Booqashadiisii Koonfur Galbeed, Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya waxa uu ka hadlay baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda Federalka Ah

18 Jul 2019

Booqashadiisii Koonfur Galbeed, Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya waxa uu ka hadlay baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda Federalka Ah

Baidoa –  Booqashadiisii kowaad ee uu ku tago dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed tan iyo markii uu xafiiska la wareegat, Ergeyga cusub ee QM  ee Soomaaliya waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay “Xiriir wanaagsan” oo u dhexmara Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Dowladda Federalka.

 “Ma doonayo in aan dhacdadan ka tago aniga oo aan hoosta ka xarriiqin dhambaal aan ka sheegay dhammaan booqashooyinkeygii, waana farriinta ah baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka sida Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federalka ah,” waxaa sidaas shir jaraa’id oo ay si wadajir loogu qabtay caasimadda dowlad gobolleedka ee Baydhabo ka sheegay James Swan.

 “Xiriirka noocan ah ee ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah waxa uu dhab ahaantii muhiim u yahay bixinta adeegga iyo in bulshada Soomaaliyeed helaan dowlad wanaagsan, waana farriin aan ka sheegay Muqdisho iyo dhammaan dowlad gobolleedyada aan booqday,” ayuu ku daray.

Hadalada mas’uulka QM waxa ay daba-socdeen kulamo uu la yeeshay madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo xubnihiisa golaha wasiirada.

Isaga oo warbaahinta isla goobtaas kula hadlaya, madaxweyne Laftagareen waxa uu sheegay in wadahadaladooda diiradda lagu saaray amniga, kaalmada arrimaha bani’aadannimo iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

 “Wadahadalo mira dhal ah ayaan yeelanay Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan.” Waxaa siddaas yiri madaxweyne Laftagareen. “Waxa uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee ay QM siiso gobolka iyo sare u qaadidda gargaarka iyo barnaamijyada horumarinta iyada oo laga eegayo faa’idada ay u leedahay bulshada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed.”

Taageeridda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed

Kelmedihiisii, Ergeyga QM waxa uu markale ku celiyey sida ay hay’adda aduunku uga go’an tahay taageeridda maamul gobolleedka Koonfur Galbeed.

The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan receives a guard of honor by AMISOM troops at Baidoa Airport while during a visit to Baidoa, South West State, on 18 July 2019. UN Photo /Abdikarim Mohamed

Qeyb ka mid ah sababaha aan halkan u joogo waxaa ka mid ah in aan xoojiyo iskaashiga la xiriira siyaasadda, xoojinta karaanka iyo dhaq dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo, waxaa intaas sii dheer, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaalada dowlad-dhiska,” waxaa sidaas yiri Mudane James Swan.

Baydhabo waxa ay martigalisaa tirada ugu badan ee dad barakacayaal ah ee gudaha Soomaaliya marka laga yimaado Muqdisho. Tirada Dadka Barakcayaasha ah waxa uu gaaray bishii Janaayo ee sanadkan 329,000, taas culeys saartay awoodda magaalada ee ay ku qaabilo karto kuna gaarsiin karto adeeg.

“Waxaan sidoo kale rabnaa in aan u xaqiinno bulshada Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed in qoyska QM ay ku dadaaladaan in ay ka jawaabaan baahiyehooda si ay saameyn togan ugu yeelato wax ka qabashada caqabadaha badan ee uu dowlad gobolleedka wajahayo.” Ayuu hoosta ka xarriiqay Mudane Swan.

Qaramada Midoobay waxa ay Dowlad Gobolleedka Koonfur ka hirgalineysaa dhaq dhaqaaqyo kala duwan. Waxaa ka mid ah dhisidda xarun lagu dhaqan celiyo xubnihii hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada ah, ka taageeridda maamulka baahihiisa ay sababtay dadka gudaha ku barakacay, iyo taageeridda AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya si loo horumariyo amniga gobolka.

Taageerada AMISOM iyo UK ee Miino Saaridda

Intii uu Ergeyga Gaarka ah ku sugnaa Baydhabo, waxa uu sidoo kale goobjoog u noqday qaar ka mid ah tababbarada miino saarista ee ay  Hay’adda Adeegga  Miino Baarista ee QM (UNMAS) siiso ciidamada AMISOM ee ku sugan Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale la kulmay saraakiisha sare ee AMISOM iyo xubnaha kooxda taageerada ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee Boqortooyada Ingiriiska.

The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, receives a brief on Improvised Explosive Device (IED) clearance demonstration during a visit to Baidoa, South West State, on 18 July 2019. UN Photo / Abdikarim Mohamed

Mudane Swan waxa uu booqasho ku tagayey Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka tan iyo markii uu xilka qabtay dhammaadkii bishii Juunyo. Booqashadiisii maanta waxa ay dabasocotay safarro uu tagay Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle.

Waxaa Baydhabo ku weheliyey saraakiil sare oo ka socday Xafiiska Hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR), Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Hay’adda Adeegga Miina Baarista QM (UNMAS) Takeshi Moriyama, Dyane Epstein iyo  Qurat-Ul-Ain Sadozai sida ay isugu xigaan.