Booqashadii uu ku tagay Hirshabeelle, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu ka hadlay dowlad dhisidda Soomaaliya, xaaladda bani’aadannimada iyo taageerada maxalliga ah

18 Jul 2019

Booqashadii uu ku tagay Hirshabeelle, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu ka hadlay dowlad dhisidda Soomaaliya, xaaladda bani’aadannimada iyo taageerada maxalliga ah

Jowhar – Booqashadiisii kowaad ee uu ku tagay Hirshabeelle, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaliya ee dhawaan la soo magacaabay waxa uu ka hadlay geeddi socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, baahida bani’aadannimo ee deegaanka iyo kaalmada hay’adda aduunka.

“Waxaan wadahadal yididdiilo leh oo wax ku ool ah dhinacyo badan  kala yeelanay Madaxweyne Waare iyo xubnihiisa wasiirada, waxaa qodobadaas ka mid ah xoojnta horumarka dowlad dhiska Soomaaliya.,” waxaa sidaas magaalada Jowhar warbaahinta maxaliga ah u sheegay James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah uga isula garanay in xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay aad muhiim ugu tahay horumarka socda ee bulshada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray xilli ay warbaahinta si wadajir ah ula hadlayeen Madaxweyne Waare.

“Hirsgabeelle waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda federalka waxaana xusnay baahida loo qabo xoojinta xiriirkan. Waxaan sidoo kale rejeyneynaa in qoyska QM ee jooga Hirshabeelle inta uu hoggaanka joogo mudane James Swan ay sii wadi doonaan barnaamijyada horumarka iyo taageeridda bulshada,’ waxaa sidaas yiri Madaxweyne Waare.

Walaaca arrimaha bani’aadannimo

Wakiilka Gaarka ah ee QM waxa uu sidoo kale muujiyey walaaca uu ka qabo  xaalada Hirshabeelle  ee ku saabsan sugnaan la’aanya cunto ee hadda jirta iyo sida ay saameynta ugu yeelan karto bani’aadannimada.

“Waxaan ka walaacsanahay xaalada bani’aadannimo xilli ay jirto  xaalad sugnaan la’aan cunto taas oo saameyneysa rubuc ka mid ah dadka Hirshabeelle,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan kaddib kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Waare.

The President of HirShabelle state, Mohamed Abdi Ware and the UN envoy to Somalia, James Swan, address journalists at the end of a closed-door meeting in Jowhar, Somalia, on 17 July 2019. UN Photo / Raymond Baguma

Hadalkiisa ayaa daba socda kaddib warbixin dhawaan ka soo baxday Xafiiska Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimo (OCHA) kaas oo lagu sheegay roobab xumo ka jirtay Soomaaliya bilihii u dhexeeyey Abriil iyo Juunyo, xaalada ka sii dareysa ee sugnaan la’aanta cunada ee Soomaliya in ay baqdin ku abuureyso in ka badan laba milyan oo dad ah.

 “Waxaa la filayaa in 5.4 milyan oo dad ah ay soo wajahdo hubanti la’aan cunto meesha loo gaaro Luulyo, 2.2 milyan waxa ay ku sugnaan doonaan xaalad cunto la’aan daran…….afartan boqolkiiba sare ayey u kici doontaa laga bilaabo Janaayo sanadkan,’ waxaa sidaas warbixinteeda ku sheegtay OCHA.

Iyada oo qeyb ka tahay, dowladda federalka ee Soomaaliya iyo bulshada deeqaha bixya waxa ay hirgalinayaan qorshe $686 million ah, kaas oo lagu bartilmaameedsan doono 4.5 milyan oo dad ilaa iyo bisha Diseembar.

WADASHAQEYN SIDII HORE KA WANAAGSAN

Kelmedihiisii, Ergeyga Gaarka ah ee QM, kaas oo sidoo kale madax u ah Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxa uu xusay in nidaamka QM ee Soomaaliya uu quurdareynayo in uu sare u qaado wada-shaqeynta kala dhaxeysa bulshada iyo dowladda Hirshabeelle si loo fuliyo wajibaadka UNSOM iyo sidoo kale in la xaqiijiyo in dhaq dhaqaaqyada hay’adaha QM, maalgalinta iyo barnaamijyada in ay saameyn togan ku yeeshaan Hirshabeelle.

 “Waxaan ka mahadcelinayaa in aan talo waxtar leh aan ka helay madaxweynaha oo la xirirta sida aan hawsha sidii hore si ka wanaagsan ugu qaban lahayn,” waxaa sidaas yiri Mr. Swan.

=QM waxa ay ku lug leedahay dhaw dhaqaaqyo qeybo kala duwan isugu jira oo ka socda Hirshabeelle kuwaas oo isugu jira horumarinta awoodda hay’adaha ilaa iyo bixinta gargaarka iyo waliba fududeynta dib u heshiisiinta siyaasadeed, is bedeleda dhinaca amniga iyo kaabayaasha horumarineed.

The UN envoy to Somalia, James Swan, plants a commemorative tree at the UN compound in Jowhar, HirShabelle State, Somalia, on 17 July 2019. UN Photo / Raymond Baguma

Booqashadan waxa ay ahayd tii saddexaad ee uu dowlad gobolleedka ku yimaado Mr. Swan tan iyo markii uu yimi Soomaaliya 25-kii Juunyo kaddib booqashooyin uu ku tahay Puntland iyo Jubaland.

Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa safarka ku weheliyey saraakiil sare oo ka kala socday Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga qaabilsan (UNHCR), Takeshi Moriyama iyo Xafiiska Isku xirka Arrimaha Bani’aadannimo (OCHA) Edmore Tondhlana,.