Cabdiraxmaan Maxamed Kullane: Wariye aragga la' oo ciyaaraha tabiya oo codsanaya ixtiraam iyo aqoonsi

18 Oct 2018

Cabdiraxmaan Maxamed Kullane: Wariye aragga la' oo ciyaaraha tabiya oo codsanaya ixtiraam iyo aqoonsi

Cabdiraxmaan Maxamuud Kullane waxaa uu rumeysanyahay fikrad aan caadi ahayn oo ku saabsan sida saaxiibbadiisa Soomaaliyeed ay u arkaan caalamka ku xeeran. Wuxuu aaminsanyahay in dadku aaney indhaha kaliya wax ku arkin ee laakiin ay qalbiyadoodana wax ku arkaan. Wuxuu qalbigiisa ku arkaa Soomaaliya soo hagaageysa, bulsho nabdoon iyo horumar uu ka qaybqaadanayo – inkastoo ay jiraan caqabado uu shakhsi ahaan wajahayo.

“Waxaan ku dhashay indha la'aan. Waxaan ka tirsanahay qoys ballaaran oo ka kooban siddeed waalaalehey ah iyo labadeyda waalid. Seddex ka mid ah walaalehey iyo aniga ayaa aragga la," ayuu yri 21 jirkaan ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan wuxuu aad u xasuusanayaa waqtigii uu dugsiga la dhiganjiray ardayda aan naafada ahayn. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu isagoo dugsiga u socda waxaa uu maqlay ardayda kale ka sheekeysaneysa waddo dhiiqa leh oo ay mareen, wey ka boodeen iyadoo aaney wax wasiq ihi soo gaarin, isna inuu booduu isku dayay laakiin dhiiqadii ayuu ayuu dhex dhacay. 

“Caruurtii wey igu qosleen, dadka waddada marayana waa igu qosleen sidoo kale,” ayuu Cabdiraxmaan xasuustaa. “Xilligaas waxaa ogaaday inaan ahay qof dadka ka duwan, waxaan ogaaday in qof anigoo kale ah anuu bulshada kale la mid ahayn. Wax walba waan nacay dugisiina waan isaga haray.”

Xilli dambe ayuu dib ugu biiray dugsiga Al-Nuur ee dadka aragga la' ee ku yaalla Muqdisho si uu ubarto Baraylka deetana wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare ka sii watay dugsiaga sare ee Al-Rajab. Cabdiraxmaan waxaa uu sanadkaan la qalinjabinayaa 30 arday oo sidiisoo kale aragga la'.

"Waa tiradii ugu badnayd abid ee ah arday aragga la' oo [dugsi sare] ka qalinjabisa, waana wax lagu faano," ayuu intaa ku daray.

Cabdiraxmaan waxaa jeclaan lahaa sii wato waxbarashadiisa uuna qaato shahaado jaamacadeed oo xiriirka caalamiga ah, iyadoo la ogyahay xaqiiqada ah in hadda dalka aaney ka jirin jaamacad ay ku bartaan ardayda aragga la'.

Tabinta ciyaaraha

Laga soo bilaabo sanadkii 2016-ka, Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa wariye ciyaaraha tabiya isagoo la shaqeynayay Gool FM, oo ah radiye ciyaareed caan ah oo ka tirsan Kooxda Warbaahinta Goobjoog ee Muqdisho.

"Waan jecelahay ciyaaraha. Waan jeclahay inaan ka hadlo," ayuu yiri. "taas ayaa ii horseedday inaan noqdo wariye ciyaaraha tabiya."

Cabdiraxmaan waxa uu ogyahay in xirfadda warbaahintu ay tahay mid khatari ku hareereysanatahay Soomaaliya, laakiin waxaa ka go'aan inuu sii wato tabinta ciyaaraha oo uu baahiyo shan maalin toddobaad walba, muddo 90 daqiiqo ah. Shaqadiisa oo mar walba ku xiran tiknooloojiyadda ayaa ka dhigtay mid si joogta ah ula socda isbed-beddelka iyo nolosha casriga ah.

Internetka ayuu kala socdaa isbed-beddelka iyo waxyaabaha ciyaaraha ku soo kordha, isagoo codad kala duwan ka dhageysta bogagga Internetka ee gudaha iyo dibaddaba, isagoo sidoo kalana adeegsada barnaamij gaar ah oo u aqriya qoraallada.

"Waxaan isticmaalaa iPhone-keyga si aan u soo saaro barnaamijka idaacadda. Waxaa uu leeyahay softiweer awood badan oo caawiya dadka aragga la' ama dadka siyaaba kale naafa u ah. Waxaan u adeegsadaa inaan wax ku duubo iyo warbaahinta bulshada inaan wadasheekeysi ugu isticmaalo iyo sidoo kale wicitaan," ayuu yiri Cabdiraxmaan.

"Waxaan mudannahay ixtiraam"

Cabdiraxmaan waxaa uu ku faanayaa qaab nololeedkiisa gaarka ah iyo guulaha uu ka gaaray waxbarashadiisa iyo xirfadda uu doortay. Waxaa uu dadka kale ku dhiirrigalinayaa iney gaaraan isku filnaan iyo madax banaani, inkastoo ay jirto ixtiraam darro ay mararka qaar bulshada kala kulmaan dadka naafada ihi.

"Waxaan kireystaa Tuk-tuk [mooto seddex lugoodle ah], meel walba oo aan rabo inaan aado, oo ay ku jirto markaan shaqada u socdo. Marka aan soo galo waxa ay darawallada qaarkood iweydiiyaan sida aan u garan karo meesha aan u socdo iyo sida aan ugu dirayo lacagta kirada (oo aan mobilka uga tuurayo adeegga EVC Plus. Marka aan tukaameysanayo dadku waxay i weydiiyaan sida aan u garan karo waxa aan iibsanayo," ayuu yiri Cabdiraxmaan.

"Waa arrin murugo leh. dadka naafada ihi waxbey bartaan waana shaqeystaan," ayuu raaciyay. "Waxaan mudannahay ixtiraam sida dadka kale."

Si tartiib ah ayaa Soomaaliya, xuquuqda iyo baahiyaha dadka naafada ah oo ay ku jiraan kuwa aragga la' loo garawsanayaa taasoo ku suuragashay dadaallada wacyigelinta ee ururrada kala duwani wadaan sida Ururka Dadka Aragga la' ee Soomaaliyeed.

"Dadka naafada ihi waxa ay si guud uga baahanyihiin taageero dowladda, beesha caalamka, iyo guud ahaan bulshada. Waxaan ubaahannaya ixtiraam," ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxaa uu intaa ku daray in dadka naafada ihi ay u baahanyihiin waxbarasho tayo leh iyo daryeel caafinmaad oo wanaagsan. Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Soomaaliya ay dhaqangeliso, halbeegyada caalamiga ah ee daryeelka dadka aragga la', sida waddooyinka ay sida dhibka yar u mari karaan iyo helitaanka usha gaarka ah ee loogu talagalay dadka aragga la'.

"Somaaliya, waxaa naga maqan hal-abuurrada noocaas ah. Si kastaba ha ahaatee waan fahmi karnaa arrinkaas colaadda darteed," ayuu xaaladda ku sharraxay Cabdiraxmaan.

Waxa uu soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee heshiiska xuquuqda dadka naafada ah, kaasoo ah axdi caalami ah oo dammaanad qaadaya xuquuq loo simanyahay oo ay helaan muwaadiniinta oo dhan.

Hadda, waxay dowladda Soomaaliya ka siineysaa arrinta xuquuqda dadka naafada ah muhiimad gaar ah, iyadoo dooneysa iney baarlmaanka ka ansixiso heshiiskan. 

"Waxay ahad tilaabo muhiim ah in la saxiixo heshiiska. Tan ayaa noqon doonta caddeyn loo adeegso ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee dalka," ayuu yiri. "Hayeeshee waxyaaba badan ayey tahay in la qabto si si buuxda loogu daryeelo dadka naafada ah."