UNSOM oo Kismaayo ku marti galisay tababarka suxufiyiinta ee tebinta doorashooyinka

Weriyayaasha  Kismaayo oo galay  sawir jamaaci gebegebada tababar ku saabsanaa soo tabinta doorashooyinka. Sawir QM

2 Sep 2016

UNSOM oo Kismaayo ku marti galisay tababarka suxufiyiinta ee tebinta doorashooyinka

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa soo gabagabeysay tababar laba maalin ah oo ku saabsan tebinta hanaanka doorashada oo loo qabtay saxafiyiinta Kismaayo. Tababarka ayaa qayb ka ah tababaro taxane ah oo ay maali-galisay UNSOM oo loo qabtay saxafiyiinta degaanka ah kuna saabsan tebinta hanaanka doorashooyinka soo socda.

Intii lagu guda jiray tababarka bilowga ah ee tebinta doorashada oo lagu qabtay Muqdisho 21dii iyo 22dii Agoosto, afhayeenka UNSOM Joseph Contreras  ayaa sheegay in siminaarada    loogu talagalay in sharaxaad suxufiyiinta looga bixiyo hanaanka doorashada.

Afhayeenka UNSOM ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay habka doorashada sanadkan u aragto  mid looga gudbayo hal-qof iyo hal-cod doorashooyinka 2020 isla markaana ay tahay  mid ka duwan hanaankii doorasho ee 2012.

Mawduucyada la baray inta lagu jiray seminaarada waxaa ka mid ah talooyin iyo farsamooyinka la isticmaalo xiliga hanaanka doorashada, jadwalka doorashada , doorka Qaramada Midoobay ee hanaanka doorashada iyo anshaxa saxafiyiinta.

"Tababarkan waxaa looga golleeyahay in lagu wanaajiyo tayada saxafiyiinta iyo in lagu hago tebinta doorashada. Waxaanu u bandhignay fikradaha ku saabsan nidaamka doorashada si saxafiyiintu shaqadooda u gutaan si xirfadeysan, "ayuu yiri Madaxa Warfaafinta  ee UNSOM Mohamed Elmi.

Marka la barbardhigo hanaankii doorasho ee 2012, codbixinta sannadkan waxaa ku lug yeelan doona Soomaali badan oo ka dhacaysa caasimadaha gobollada iyo sidoo kale magaalada Muqdisho. A aqalka sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 58-ka xubnood ayaa waxaa dooran doona golaha qaranka halka kulliyadaha doorashada oo ka kooban 51 ergooyinka kasta waxay dooran doonaan 275 xubnood oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka.

Baarlamaanka cusub ayaa la qorsheeyay in ay u codeeyaan murashaxiinta madaxweynenimada 30ka Octoobar.

Tababarka saxafiyiinta waxaa abaabulay qeybta Isgaarsiinta Istaraatiijiga iyo Arrimaha Dadweynaha ee UNSOM.