Boqollaal qof oo Muqdisho uga qaybgalaya dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya

15 May 2018

Boqollaal qof oo Muqdisho uga qaybgalaya dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya

Muqdisho  –  Boqollaal wakiillo ah oo matalaya bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta isugu yimid caasimadda dalka ee Muqdisho, si ay uga qaybgalaan maalinta labaad ee shirweynaha qaran ee dastuurka, iyada oo munaasabaddani u gogol xaareyso dib eegista dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo dalka loogu soo saarayo heshiis siyaasadeed inta aan la gaarin 2019-ka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Axaddii furay shirweynaha oo soconaya muddo saddex maalmood ah. Waxaa iskugu yimid in ka badan 350 ergo oo ay ka mid yihiin xubnaha baarlamanka federaalka iyo wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, culimaa’udiinka, ururrada bulshada rayidka iyo saaxibbada caalamka.

Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay in xukuumadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka looga baahan yahay in ay gabagabeeyaan geeddi-socodka dib-u-eegista, ayna Soomaaliya u keenaan dastuur cusub oo ka turjumaya danaha waddanka oo idil.

“Waxaa aan halkan ka xaqiijinayaa in xukuumaddeydu ay 3 milyan oo doolar yaboohday si loo gabagabeeyo geeddi-socoka dastuurka. Yaboohani waa in uu soo saaraa dukumiinti ay Soomaaliya leedahay, oo noqdo mid ku yimid fikir iyo midnimo Soomaaliyeed,  taasi oo dib u soo celineysa qarankii naga lumay,”

Soomaaliya waxaa ay hadda isticmaashaa Dastuur Qabyo ah oo la ansixiyey Agoosto 2012-kii. Ansixinta dastuur cusub oo rasmi ah ayaa la filayaa ka hor inta waddanka aaneey ka qabsoomin doorasho qof iyo cod ah oo lagu wado in ay dhacdo 2020-ka. Geeddi-socodka dib-u-eegistu waa in uu xalliyo arrimo dhowr ah oo dastuuri ah oo aan weli xal loo helin sida maqaamka Muqdisho iyo qaybsiga awoodaha iyo kheeyraadka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale ugu baaqay ergooyinka ka qaybgalay shirka iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay si mideysan uga wada shaqeeyaan  dastuurka cusub.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowlada Federaalka ah, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ergada xasuusiyay in baadigoobka Soomaaliya ay ugu jirto dastuurka cusub uu ka bilowday kulan nabadeed oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti  sanadkii 2000.

Inkasta oo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka la qorsheeyay in uu dhammaado dabayaaqada sanadka soo socda, ayaa wasiir Xoosh waxaa uu soo gudbiyay codsi ka yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Maxamed 'Farmaajo' oo ah in lagu dadaalo in la dardargaliyo howsha inta la awoodo.

Hadal uu kulanka ka jeediyay Axaddii, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayuu ku baaqay in dastuurka Federaalka si cad loogu qeexo mas’uuliyadaha iyo awoodaha.

"Dastuurka loo dhanyahay waa in uu aasaas u noqdaa dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya," ayuu yiri. "Dastuurka federaalkuna waa in uu si cad u qeexaa qodobbada muhiimka ah ee udub-dhexaadka u ah dib u dhiska dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah ee dowladda."

Shirweynahan ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, taasi oo amaantay furitaanka kulanka kuna tilmaamtay "maalin weyn" oo loo baahnaa si loo diyaariyo mustaqbalka qaranka iyo dowladda Soomaaliyeed.