Booqasho qiimeyn abaaraha oo uu ku tagay Somaliland ayuu Ku-xigeenka Ergyaga QM ku iftiimiyay baahida loo qabo in la taageero bulshooyinka ay abaarta heshay

previous next
21 Feb 2022

Booqasho qiimeyn abaaraha oo uu ku tagay Somaliland ayuu Ku-xigeenka Ergyaga QM ku iftiimiyay baahida loo qabo in la taageero bulshooyinka ay abaarta heshay

Hargeysa – Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Deegaanka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa booqday Somaliland si uu u qiimeeyo xaaladda abaarta. Wuxuu dul istaagay in loo baahan yahay in gurmad bini’aadannimo oo deg deg ah lala gaaro bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan aaggaasi.

Intii lagu guda jiray booqashada laba maalmood qaadatay, waxa uu Md. Abdelmoula ku soo maray deegaanka Cunaqabad ee duleedka Hargeysa oo ay abaartu saamaysay, halkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay saamaynta ay abaarta jirta yeelatay, isla markaana waxa uu dhexgalay qoysas barakacayaal ah oo ku sugan xaalad nugul.

Isu-duwaha Deegaanka iyo arrimaha bini’aadannimada ayaa kulan gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddiga abaaraha Somaliland.

Waxa kale oo uu la kulmay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Hargeysa iyo hay’adaha fulinta ee Soomaaliya.

Waxa kale oo uu la kulmay hawlwadeennada Qaramada Midoobay ee saldhiggoodu yahay Hargeysa iyo bah-wadaagta fulinta ee Soomaaliya.

Barakaca gudaha iyo qaxa

Md. Abdelmoula waxa uu xusay tirada korortay ee qoysaska barakacayaasha ah ee ka imanaya gobollada kale ee ay abaaruhu ku dhufteen ee dalka, kuwaas u soo magangalyo doontay Somaliland.

"Tani waxay sii ciriiri galineysaa kheyraadka yar ee ay heli karaan bulshooyinka maxalliga ah," ayuu yiri isagoo welwel ka qaba. "Waxaa jirta baahida loo qabo in la kordhiyo maalgelinta xal waara ee gobollada abaaraha u nugul iyo kor u qaadista gaarsiinta adeegyada bulshada ee meelaha ay ku nool yihiin barakacayaasha."

Md. Abdelmoula oo ka hadlayay gabagabada booqashadiisa, ayaa waxa uu sii raaciyay in madaxda Somaliland ay isku aragti ka dhiibteen baahida loo qabo xal waara, kor u qaadida adkaysiga bulshooyinka iyo in la maalgashado xiriirka bini’aadannimo ee horumar nabadeed.

“Waxa aan u baahannahay in aan sameyno waa in aan maalgashi badan ku sameyno deegaannada ay ka soo jeedaan bulshadan dhowaantan soo barakacay si aan u hubinno in ay si nabad ah ku joogaan guryahooda, waxaana taas barbar socota kor u qaadida adeegyada bulshada ee meelaha ay soo gaareen dad badan oo abaarta darteed u soo barakacay” ayuu yiri Mudane Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay Guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland, Roobabkii Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Sanaag, Sool iyo Togdheer oo aan si joogto ah u di’in ayaa sababay xaalado abaareed oo ba’an oo ay ku barakaceen 810 000 oo qof, isla markaana ay xaalufiyeen dalagyadii iyo xoolihii.

Qorshaha Waxqabadka Bani'aadannimada ee Soomaaliya ee 2022, Qaramada Midoobay waxay doonaysaa in ay ururiso ku-dhowaad $1.5 bilyan oo dollar si gargaar bani'aadannimo loo siiyo 5.5 milyan oo qof oo nugul, oo ay ku jiraan 1.6 milyan oo barakacayaal ah (IDPs), 3.9 milyan oo aan barakacayaal ahayn, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.