Doorshooyinkii aqalka hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay Koondur galbeed

A delegate casts her vote during the electoral process in Baidoa, Somalia on 5 December 2016. UN Photo

5 Dec 2016

Doorshooyinkii aqalka hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay Koondur galbeed

Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo idleeyay 69 kursi oo kaga soo aaday aqalka hoose maanta. Iyadoo noqoneysa maamulkii labaad ee soo idleeyay doorashada aqalka hoose.
                                                                                                                                 
Maalintii ugu danbeysay ee doorashada ayaa waxa lagu doortay labo xildhiban oo hore Xassan Maalim Xussen iyo Xussen Maxamed Sheekh. 
 
Gabagabadii doorashada kadib ayuu gudoomiyaha gudiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed Maxamed Cabdullahi Mursal ku amaanay dhamaan dadkii qeybta ka ahaa in guul laga gaaro doorashada.
 
“Tani waxay aheyd safar dheer. Aadban ugu qanacsanahay sida wacan ee doorashada uga dhacday dalka iyadoo ah markii ugu horeysay ee la qabto doorasho noocan ah,” ayuu yiri Mursal
 
Dhamaan qabaa,ilada waaweyn ee Soomaliya ayaa qeyb ka ahaa doorashada ka dhacday Koonfur galbeed, maamulkan ayaa helay tirade ugu badan kuraasta aqalka hoose guud ahaan dalka. Qaramada midoobay iyo howl-galka midowga Africa ee Soomaliya AMISOM ayaa door lixaad leh ka qaatay hubinta miro ka dhalinta doorashada.
 
“Waxan u mahadcelineynaa QM, AMISOM iyo dhamaan bah-wadaagtena taageridoodii aanan hagarta laheyn intii lagu guda jiray doorashada,” ayuu yiri Mursal.
 
Guushiisa kadib Wasiirka arimaha dastuurka Xuseen Sheekh ayaa u mahadceliyay beeshisa Dabarre dib usoo doorashiisa awgeed.

“Waa markii shanaad oo aan baarlamanka ku matalayo dadkeyga. Waxan filayaa inaan u adeegi doono dadka reer Koonfur galbeed iyo waliba dadka Soomaliyeed,” ayuu yiri xildhibanka la doortay.
 
Vikram Parekh, madaxa xafiiska howlaha taakuleynta Soomaliya ee qaramada midoobay ayaa ku tilmaamay doorshada guul u soo hoyatay Soomaliya.
“I think this is an important step for Somalia and for the South West. The most important thing is that this process passed peaceably,” Mr. Parekh added.
 
AMISOM iyo ciidanka nabad-galyada Soomalida waxay iskula shaqeeyen si dhow si loo xaqiijiyo nabad-galyada ergada iyo saraakiisha ku howlan doorashada.

“Amaanka wuxuu ahaa mid wanaagsan sababtoo ah waxa loo qorsheeyay si wacan, doorashada 69-ka xubnood ee baarlamanka wax qalalaase ah kama dhicin goobaha doorashada,” ayuu yiri John Ambayo oo ka tirsan ciidanka AMISOM.
 
Ciise Cabdiraxman Ibrahim, oo ka mid ah ergada dayarta eek a qeyb qaadatay doorashinka ayaa  sheegay in doorashoyinka 2016 yihiin aasaaska in dhalinyarada ka qeyb qaatan arimaha dalka.
 
“Waxan rabaa siyaasiin da,yar ah oo wax fahmaya. Dadka waaweyn lee ku aragnaa siyaasada. Waxan rabnaa isbedal,” ayuu yiri Mr Ibraahim asigoo u codeeyay haweeney u sharaxneyd kursi aqalka hoose ah.
 
Wuxuu ku tilmaamay doorashada mid loo wada dhanyahay, sababtoo ah dhalinyarada iyo haweenkaba qeyb bey ka ahaayeen.

Afar iyo toban haween ah ayaa lagu doortay dowlad goboleedka Koonfur galbeed aqalka hoose kaliya, tasoo ka dhigan 20% guud ahaan kuraasta tiilay halkaa.  

Sahro Xassan Cali oo ka mid ah ergada wax dooraneysay ayaa ku raacsan Ibraahim in xubnaha dhalinyarada ah ee baarlamanka soo galay awood u leeyihiin wax ka qabadka dhibaatada Soomaliya.

“Dhalinyarada haweenka ah waxay door weyn ku leeyihiin hormarinta dalka. Waan ku qanacsanahay sida dhalinyarada loogu sahlay arintan. Doorashooyinka waxan dhihi karaa waa loo dhamaa,” ayay tiri Sahro Cali.