Beesha caalamka oo mar kale ku celinaysa taageerada ku aaddan geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talogalay, xaqiijinaysana in la hayo dhaqaalihii la ballanqaaday

2 Sep 2016

Beesha caalamka oo mar kale ku celinaysa taageerada ku aaddan geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talogalay, xaqiijinaysana in la hayo dhaqaalihii la ballanqaaday

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa soo dhoweeyay diyaar-garowga loogu jiro hirgelinta geedi-socodka 2016ka ee doorashada Soomaaliya. 

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay mar kale ku celiyeen taageerada ay u hayaan geedi-socodka doorasho waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in loo fuliyo si caddaalad ah oo waqtigii loogu talogalay ah.  Waxay garowsanyihiin war-saxaafadeedkii madaxweynaha ee uu soo saaray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay 19kii Agoosto ee uu ku boorrinayay dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso inay u hogaansamaan jadwalka dib-u-habaynta lagu sameeyay ee geeddi-socodka doorashada “iyadoo aan jirin dib u dhac dambe.” 

Besha caalamku waxay dhinacyada Soomaaliyeed ee ay arrintu khusayso kala shaqaynaysaa tallaabooyinka lagu kordhinayo daacadnimada farsamo, daah-furnaanta iyo kalsoonida lagu qabo geedi-socodka doorashada. 

Miisaaniyadda doorashada ayaa heshiis lagula gaaray Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD). Saaxiibada caalamku waxay ballan-qaadeen dhaqaalaha, oo lagu maamuli doonaa hanaan loo dejiyay inuu hoos yimaado Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo hirgelinta geedi-socodka iyadoo aanay ku imaanin dib u dhac dambe, iyo in la dejiyo hanaan waqtigii loogu talogalay lacagaha lagu bixiyo.

Saaxiibada caalamka – oo ay ka midyihiin Midowga Yurub, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka – ayaa bixinaya in ku dhow boqolkiiba 60 ee miisaaniyadda loo baahanyahay, taasoo lagu kabi doono lacagaha khidmadda ah ee laga helo diiwaangelinta musharaxiinta iyo dhaqaalaha laga helo Miisaaniyadda Federaalka. Taasi waxay dhammeystiri doontaa baahida dhaqaale.

Taageerada farsamo ee ay saaxiibada caalamku maalgeliyaan durbaba waa la siinayaa Guddiga GFHDD, Guddiga GFHDD isna wuxuu billaabay hawshiisa ku aaddan inuu wargeliyo xubnaha Guddiyada Heer Dowalad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Dadban iyo odeyaal dhaqameedka iyo inuu soo dhammeystiro xeerarkiisa iyo habraacyadiisa.

Mar haddii dhaqaalihii la hayo, hadda waa in diiradda la saaro sidii kulanka soo socda ee Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) ee ka dhici doona magaalada Muqdisho heshiis kama dambeys ah lagu gaari lahaa arrimaha ugu muhimsan ee weli taagan. Maadaama waqtiga loogu talagaly hirgelinta hanaanka doorashada uu noqonayo mid aad gabaabsi ah, saaxiibada caalamku waxay carrabka ku adkeynayaan baahida loo qabo in loo hogaansamo hanaanka geeddi socodka ee lagu heshiiyay. 

“Tartanku wuu billaabanayaa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waqtigan wuxuu Soomaaliya u yahay mid farxad leh oo aad u muhimsan. Madaxda Madasha MGQ waa inay xaqiijiyaan xeerarka cayaarta oo buuxa, goolka kubaddana waa inaan meeshiisa laga qaadin”.