (SIMAD iLAB), Hargeysa Innovation Hub (HarHub), ujeedada guud Ololaha Wacyigelinta Kobcinta Ganacsiga ee Bulshooyinka Soomaaliyeed (BIC Somali) waa in la awoodsiiyo laguna taageero dhallinyarada, gaar ahaan haweenka, si’ ay u abuurtaan ganacsiyadooda, sarena loogu qaado dhaqanka hal-abuurka ganacsi ee dhalinyarada.

Click here for more

 

Horumarin | Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska Isku duwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (RCO) ayaa daaha ka rogay Sanduuqa Aaaminaadda Deeq-bixiyeyaasha badan, (Multi-Partner Trust Fund) si loo taageero hor-tebinnada horumarinta Soomaaliya

Qaramada Midoobay iyo bahwadaag ayaa daaha ka rogay Sanduuqa Aaminaadda Deeq-bixiyeyaasha badan (Multi-Partner Trust Fund) oo dib loo hagaajiyay si loo taageero Hor-tebinnada Horumarinta Soomaaliya, iyadoo waafaqsan Qaab-dhismeedka Iskaashiga  Horumarinta Joogtada ah Qaramada Midoobay ee Dowladda Soomaaliya ee inta u dhaxaysay sanadaha 2021 ilaa 2025 (2021-2025).

Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya – oo ah Mashruuc Iskaashi oo u dhaxeeya Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah – waxa uu ilo-dhaqaale iyo in uu sare u qaado siin doonaa wada-shaqeynta guud ahaan nidaamka Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo tallaabo wadajir ah oo looga raynayo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Sanduuqa, oo uu maamulo Xafiiska Sanduuqa Maalgelinta ee Aaminaadda Deeq-bixiyeyaasha badan (Multi-Partner Trust Fund) ee Qaramada Midoobay ee ku yaalla magaalada New York, ayaa doonayaa in uu soo uruuriyo $60 milyan sannad walba, todobada sano ee soo socota, si loo taageero Hor-tebinnada ugu istaraatiijiyadsan,  ugu muhimsan Soomaaliya, iyada oo loo marayo toddoba goobood oo maalgelin ah. Waxa ayna yihiin: Siyaasad loo dhan yahay; Sarraynta Sharciga; Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga; Cimilada iyo Adkeysiga; Soo kabashada Bulshada iyo Maamulka Maxalliga ah; Horumarinta Dhaqaalaha; iyo Horumarinta Bulshada.

Click here for more