Xasan Cilmi Maxamed: Shakhsi isaga tagay goob uu la qabsaday, si uu u caawiyo dhallinyaro Soomaaliyeed

15 May 2018

Xasan Cilmi Maxamed: Shakhsi isaga tagay goob uu la qabsaday, si uu u caawiyo dhallinyaro Soomaaliyeed

Xasan Maxamed Cilmi waa shakhsi ay qalbigiisu ku weyn tahay awood-siinta dhalllinyarada, iyo saameynta ay taasi ku yeelan karto Soomaaliya.

Waxaa uu aaminsan yahay in dalkiisa uu kaliya heli karo nabad iyo xasillooni haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan qorshaha iyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

 “Wax badan nooma qabsoomi karo haddii  aanay dhalinyarada ka qayb qaadan” ayuu yiri 29 jirka. “Muhiim ayay yihiin sababtoo ah waxaa ay matalaan in ka badan boqolkiiba 80 dadka Soomaaliyeed – haddii la taabageliyo isbaddel wanaagsan ayay keeni karaan.”

 Inkasta oo uu ku dhashay kuna soo koray Muqdisho isla markana uu ka qalin jabiyey Jaamacadda Simad, Xasan waxaa uu go’aansaday in uu isaa tago goobtii uu la qabsaday ee caasimadda, uuna u wareego magaaladii ay ka soo jeedaan waalidkiisa ee Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya si uu ula shaqeeyo dhalinyarada kale ee ragga iyo dumarkaba kuwaasi oo intooda badan ka rajo dhigay mustaqbalka waddanka.

“Markaan qallin jabiyey kaddib, waxaa aan go’aansaday in aan ku laabto magaaladii aan u dhashay si aan sare ugu qaado nolosha nolosha dhalinyarada inkasta oo aan ogaa in aysan ahayn hawl fudud. Waxaa ay ahayd arrin habboon in la sameeyo,” ayuu yiri “

Markii uu tagay Beledweyne, Xasan waxaa uu ku biiray dhalinyaro la fikrad ah si ay u unkaan hay’adda Hiil Deegaan si ay dhallinta rag iyo dumarba ka caawiyaan in ay fahmaan awooddooda.

“Tababarrada iyo hawlaha aan qabanno waxaa ay ka caawinayaan in ay dib u hantaan kalsoonidii ka luntay, ay ogaadaan hadafkooda dhinaca nolosha iyo shaqada iyo sidii ay ku gaari lahaayeen,” ayuu xusay Xassan oo ah guddoomiyaha Hiil Deegaan.

Waxaa uu aaminsan yahay in haddii dhallinyarada laga qaybgaliyo hawlaha kor u qaada wanaagooda ay taasi ka caawin karto in aanay ku dhicin dabinta xagjireynta iyo shaqaaqada. Taasi awgeed hay’adda waxaa ay adeegsataa ciyaaraha si ay dhalinyarada u ku mashquulaan waqtiyada ay firaaqada leeyihin, balse waxaa ay sidoo kale baraan muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo amniga.

“Ciyaaraha sida kubadda cagta waxaa ay ka caawiyaan in ay sameeyaan is dhexgal ayna ku guuleystaan riyooyinkooda – hawlaha noocani waxaa ay u suurto geliyaan in ay ka fogaadaan falal dembiyada,”ayuu yiri Xasan.

Aragtiyada Xasan uu ka qabo ciyaaraha waxaa ay waafaqsan yihiin kuwa Qaramada Midoobay, taasi oo u ol’oleneysa awoodda ay ciyaaraha ku keeni karaan niyad-sami iyo natiijooyin wanaagsan, maadaama ay awood u leeyihiin in abuuraan fahamka dhaqanka, sare u qaadaan horumarka dhinca waxbarashada, caafimaadka iyo koboca dhaqaalaha iyo bulshada.

Waxaa ay ku guuleysatay in ay heshiis dhex keento kooxo dhallinyaro ah oo ku sugan magaalada Beledweyne oo ay ka dhaxeysay iska hor-imaad joogta ah.

“Dhalinyaro ka kala socota bariga iyo galbeedka Beledweyne oo ka soo jeedaa qabaa’illo kala duwan ayaa mar walbo isku dhici jiray iyagoo halis gelinaya amniga goobta. Hase yeeshee, wadahadallo badan kaddib waxaa ugu dambeyn aan ku guuleysannay in aan dib u heshiisiinno,” ayuu yiri Xasan isagoo raaciyey in dadka deegaanka ay hadda nabad ku nool yihiin.

Markii laga soo gudbo abaabulka ciyaaraha iyo barnaamijyo tababar oo kala duwan, Hiil Deegaan waxaa ay ku lug leeyihiin hawlo samafal ah si ay kor ugu qaadaan daris wanaaga.

Tusaale ahaan dhawaan kooxda waxaa ay Beledweyne ka abaabushay hawlgal gurmad ah oo lagu daad-gureynayay dadka ay saameeyeen daadadka ba’an, waxaa ayna ugu yeereen xubnaha bulshada in ay cunno iyo waxyaabo kale ugu deeqaan dadka ay dhibta gaartay.

“Nabadda sidoo kale waa daris wanaag, taasi oo ah in loo daryeelo kuwa baahan,” ayuu yiri Xasan. “Ficillada noocaasi waxaa ay xoojiyaan wada-noolaanshaha iyo midnimada ka dhaxeysa bulshooyinka.”

Hase yeeshee, si la mid ah hay’adaha kale oo yaryar ee ku lug leh hawlaha nabadda, dhaqaalo yari ayaa weli caqabad weyn ku ah Xasan iyo saaxibadiisa, inkastoo ay ka go’an tahay hadafkooda.

“Dhaqaalo la’aan ayaa caqabad inagu ah, mararka qaarna waxaa uu saameeyaa hawlaheenna. Waa in aan ku hawl galnaa waxa aan heysanno sababta oo ah isbeddel walba oo wanaagsan waa wax micno ku fadhiya,” ayuu raaciyay.

Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsatay dowrka ay dhallinyaradu ka geysan karaan hawlaha nabadda ee caalamka. Tani waxaa ka mid ah in sanadkii 2017-kii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel-mariyay qaraarkii taariikhiga ahaa ee ugu horreeyay oo ku saabsanaa dhallinyarada, nabadda iyo amniga.

Qaraarkan ayaa xoogga saaray muhiimadda dhallinyarada in ay yihiin wakiillada isbeddelka dhinaca ilaalinta iyo horumarinta nabadda iyo amniga. Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in ka qaybgalka, iskaashiga, ka hortagga, ilaalinta iyo ka bixitaanka iyo dib u dhexgalka ay yihiin shanta tiir ee ku aaddan tallaabooyinka la xiriira kaalinta dhallinyarada dhinaca hannaanka nabadda iyo xallinta khilaafaadka.