Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2023

1 Oct 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2023

 

Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka | Hay’adda UNFPA ayaa kismaayo ka daahfurtay Xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee guurguurta

Bishii Sebteembar, hay’adda UNFPA ee Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee guurguura (MMC). Waxaa uga mahadcelineynaa taageerada deeqsinimada leh ee aan ka helney dowladda Ireland. Rugtan waxa ay adeeg caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka siin doontaa barakacayaasha Dalxiis iyo nawaaxigeeda, halkaas oo adeegyadan oo kale ay markii hore ka jirin.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa mahadnaq balaaran u soo jeediyey xaruntan cusub ee caafimaadka hooyada, iyagoo carrabka ku adkeeyey sida ay u heli karaan iyo awoodda ay u leedahay ilaalinta caafimaadka iyo badbaadinta nolosha haweenka uurka leh.

UNFPA Soomaaliya waxaa ka go'an in ay xoojiso adeegyada daryeelka hooyada, dhallaanka iyo taranka ee guud ahaan Soomaaliya, xaruntan Kismaayana waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horey.

Click here for more

 

Howlaha Miino Baarista | Hayada QM ee Miino baarista ayaa taageereysey iney si nadab ah ku soo laabtaan barakacayaasha Laascaanood

Iskahorimaadka ka dib, waxaa magaalada Laascaanood laga soo sheegay hub badan oo aan weli qarxin, kuwaas oo khatar ku ah dadka rayidka ah. Intii u dhaxaysay 8 iyo 16kii Sebteembar, saddex shil ayaa la soo sheegay, kuwaas oo galaaftay nolosha saddex carruur ah iyo dhaawaca sagaal kale.

Iyadoo laga jawaabayo xaaladdan, Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista, iyadoo la kaashanaysa Kooxda Ilaalinta, ayaa 16kii Sebteembar magaalada Garoowe ka qabanqaabisay tababbarka tabobarayasha oo ku saabsan khatarta walxaha qarxa oo loogu talagalay jawaabeyaasha safka hore ee la geeyay Gobolka Sool. 50 ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ayaa ka faa’ideystay koorsadan, waxaana la siiyey qalab iyo warqado wax lagu baro khatarta si kor loogu qaado farriimaha wacyigelinta ah.

Isla markaana, koox ka hortagta walxaha qarxa oo ka tirsan booliiska Soomaaliya, oo ay hore u tababartay hayada Miino-baarista Qaramada Midoobay, ayaa la geeyay Laascaanood. Laga bilaabo 22 Sebteembar 2023, in ka badan 300 oo qarax oo aan qarxin ayaa la nadiifiyey.

Click here for more

 

Nidaamka Aqoonsiga Qaranka | UNDP waxay taageertay nidaamka Aqoonsiga Qaran ee dhijitaalka ahaa ee ugu horreeyay ee Soomaaliya

Iyada oo taageero ka heleysa Sanduuqa Maalgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya, UNDP waxay xoojisay nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo xoogga saartay sidii diiwaan-gelinta ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay si loo horumariyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Bishan, UNDP waxa ay fududaysay Shir-madaxeedka Aqoonsiga Qaran, taas oo calaamad u ah horumar la taaban karo oo laga gaaray horumarinta Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya. Intii uu socday shirkii Aqoonsiga Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nidaam cusub oo lagu aqoonsanayo diwaangelinta, kaasoo dowladda u sahlaya in afarta sano ee soo socota ay siiso aqoonsi sugan oo guud ahaan caalamka laga aqoonsan yahay 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Click here for more

 

Amniga | Saraakiisha ugu sarreysa Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid Soomaaliya, ayaa ballanqaaday inay taageerayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Atul Khare ayaa soo gabagabeeyay booqasho afar maalmood qaadatay oo uu ku joogay Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku dadaali doono sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamada ammaanka Soomaaliya (SSF) ay u awoodi lahaayeen inay si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadaha amniga iyadoo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka.

Khare waxa uu carrabka ku adkeeyay in si guul leh loogu guuleysandoono kala-guurka -sida ay rajaynayaan midawga africa iyo QM, waa in ciidamada amaanka Soomaaliya ay si buuxda mas'uuliyadaha amniga ugala wareegaan Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyagoo gacan ka heleya UNSOS.

 

Click here for more

 

Nafaqada | Kooxaha caafimaadka wareega ee UNICEF ayaa sababaya badbaadada nolosha iyagoo hore u ogaanaya nafaqo-xumida

Maadama ay jirto cimilo aad u daran oo saameysay Soomaaliya, shaqaalaha caafimaadka iyo nafaqeynta ee safka hore ayaa ku guda jira hawlo degdeg ah oo nafo oo lagu badbaadinayo 1.5 milyan oo carruur ah oo la filayo in ay u baahandoonan daaweyn nafaqo-xumo ah dhammaadka sanadkan. UNICEF waxa ay taageertaa wasaaradaha caafimaadka ee dawladda dhexe iyo dawlad-goboleedka iyo bah-wadaagta kale si loo xoojiyo nidaamyada caafimaad ee dalka oo dhan halkaas oo nafaqo-xumadu ay aad ugu badan tahay si ay awood ugu siiso qoysaska in ay ku sii jiraan bulshadooda oo ay dhistaan adkeysi iyada oo la badbaadinayo nolosha.

Sannadkan, UNICEF iyo bah-wadaagteeda waxay daweeyeen ku dhawaad 380,000 carruur ah oo nafaqo daro xun heysey oo kala joogey 70 degmo oo Soomaaliya oo dhan ah. Taasi oo ay qabteen kooxaha caafimaadka wareega oo ay taageerto UNICEF ayna maamulaan shaqaale safka hore. UNICEF waxa ay sidoo kale la shaqeysaa wasaaradaha caafimaadka ee dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada si kor loogu qaado daaweynta carruurta looguna dhex daro adeegyada caadiga ah ee daryeelka caafimaadka.

Click here for more

 

Jawaabta Degdegga ah | Lacagaha FAO ay bixiso waxay ka caawiyaan reer miyiga Soomaaliyeed inay ka gudbaan abaaraha

Soomaaliya, abaartu waxay khatar joogto ah ku tahay qoysaska reer miyiga ah. Laakin deeqda lacageed ee ka timid FAO ayaa lagu mahdiyey, qoysaska reer miyiga ah ee ku nool degmada Luuq ayaa awood u yeeshey inay daboolaan baahiyaha ugu daran, sida cuntada iyo biyaha. Taageeradani waxa ay ka dhigan tahay in qoysaskani ayna iska iibin agabyada wax soo saarka leh ee qoyska ama aysan jarin geedaha xaabada ah, taas oo waxyeello u geysan doonta deegaanka oo ay adag tahay in ay ka soo kabtaan marka abaartu dhamaato.

Iyadoo taageero laga helayo USAID iyo FAO, in ka badan 777,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa helay deeq lacageed oo degdeg ah, taasoo yaraynaysa khatarta barakaca iyo fududeynta soo kabashada degdegga ah. Tani waa hal tusaale oo kaliya oo ah sida ay FAO uga shaqaynayso sidii ay Soomaalida miyiga ah uga caawin lahayd in ay u adkaystaan abaaraha iyo dhibaatooyinka kale.

Click here for more

 

Daryeelka caafimaadka | UNOPS waxay bilawday mashaariic caafimaad

UNOPS, oo kaashanaysa Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, ayaa daah-furtay Mashruuca Caafimaadka ee Damal iyo Mashruuca Tallaalka Degdegga ah ee COVID-19. UNOPS waxay si gaar ah u kormeertaa Mashruuca Tallaalka Degdegga ah ee COVID-19 oo lagu qiimeeyay $12.5 milyan, iyada oo diiradda saareysa dib-u-cusboonaysiinta lix isbitaal oo goboleed. Dadaalladani waxa ay ka kooban yihiin cusboonaysiinta xarumaha daryeelka caafimaadka iyo isku dhafka tallaabooyinka adkeysiga cimilada sida ka hortagga fatahaadaha, dhismayaasha u adkaysta dabaysha, iyo nidaamyada qaboojinta dadban. Xoojinta kaabayaasha daryeelka caafimaadka iyo xoojinta awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, waxay hubisaa gaarsiinta joogtada ah ee adeegyada caafimaad ee muhiimka ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee nugul.

Click here for more

 

Warbixinta Golaha Ammaanka | Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo warbixin ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay arrinta Laascaanood

7dii Sebteembar, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixisay xaaladda Laascaanood. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeysey sii kororka rabshadaha 25kii Agoosto waxeyna dib u xaqiijisey lagama maarmaanimada xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah si loo suurtageliyo wadahadal iyo in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa xaqiijisey in dhawr jeer oo hore wadahadal la yeelatay dhammaan dhinacyada oo dhan, qof ahaan iyo telefoon ahaanba, oo ay ka mid tahay booqasho fool-ka-fool ah oo ay Hargeysa ku tagtay oo ay kula hadashay Madaxweyne Biixi, saraakiil sarsare iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah. Ergeyga Gaarka ah waxey ku celcelisey baaqa ah in dhammaan dhinacyada ay u hoggaansamaan xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, oo ay ku jiraan dadka rayidka ah, kaabayaasha rayidka, daawaynta maxaabiista iyo gargaarka bini'aadantinimo.

Click here for more

 

Awood Dhisidda | UN-Habitat waxay gacan ka geysataa hagaajinta maamulka deegaanka

Bishii Sebteembar, UN-Habitat waxay la shaqeysay hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ee Soomaaliya oo dhan, iyada oo bixisey tababarro kala duwan, oo isugu jira hanti dhowrka gudaha, Nidaamka Maareynta Macluumaadka Xisaabaadka, Nidaamka Maareynta Macluumaadka Bixinta iyo maaraynta khilaafaadka.

129 hoggaamiyeyaasha deegaanka ah ayaa la tababaray bishii la soo dhaafay. Iyadoo loo marayo Barnaamijkeeda Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee Maamulka Maxalliga ah (JPLG), UN-Habitat waxay gacan ka geysataa horumarinta adeeg bixinta iyo maamul wanaagga.

Click here for more

 

Caafimaadka | WHO waxay sii waddaa bixinta adeegyada naf-badbaadinta bulshada ay abaaruhu saameeyeen

Bishii Sebteembar, WHO waxa ay sii waday in ay bixiso adeegyo nafo-badbaadin ah oo ay siiso bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey iyada oo u maraysa waxqabadyo heer-bulsho ah, waxayna si firfircoon uga howl-gashaa kalasterka-caafimaadka ee khariidaynta khatarta fatahaadda iyo dadaalka loogu diyaargaroobayo El Niño ee soo socda. Iyadoo waddanku uu ku jiray xaalad degdeg ah oo caafimaad darro ah, howsha ugu weyn waa in la gaarsiiyo dadka ugu nugul (haweenka iyo carruurta gaar ahaan) Soomaaliya daryeel caafimaad oo awood u leh inay ka badbaadiyaan saameynta xun ee caafimaad iyo gaajada daran WHO ayaa shaqaalaha caafimaadka bulshada (CHWs) geysay degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen. shaqaalaha caafimaadka bulshada waxay gaadheen qoys kasta oo ku nool meelaha aan adeega caafimadka gaarin ee ay adagtahay in la gaadho, bulshooyinka degmooyinkaas oo cidhiidhi ku jiray, waxaanay soo afjareen farqiga u dhexeeya helitaanka daryeelka caafimaad ee bulshooyinkan iyo nidaamyada caafimaadka, taas oo keentay in adeegyada caafimaadka ay u dhawaadaan dadka.

Click here for more