Ergeyga Gaarka ah Keating oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee ka dhacay hoteel ku yaal Muqdisho

30 Aug 2016

Ergeyga Gaarka ah Keating oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee ka dhacay hoteel ku yaal Muqdisho

WAR-SAXAAFADEED 23/2016

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarki loo adeegsaday gaari xamuul oo walxaha qarxa lagu rary ee subaxnimadan lala beegsaday Hoteelka SYL ee Muqdisho ku yaal, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qofood, dad 20 ka bandanna ay ku dhaawacmeen. Goorta qaruxu dhacayay waxa hotelka gudihiisa shir ku lahaa dhowr kamid ah madaxda sare ee dowladda iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah, laakiin midkoodna kuma jirin inta ku dhimatay.   

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, kaas oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada iyo dhismaha baarlamaanka federaalka ah.

“Xagjiriinta mayalka adag waxay mar kale qaraxyo la beegsadeen hoteel ku yaal magaala madaxda Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dhab ahaanti, qarixi maanta waa kii saddexaad ee noociisa ah oo lala beegsado Hoteelka SYL, tan iyo billowgii sanadki 2015. Mar kasta oo ay dhacayeen dhacdooyinki lasoo dhaafay, maamulka iyo shaqaalaha hoteelka waxay dayactirayeen burburka, waxayna muddo gaaban gudeheed albaabada dib ugu ugu furayeen ganacsiga. Hoteelka SYL wuxuu caddayn buuxda u yahay adkaysiga aan caadiga ahayn ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee iyagu iska diiday in lagu cabsi geliyo ololaha al-Shabaab ee argagax gelinta ah.”  

Ilaalada amniga ayaa hakiyay gaariga lagasoo buuxiyay walxaha qarxa intii uu kusii socday mid kamid ah albaabada lagasoo galo xarunta Villa Soomaaliya, sidaas ayaana looga hortegay in khasaaraha nafeed uu intaa kasii bato.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska dadkii ku naf waayay weerarki maanta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka. “Waxaan u rajeynayaa dadki ku dhaawacmay inay si buuxda oo dhakhso ah u bogsadaan.”