Kelmedihii indha indheynta ahaa ee uu Ergeyga Gaarka ah ee QM ka jeediyey magaalada Baydhabo ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed

18 Jul 2019

Kelmedihii indha indheynta ahaa ee uu Ergeyga Gaarka ah ee QM ka jeediyey magaalada Baydhabo ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed

Baidoa –  Marka hore ii ogolow in aan uga mahadceliyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo bulshada  Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee deeqsinimada leh ee ay ii qaabileen intii aan booqashada ku jiray.

Baydhabo halkii afraad ee aan ku hakado intii aan waday kulamada aan la yeelanayey Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka tan iyo markii aan qabtay jagada Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud.

Qeyb ka mid ah sababaha aan halkan u joogo waxaa ka mid ah in aan xoojiyo iskaashiga la xiriira siyaasadda, xoojinta karaanka iyo dhaq dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo, waxaa intaas sii dheer, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaalada dowlad-dhiska, iyo waliba in aan u sheego bulshada Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed in qoyska QM ay ku dadaaladaan in ay ka jawaabaan baahiyehooda si ay saameyn togan ugu yeelato wax ka qabashada caqabadaha badan ee uu dowlad gobolleedka wajahayo

Waxaa jira qaabab badan oo ay QM iyo mas’uuliyiinta Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed isku kaashan karaan si ay u caawiyaan bulshada ku dhaqan maamul gobolleedka.

Iyada oo la marayo xafiiska QM ee Baydhabo – kaas oo ah midka labaad ee ugu weyn dalka kaddib midka Muqdisho ku yaal – UNSOM waxa ay Koonfur Galbeed ka taageertaa mashaariic badan oo muhiim ah.

Waxaa ka mid ah dhisidda xarun lagu dhaqan celiyo xubnihii hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada ah, ka taageeridda maamulka baahihiisa ay sababtay dadka gudaha ku barakacay, iyo taageeridda AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya si loo horumariyo amniga, sidaas daradeed, amniga isagaguna waxa uu wax ka tari doonaa shaac ka qaadidda awoodda dhaqaale ee ku duugan maamulka.

Kama reebi karo hadalkeygan aan siinayo saxaafadda iyo aan farriin guud kaga diro baahida loo qabo xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka sida Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federalka Soomaaliya. Xiriirka ceynkan ah waxa uu muhiim u yahay bixinta adeegyada iyo in dowlad wanaagsan ay helaan bulshada Soomaaliyeed. Waa dhambaal aan ka diray Muqdisho iyo dhammaan Dowlad Gobolleedyada aan booqday.

Marka waxaan waad mahadsantihiin leeyahay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassam Maxamed ‘Laftageen’ iyo kooxdiisa sida ay martigalintan miradhalka ahayd iigu sameeyeen.