Sargaal-sare oo u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Soomaaliya

16 Jun 2019

Sargaal-sare oo u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Soomaaliya

Kismaayo- Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (ASG) ee Afrika ee Waaxdaha Arimaha Siyaasadda, Nabadeynta iyo Howlgallada Nabadda, Bintou Keita ayaa maanta soo gabagabeysay socdaalkeedii shaqo ee ay shanta maalmood ku joogtay Soomaaliya iyadoo booqasho ku tagtay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Jubaland, si ay u kuurgasho horumarka ka socda halkaas.

Marwo Keita waxa ay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaadatay madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed Yuusuf iyo wasiiru dowleyaasha kala ah Mursal Khaliif iyo Ismaaciil Axmed Garas.

Safarka ayaa astaan ​​u ahaa booqashadii ugu horreysay ee Ms. Keita ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay Kaaliyaha Xoghayaha Guud bilowgii sannadkaan.

"Waxa aan billaabay shaqada kaaliyaha xoghayaha guud ee Africa 1-dii Janaayo, aniga oo qeyb ka ah hirgelinta dib-u-habeynta xoghayaha guud, haddana waxa aan la macaamilayaa dhammaan waddamada Africa" ​​ayey tiri ASG Keita intii ay ku sugneyd magaalada Kismaayo. "Waddamadaas waxaa kamid ah Soomaaliya.”

Waxa aan doonayey in aan ogaado dhaqdhaqaaqa ka jira magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa aan doonayay in aan arko waxa ka jira mid kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, taasina waa sababta aan u imid Kismaayo," ayay raacisay, kaddib markii ay la kulantay madaxda sare ee maamulka Jubbaland.

Booqashada Ms. Keita ee maamulka Jubaland ayaa ku soo aaday xilli ay u diyaargaroobeyso doorashooyin sharci ah iyo madaxweynaha oo loo qorsheeyay bilaha July iyo Ogosto.

Kahor booqashadeedii Kismaayo, Marwo Keita ayaa timid Soomaaliya Arbacadii la soo dhaafay, waxay na la kulantay Reysal wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxda  kale ee ugu sarreysa dowladda federaalka 15-kii June. Doodda waxaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka haweenka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, dib-u-habeynta dhaqaalaha,  xiriirka ka dhexeeya UN-ka iyo dowladda federaalka.

"Waxa aan ka wada hadalnay hiigsiga iyo caqabadaha ku xeeran halka uu dalku ku wajahan yahay muddada dhexe, taas oo xiriir la leh dowladnimada siyaasadeed, aasaasidda federaalka iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale, gaar ahaan  go'aan ka gaarista barnaamishka deyn cafinta," ayey ASG xusay.

Soomaaliya waxa ay u ololeynaysaa in ay deyn bixiyeyaasha caalamiga ah ka cafiyaan deynta dibadda looga leeyahay, deyntaan oo badankeed la galay kahor inta uusan qarxin dagaalkii sokeeye ee sannadkii 1991dii. Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in ay deyn cafintu ay ka caawin doonto in dalku helo maal-gashiga kheyraadkiisa, dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin badan, gaar ahaan dhallinyarada.

Ms. Keita ayaa muujisay sida ay ugu qanacsan tahay xiriirka ka dhexeeya UN-ka iyo dowlada federaalka, waxay na sheegtay in wadashaqeynta ay sii xoojin doonto imaatinka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankii ay la yeelatay hoggaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed, ASG Keita waxa ay ku boorisay haweenka in ay u halgamaan xuquuqdooda, ayna u codeeyaan haweenka musharixiinta ah ee u tartamaya jagooyinka hoggaaminta si loo kordhiyo ka qeyb galkooda geedi socodka go’aanka dalka.

Markii ay uga mahadcelineysay Ms. Keita booqashadeeda, guddoomiyaha Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed, Caasho Cabdulle Siyaad, waxa ay ka codsatay Beesha Caalamka in ay sii joogteeyaan taageerada ay siiyaan haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan raadinta sinnaanta jinsiga.

Waxa aan u baahannahay in aan helno qoddobo (dastuurka) oo si gaar ah u sheegaya in ugu yaraan 30 boqolkiiba (kuraasta baarlamaanka) ay tahay in loo qoondeeyo haweenka," ayey tiri Marwo.

Siyaad, sidoo kale, wax ay ka digtay in dhaqangelinta mabda'aas la soo bandhigi doono uu caqabad ku ahaan karo haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka u ololeeya xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa u ololeynaya xubnaha baarlamaanka federaalka in ay ansixiyaan hindise sharciyeedka dib u habeynta doorashooyinka oo dhigaya qoondada 30%  ee mustaqbalka sharci dejinta dalka.

Natiijada geeddi-socodka doorashada 2016, matalaadda haweenka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay ka kacday 14 boqolkiiba golaha sharci-dejinta ee waqtigoodu dhammaaday, waxa ayna gaareen 24 boqolkiiba, laakiin weli waxa ay ka hooseysaa yoolka qoondada boqolkiiba 30.

Ms. Keita ayaa sidoo kale, wadahadal la yeelatay wakiilo ka socda kooxaha dhallinyarada, kuwaas oo ay ku boorrisay in la billaabo hannaan ka caawin doona UN-ka iyo bulshada caalamka in ay si wax-ku-ool ah ula macaamilaan dhallinyarada arrimaha kala duwan ee iyaga khuseeya.

"Dhallinyaradu waa hoggaamiyeyaasha maanta iyo hoggaamiyeyaasha berri," ayay tiri ASG. Waxa aad qeyb ka tihiin (Soomaaliya), taas oo macnaheedu yahay ka qaybqaadashada iyo ka-qaybgalka siyaasadeed waxa ay ka mid yihiin waddada hoggaaminta