Xilli uu ku sugnaa Kismaayo, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in ficilada argagixisanimo aysan carqaladeyn doonin horumarada Jubalanad

The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, and the Jubbaland President, Ahmed Mohamed Islam (Madobe), address a joint press conference at the end of their meeting in Kismayo, Jubbaland on 15 July 2019. UN Photo / Abdikarim Mohamed.

15 Jul 2019

Xilli uu ku sugnaa Kismaayo, Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in ficilada argagixisanimo aysan carqaladeyn doonin horumarada Jubalanad

Kismayo – Booqashadiisii kowaad ee uu ku tagay maamul gobolleedka koonfureed ee Jubaland tan iyo markii uu yimi, Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu taageero u muujiyey dadka deegaanka kaddib weerarkii argagixiso ee dada badan laayey todobaadkii hore.

 “Aniga oo ku hadlaya afka qoyska QM ee Soomaaliya jooga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diyaraa qoysaskii kuwii naftooda ku waayey weerarka waxaana u rejeynayaa kuwa dhaawacan soo kabasho deg deg ah. Ma jirto aragti ama siyaasad loogu qiil dayi karo tacadi sidaas waxashnimo u ah – Qaramada Midoobay waxa ay garab taagan tahay dadka Jubaland xilli ay la tacaalayaan masiibadan weyn,” waxaa sidaas ka yiri xilli uu warbaahinta la hadlayey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya Isniintii.

 “Waxaan sidoo kale la wadaagaa bulshada reer Jubaland ka go’naanshaha ah in ficilkaas qariban ee argagixisanimo uusan carqaladeyn horumarka ay Jubaland ka gaartay dib u heshiisiinta iyo xasilloonida siyaasadda ka maamul gobolleed ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ahaan,” ayuu ku daray.

The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, speaks during a meeting with the Jubbaland President, Ahmed Mohamed Islam (Madobe) and member of his cabinet. This was during Mr. Swan's inaugural visit to Jubbaland, on 15 July 20

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu u Jubaland u aaday sidii uu arrimaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jubaland ka shaqsi ahaan u soo fahmi lahaa, sidoo kale in uu la kulmo mas’uuliyiinta sare. Waxa uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” iyo mas’uuliyiintiisa maamulka kuwaas oo ay ka wadahadleen qodobo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin amniga, horumarka dhaqaalaha iyo dowladnimada.

Jubaland waxa ay qaban doontaa doorasho bisha Agoosto taas oo ay odayaasha dhaqanka ay soo xulu doonaan barlamaanka maamulka, kuwaas oo iyagana dooran doona madaxweynaha.

“Waxaan tixgalin siinay qodobo badan, arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socota ee Jubaland,” Madaxweyne Madoobe ayaa sidaas warbaahinta u sheegay xilli ay si wadajir ah ula hadlayeen Mudane Swan shirka kaddib.

Hoggaamiyaha Jubaland waxa uu xusay in doorashada ay xilligeeda ku dhici doonto, waxa uu intaas ku daray in maamulka gobolka uu xaqiijin doono in habraaca doorashada ku dhoco si amni ah iyo jawi nabadgalyo.

Kelmedihiisii warbaahinta, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu sidoo kale ka hadlay in habraaca doorashada ay sare u qaadi doonto nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka , iyo dhaqaalaha iyo horumarka Jubaland iyo waliba dalka intiisa kale.

 “Waxaan hoosta ka xarriiqay aragtida xoogan ee saaxiibada caalamka taas oo ah in habraacan uu ku qabsoomo rabshado la’aan, iyo waqtigii loogu talagalay iyada oo aan la faragalin, habraacuna noqdo mid cadaalad ah oo daahfuran,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan.

Saraakiisha QM kulamada kale ee ay Kismaayo ku yeesheen waxaa ka mid ahaa mid ay la qaateen gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashada iyo Xuduudaha, Dr. Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka socday barlamaanka maamulka.

Booqashadan ayaa yimi kaddib xilli uu dhacay weerar argagixisanimo oo lagu qaaday Hotel ku yaal Kismaayo 12-kii Luulyo kaas oo ugu yaraan ay ku dhinteen 26 qof intaas in ka badana ku dhaawacmeen. Weerarka waxa uu soo jiitay cambaareen ballaaran, waxaa ka mid ah dadka cambaareeyey Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Booqashadiisa, Mudane Swan waxaa la socday saraakiil sare oo ka socdat Xafiiska Hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR) iyo Xafiiska Isku xirka Arrimaha Bani’aadannimo (OCHA) Takeshi Wayama iyo Justin Brady sida ay u kala horreeyaan.

Safarkan waxa uu ahaa kii labaad ee uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya uga boxo caasimadda, Muqdisho. Waxa uu booqday maamul gobolleedka Waqooyiga dhaca ee Puntland toddobaadkii tegay, halkaas oo uu markale adkeeyey taageerada QM ee barnaamijyada horumarineed iyo wadaxaajoodyada loo dhan yahay ee u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.