Booliska Qaramada Midoobay oo tababar ku saabsan rabshadaha la xiriira jinsiga siinaya askar ka tirsan booliska Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka kala socda Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ka qayb galaya  tababar ku saabsan baaritaanka iyo kahortaga denbiyada la xariira jinsiga oo ka dhacay Muqdisho, taariikhdu markay aheed 19ka September, 2016. Sawir QM

19 Sep 2016

Booliska Qaramada Midoobay oo tababar ku saabsan rabshadaha la xiriira jinsiga siinaya askar ka tirsan booliska Soomaaliya

Shan iyo labaatan ka tirsan booliska Soomaaliya oo laga kala keenay qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa waxaa u furmay tababar shan cisho socon doona oo ku saabsan ka hor-tagga Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga iyo Galmada.

Tababarka oo ay maalgalisay Qaramada Midoobay ayaa furmay maanta, waxaana askarta ka qaybgalaysa lagu bari doonaa hababka kala duwan ee loola tacaalo rabshadaha jinsiga iyo galmada la xiriira.

Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa si rasmi ah u furay siminaarka aqoon-kororsiga ah.

“Waa inaynaan ogolaan in cidina lagu xadgudbo. Waxaan leennahay sharci iyo mabaadi’ oo ay lagama maarmaan tahay in aan raacno. Xilligii dhaqan-ku-sheegga waa laga soo gudbay; waa in aan fahannaa sharciga kuna xallinnaa mashaakilaadka. Waxaan idinka doonayaa in aad danjireyaal u noqotaan ilaalinta mabaadi’da booliska,” ayuu yiri Jeneraal Bashiir.

Madaxa Maamul-wanaagga iyo Ku dhaqanka Qaanuunka ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Franco Sanchez, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay kala shaqayso Booliska Soomaaliya baaritaannada la xiriira kiisaska Rabshadaha Jinsiga iyo Galmada iyo farsamooyinka qaadista waraysiyada loo baahan yahay si macluumaad muhiim ah looga helo dhibbaneyaasha.

“Askartu waxay baran doonaan sida loo uruuriyo caddaymaha, sida loo waraysto looguna jawaabo dhibbaneyaasha. Waxay kaloo baran doonaan nidaamyada su’aalo-qaadista iyo qodobbo kale,” ayuu sharraxay Sanchez.

Saddex Xiddigle Maxamed Abaadir Maxamed oo ka socday dowlad-goboleedka Jubaland ayaa sheegay in aqoonta uu ka kororsan doono tababarka uu la wadaagi doono askarta ay shaqo wadaagta yihiin si loo yareeyo dhacdooyinka kiisaskan oo kale.”

“Waxaan Kismaayo uga nimid oo aan u soo gaarnay Muqdisho si aan u helno cilmi la xiriira ka hor-tagga rabshadaha la xiriira jinsiga iyo galmada. Maadaama booliska ay u xil saran yihiin ilaalinta nafta iyo hantida, tababarkan wuxuu awood noo siin doonaa joojinta rabshada iyo in aan xubnaha ugu nugul ee bulshadeenna ka ilaalinno in lagula kaco tacaddiyo noocaan oo kale ah,” ayuu yiri Maxamed.

Askari kale oo ka socotay dowlad-goboleedka Galmudug, Maandeeq Cabdullaahi Aadan, ayaa ka codsatay askarta ay saaxiibbada yihiin in ay muujiyaan firfircooni dheeraad ah si ay u xakameeyaan kiisaska ku salaysan rabshadaha jinsiga.

“Tacaddiga ka dhanka ah haweenka waa mid baahsan, mana aha mid aan halkan ku soo koobi karo, balse waxaan doonayaa in cilmiga aan ka qaato tababarkan aan ka dhaqangaliyo goobta aan ka hawlgalo, si aan carruurta iyo haweenka uga ilaalinno rabshada ku salaysan jinsiga iyo galmada iyo gaboodfallada kale,” ayay tiri Maandeeq.

La-taliyeyaasha booliska Qaramada Midoobay waxay si dhow ugala shaqaynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii loola dagaallami lahaa rabshada jinsiga iyo galmada la xiriira iyadoo loo marayo siminaarro aqoon-kororsi ah. Siminaar kan la mid ah ayaa toddobaadka soo socda Muqdisho loogu qaban doonaa askar kale oo ka tirsan Xoogga Booliska Soomaaliya.