Nasro Ismaaciil Cabdi: Shakhsi si weyn ugu ol’oleeya nabadda Soomaaliya

15 May 2018

Nasro Ismaaciil Cabdi: Shakhsi si weyn ugu ol’oleeya nabadda Soomaaliya

Waxyaabaha ay Nasro Ismaaciil Cabdi ku xasuusato yaraanteedii waa dagaal iyo dhibaato.

Waxaa ay sanadkii 1994 ku dhalatay degmada Luuq oo ku taallo gobolka Gedo, koonfurta galbeed ee Soomaaliya – waxaa ay dhalatay markii uu seddax sano jirsaday dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalkeeda. Maleeshiyo mucaarad isku ah ayaa Halgan ugu jiray in ay la wareegaan gacan ku haynta gobolka ay ku noolayd oo dhaca xuduudadaha caalamiga ah ee Kenya iyo Ethiopia.

“Waxaa mar kastaba socday dagaal, sidaas darteedna dad badan oo rayid ah ayaa noloshooda ku waayay micno la’aan,” ayay xustay Nasro.

Dhibaatooyinkii sanadahaas jiray ayaa waxaa ay ku dhaliyeen Nasro in ay noqoto qof si weyn u ol’oleeyo nabadda, sanadkii 2017-kiina, ayada iyo qaar ka mid ah saaxiibbadeeda ayaa waxaa ay aasaaseen Ururka Dhallinyarada ee Badbaado, si ay barnaamijyada nabadda ka horumariyaan maamul goboleedka xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Jubbaland, oo ay Gedo hoos timaaddo.

“Waxaanu go’aansannay in aan aasaaso urur buuxiya baahida xiriirka ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dhallinyarada,” ayay tiri. “Tani muhiim ayay ahayd haddii la doonayo in barnaamijyada nabadda ee ka jira gobolka ay guuleystaan.”

Nasro oo hadda ah 24 sano jir, ayaa waxaa ay xubin ka tahay bareyaasha Jaamacadda Jubba ee ku taallo magaalada Kismaayo, halkaas oo ay sanaddii 2017-kii ka qaadatay shahaaddada heerka koowaad ee kalkaalisanimada. Nasro ayaa sheegtay in sababta ku dhalisay in ay shaqadani doorato ay tahay halganka ay ugu jirto nabadda Soomaaliya.

“Waxaan rabay in aan la shaqeeyo dumarka iyo dhallinyarada. Markaad horumariso nolosha labadan, waxa aad kaalin ka ciyaartay nabadda iyo horumarka,” ayay tiri.

Ururka Dhallinyarada ee Badbaado waxaa uu abaabulaa shirar, siminaarro iyo tababarro kuwaas oo isku keeno dhallinyaro iyo wakillo ka socda maamul goboleedka si looga wada hadlo sidii loo horumarin lahaa xiriirka isla markana looga wada shaqeyn lahaa xasilinta gobolka. Xubnaha ururkan dhallinyarada waxaa ay sidoo kale booqdaan dugsiyada ku yaalla gobolka si ay wax uga sheegaan arrimaha nabadda iyo amniga, waxaa ayna ardayda ku dhiiriiggeliyaan in ay si firfircoon uga qaybqaataan qorshaha horumarinta iyo nabadda.

“Waa muhiim in diiradda la saaro dhallinyarada haddii la doonayo in nabad iyo xasillooni la helo,” ayay xustay Nasro. “Kaliya ma aha dadka ugu badan bulshada, balse waxaa ay sidoo kale u nugul yihiin in la khaldo ayna si xun u adeegsadaan dad aanan wanaag la rabin Soomaaliya.”

Sida laga soo xigtay Daraasadda Qiimeynta Tirakoobka Soomaaliya oo ay qabatay hay’adda Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA), boqolkiba 81.5 ee tirada dadka ku nool dalka waa dad ay da’doodu ka hooseyso 35.

“Hiigisgeenna waa in aanu aragno dhallinyaro Soomaaliyeed oo xooggan, mideysan isla markana firfircoon, gaar ahaan kuwa gobolkan, kuwaas oo la tartami karaa dhallinyarada kale ee ku nool qaybaha kale ee adduunka,” ayay tiri Nasro.

Hiigsiga dhallinyaradan waa mid ay sidoo kale la qabaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. Bishii Diiseembar ee sanadkii tagay, Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya ayaa qabatay kulankii labaad ee Kulanka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya, halkaas oo lagu daah-furay Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka. Kulanka oo socday muddo seddax maalmood waxaa uu isku keenay boqollaal qof oo matalaya dhallinyarada dalka idil, iyo sidoo kale Ergeyga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallinyarada, Jayathma Wickramanayake. Siyaasadda dhallinyarada waxaa looga gol leeyahay in wax looga qabto caqabadaha haysto dhallinyarada oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta iyo xagjirnimada, iyada oo meesha laga saarayo caqabadaha hor taagan horumarinta dhallinyarada.

In kasta oo hawlaha Ururka Dhallinyarada ee Badbaado ay carqaladeeyaan dhaqaale yari, Nasro iyo xubnaha ururka waxaa ka go’an in ay dadaalkooda sii wadaan.

“Tani iyo markii la aasaasay, ururka ma uusan heli dhaqaale uu ku fuliyo hawlihiisa. Waxaan ku tiirsannahay lacago yar oo ay jeebkooda ka bixiyaan xubnaha, balse ma dabooli karaan dhammaan hawlaha qorsheysan,” ayay tiri.

Waxaa ay intaasi raacisay in ayada iyo saaxiibbadeeda ay weli ka go’an tahay in ay horumariyaan heshiiska wanaagsan ay la leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo gacansatada, arrintaas oo ururka dhallinyarada u suurtagelin doono in si weyn ay u aqbalaan bulsho horey ayaga dhexdooda dagaal ka dhaxeeyay.

Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsatay dowrka ay dhallinyaradu ka geysan karaan hawlaha nabadda ee caalamka. Tani waxaa ka mid ah in sanadkii 2017-kii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel-mariyay qaraarkii taariikhiga ahaa ee ugu horreeyay oo ku saabsanaa dhallinyarada, nabadda iyo amniga.

Qaraarkan ayaa xoogga saaray muhiimadda dhallinyarada ka wakiillada isbeddelka dhinaca ilaalinta iyo horumarinta nabadda iyo amniga. Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in ka qaybgalka, iskaashiga, ka hortagga, ilaalinta iyo ka bixitaanka iyo dib u dhexgalka ay yihiin shanta tiir ee ku aaddan tallaabooyinka la xiriira kaalinta dhallinyarada dhinaca hannaanka nabadda iyo xallinta khilaafaadka.