Cabdullaahi Mire: "Waxbarashada ayaa ah umulisada ama tan nabad iyo xasilooni ka dhalineysa Soomaaliya”

14 Mar 2024

Cabdullaahi Mire: "Waxbarashada ayaa ah umulisada ama tan nabad iyo xasilooni ka dhalineysa Soomaaliya”

Muqdisho – Inkasta oo uu hadda jiro 37 sano oo keliya, Cabdullahi Mire waxaa uu durba xaqiijiyey guul cajiib ah u dhiganta nolol dhammeystiran.

Waxaa uu horey u ahaa Soomaali qaxooti ah oo waxaa uu noqdey qof u qareemeeya qaxootiga oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay.

Waxaa ay ahayd xaalad jahwareer ah, laakiin waa mid uu Mudane Mire ay ka go’an tahay in uu uga faa’iideysto sida ugu wanaagsan – waxaa uu ogsoon yahay in uu nasiibku la jirey waxaana ka go’an in uu uga faa’iideeyo kuwa fursadahoodu ay yar yihiin.

Aad buu uga mahadcelinayaa waddada ay noloshiisu martey. Laakiin waxaa uu mahad gaar ah u hayaa gabar Soomaaliyeed oo magaceedu yahay Hodan Bashiir oo uu la kulmey sanadkii 2017 oo raad weyn ku yeelatey waddadaas uu marey.

Hodan oo markaa 17 sano jir ahayd waxaa ay ku nooleyd xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaalla waqooyiga Kenya, halkaas oo boqolaal kun oo qof oo ka soo qaxay dagaal iyo saboolnimo ay ku noolaayeen. 

Mudane Mire, oo suxufinimo ugu shaqeynayey warbaahin Kenyan ah, ayaa halkaas u tegey in uu ka soo warramo xaalad halkaas ka jirtey.

“Gabadhaas ayaa ii timid iyada oo wadata codsi ah in aan u iibiyo buugga akhriska ee maaddada Bayolojiga. Waxaa ay ku hamineysey in ay dhakhtarad noqoto. Waa ay heli kartey buugga akhriska ee maaddada Kimisteriga; Buuggaas waxaa uu kala dhexeeyey 12 gabdhood oo kale oo  ay isku fasal ahaayeen,” ayaa uu yiri. 

"Habeenkii, keliya mid ka mid ah gabdhaha ayaa buugga gurigooda ula hoyan kartey. Xaaladdan waxaa sabab u ahaa xeerooyinka qaxootigu oo habeennimada ay halis uga imaan kartey gabdhaha da’da yar. Wiilasha waxaa ay wax ku wada akhrisan karaan hal guri waxaana iyaga oo bed qaba ku soo noqon karaan gurigooda. Laakiin habeen kasta, 11 ka mid ah 12kaas gabdhood ma haysanin buug ay wax ka akhristaan,” ayaa uu hadalkiisa raaciyey. “Hal gabar, ayaa mar kasta oo ay buugga iyadu haysato, soo jeedi jirtey ilaa goor dambe oo habeenka ka mid ah – waxaa ka go’neyd in ay aqoonta ugu badan ee suuragalka ah ay ka barato halkaas buug.”

Mudane Mire ayaa dhowr maalmood ka dib ku soo noqdey Nayroobi waxaana, markii uu yimidba, uu tegey dukaan buugaagta lagu iibiyo waxaana uu dersin buugaagta akhriska ah uga soo iibiyey ardayaddii dhallinyarada ahayd iyo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen.

“Bal maskaxda ku sawiro – buuggaas waxaa uu qiimihiisu yahay keliya $7 doolar, waxaana lacagta sidaas u yar ay qof qaxooti ah ay si weyn ugu caawin kartaa in uu wax barto,” ayaa uu yiri.

Laakiin intaas kuma gaabsan. Fikir ka dhashey wax ka mid ah hadalladii ay is-dhaafsadeen ayaa maalmo ku soo noqnoqonayey.

“Waxaan is-weydiiyey sababta anniga, oo ah qof weyn oo suxifi waxbartey ah, aan ugu dhiirran waayey waxa ay gabdhaas yar ku dhiirratey. Waxaan rabey in aan wax u qabto bulshadeyda. Maxaan dadka kale uga codsan waayey in ay iyaguna buugaagta akhriska u iibiyaan? Ayuu yiri.

Sidaas, ayaa bilowgaas aan rajada badan laga qabin, waxaa ku aasaasmey xarunta Refugee Youth Education Hub (RYEH), taas oo uu ka dhashey safarkii Mudane Mire uu soo marey ee ka bilowdey isaga uu ah qof qaxooti ah ilaa uu noqdey qof caawiya qaxootiga. 

Bilowgii hore

Booqashadii Mudane Mire uu ku tegey xerooyinka qaxootiga Dhadhaab sanadkii 2017 aad buu uga fog yahay in lagu tilmaamo kii ugu horreeyey ee uu halkaas ku tegey – oo waaba halkii uu ku soo barbaarey oo badi sanadihii uu kacaamayey uu joogey.

Mudane Mire oo sanadkii 1987 ku dhashey koonfurta Soomaaliya waxaa uu Dhadhaab u soo wareegey 1990-meeyadii markii ay qoyskiisu ay dalkooda uga soo qaxeen colaadda dhiigga badan uu ku daatey daraaddeed. Waxaa uu 23 sano joogey xerooyinka qaxootiga, ka hor intii ugu dambeyntii aan dib-u-dejin loogu qaadin Norway. Halkiisa ayuu iska joogi karey, laakiin waxaa soo jiitey bulshadiisa waxaana uu ku soo noqdey bariga Afrika isaga oo dhallinyaro ah.

Degaanka ballaaran ee Dhadhaab waxaa ku nool dad gaaraya 373,000 qof – oo ah qaxooti diiwaangashan iyo magangelyo doon – wixii loo soo gaarey bishii Oktoobar 2023. Badidoodu waxaa ay ka yimaadeen Soomaaliya oo ilaa 56 boqolkiiba waa carruur. Qaar badan oo ka mid ah ayaa halkaas joogey sanado badan.

Hawlaha xerooyinka waxaa isuduwaya Xafiiska Hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR), kaas oo, isaga oo kaashanaya bah-wadaagtiisa oo taageero ka heleya dowladda Kenya iyo bulshada degaanka ee martigelisey, uu in ka badan saddon sano adeegyo aasaasi ah siinayey qaxootiga – adeegyadaas oo ay ka mid tahay waxbarashada.


 

Sida ay sheegeyso warbixin 2018 ay soo saartey UNHCR – ‘Kor-u-qaadista: Waxbarashada Qaxootiga oo Dhibaatooyin haystaan’ – inta ay carruurta qaxootigu ay da’doodu weynaaneyso, ayaa ay sii adkaaneysaa in la xalliyo caqabadda ka hortaagan in ay waxbarasho ku helaan guud ahaan dunida: keliya 63 boqolkiiba carruurta qaxootiga ayaa taga dugsiyo hoose/dhexe, marka la barbardhigo tirada guud ahaan dunida oo ah 91 boqolkiiba. Guud ahaan dunida, 84 boqolkiiba carruurta qaangaareysa ayaa hela waxbarasho dugsi sare, halka keliya 24 boqolkiiba ay tahay tirada qaxootiga hela fursaddaas oo kale.

Dhadhaab waxaa ku yaalla saddex xero: Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxley. Xerooyinkaas waxaa ku yaalla 22 dugisyada xanaanada ah iyo 22 dugsiyo hoose/dhexe ah. sidoo kale waxaa jira lix dugsi sare, shan xarumaha waxbarashada aasaasiga ah ee la dedejiyo ah iyo sagaal Xarumaha Waxbarashada Aasaasiga ah ee Beddelka ah. Intaas waxaa dheer, waxaa jira 6 xarumaha lagu barto mihnadaha ah. Dhammaan dugsiyadan waxaa ay raacaan manhajka Kenya. Waxaa sidoo kale jira dugsiyo diini ah.

Tirada ardayda dhigata guud ahaan dugsiyada xannaanada, dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare ayaa wax yar un ka badan 62,000.

Sidaas oo ay tahay haddana, iyada oo horumarkan ay caalamadihiisu muuqdaan, haddana culeysyo ayaa weli haysta hawliheeda waxbarashada. 

Sida ay qabto UNHCR, qaar ka mid ah dugsiyada, ayaa macallimiintu waaa ay shaqeeyaan labada gelin iyada oo koox carruurta ka mid ah ay dugsiga dhiganayaan subaxda halka qaar kale ay imaanayaan galabtii. In aan la haynin buugaagta akhriska, agabka baridda iyo agabka xafiisyada ayaa qayb ahaan sababa liidashada dugsiyada xerooyinka. Tani waxaa u sii dheer baahida loo qabo fasallo, miisas, buugaagta akhriska iyo macallimiin dheeri ah.

Ardayda awooda in ay dhammeystaan dugsi sare, ayaa keliya tiro yar oo ka mid ah waxaa ay awoodaan in ay sii wataan waxbarasho kale.

Mudane Mire ayaa kuwaas tirada yar ka mid ahaa.

Waxaa uu tacliin sare u aadey Jaamacadda Kenyatta University ee dalka Kenya, taas oo uu kaga soo qalinjebiyey diblooma uu ku bartey saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha sanadkii 2013.

Waxaa uu noqdey suxufi, inkasta oo shaqaalimadaasi uu dhex gashan jirey waqtiyo gaagaaban oo uu Hay’adda Qaramada Midoobey ee Hijrada (International Organization for Migration) kala shaqeyn jirey Muqdisho iyo magaalooyinka koonfurta Soomaaliya ku yaalla ee Baydhabo iyo Kismaayo. Hawshiisa waxaa xuddun u ahaa arrimaha hub-ka-dhigista, abaabul-ka-saaridda iyo dib-u-dhexgelinta bulshada, kuwaas oo looga dan lahaa in dagaallamayaasha looga soo saaro kooxaha ay la shaqeeyaan oo gacanna lagu siiyo in ay dib u dhexgalaan bulshada iyaga oo rayid ah.

 Buugaag iyo buugaag intii hore ka badan

Codsigii Hodon ay ku codsatey buug bayoloji ah waxaa uu keeney in xoogaa buugaagta akhriska ah iyada iyo ardayda ay isku fasalka yihiin looga soo diro Nayroobi. 

Ma ogaan karin in wax ku bilowdey tobaneeyo buugaagta akhriska ah oo loo keeno uu ugu dambeynta u xuub-siiban doono qulqul tobannaan kun oo buug oo soo gaara dadka deggan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab. Ka dib markii uu ka sii fakery waxa kale ee la qaban karo, ayaa Mudane Mire, isaga oo kaashanaya saxiibbo iyo asxaab kale, waxaa uu sanadkii 2018 uu qaatey fikirka ah in la abuuro ururka RYEH, oo ah urur aan dowli ahayn oo ay hoggaamiyaan qaxooti oo heer degaan ah kaas oo tiigsanaya in uu awood siiyo dhallinyarada qaxootiga ah oo uuna u qareemeeyo iyaga, codadkooda iyo hamigooda.

“Warbarashada ayaa xuddun u ah wax kasta oo aan sameynayno: laga bilaabo in aan taageero toos ah siinno carruurta da’aaddii dugsiyada ku jirta annaga oo taas u mareyna Buugaag Ku Qaybinta Dhadhaab (Dhadhaab Book Drive), ilaa baridda xirfado cusub oo aan u marno barnaamijyadeeenna maciishadda, ilaa in bulshooyinka aan kala shaqeyno sii wanaajinta war-isgaariineed iyo sii kobcinta u-dhammaanshaha bulshada. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay muhiim u tahay wax-ku-lahaanshaha, sharafta, sinnaanta, iyo caddaaladda aan dhammaanteen u baahannahay oo aanna dalbaneyno,” oo ah sida ku qoran barta internetka ee RYEH. 

‘Buugaag Ku Qeybinta Dhadhaab Book Drive’ ayaa ahayd hawl weyn oo ay qabato RYEH. 

Waxaa ay bilaabatey sanadkii 2018, tan iyo waqtigaasna, RYEH waxaa ay soo ururisey in ka badan 150,000 buugaag deeq ah waxaana ay u qaybisey ardayda iyo carruurta xerooyinka qaxootiga Dhadhaab. Deeq-bixiyeyaasha waxaa ka mid ahaa NGO-yo, Books for Africa, iyo sidoo kale UNHCR iyo Safaaradda Qatar ee Kenya.

"Buugaag Ku Qeybinta Dhadhaab ayaa ahayd olole weyn. Waxaa lagu beegsadey qurba-joogta Soomaaliyeed iyo ururro caalami ah. Waxaa uu ahaa oo welina yahay dadaal guuleystey,” ayaa uu yiri Mudane Mire. “Waa deeqsinimo wanaagsan oo ay tahay in loo sameeyo carruurtan.”

“Tirada ardayda ee dugsiyadan ayaa si joogto ah u kordhi doonta. Marka taasi muxuu macnaheedu yahay? Dhammaantood waxay u baahan yihiin buugaag. Bal sawiro hal buug oo ka dhexeeya 10 arday. Waana taas sababta uu ururka Refugee Youth Education Hub uu mar wlaba ugu qareemeynayo xuquuqda ardaydan. Waxaan sidoo kale ururrada caalamiga ah, sharikadaha, iyo shakhsiyaadka samaha jecel ku dhiirrigelineynaa in ay gacan nagu siinaan in aan helno buugaagta ugu tiro badan ee suuragalka ah. Markaas ayaan saamigalka ka dhigi karnaa hal buug iyo hal arday,” ayaa uu yiri Mudane Mire.

RYEH ayaa soo heshey 60,000 buug oo loogu talogaley saddex maktabadood oo ay ka furtey Dhadhaab.

“Maktabadaha dadweynaha u furan waxaa ay dhallinyarada ka bi’iyaan harraadka ay u qabaan aqoonta. Sidoo kale waxaa ay yihiin meel ay u sameysan karaan shaqada dugsiga looga soo dira si ay guriga ugu soo qabtaan iyo in ay ku akhrisan karaan qoraallo ay ku madadaashaan,” ayaa uu yiri Mudane Mire, isaga oo intaa sii raaciyey, “Waxaan rajeynayaa in ugu dambeynta ay wax akhrintu uu dhaqankooda ka mid noqon doonto.”

Iyada oo taageero ka helaysa Books for Africa, Qatar Charity, UNHCR iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqalaha ee QM (ILO), RYEH waxaa hadda ay leedahay toddobo shaqaale joogto ah iyo 100 iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya oo adeegyo waxbarasho iyo kuwa maciishadeed siiya dhallinyarada iyo carruurta ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

“Xeradan waxaa ay soo saartey waxgarad. Waa arday caqli badan.  Qaarkood waxaa ay galeen jaamacadaha ugu sarreeya ee loo yaqanno Ivy League universities ee dalka Mareykanka, sida Princeton. Qaar kale ayaa sidoo kale galey jaamacado ku yaalla dalka Canada,” ayaa uu yiri Mudane Mire. “Sidoo kale xeradu waxaa ka soo baxay suxufiyiin, macallimiin, qoraayaal, iyo xirfadalayaal kale oo heer sare ah – dhallinyarada Dhadhaab waxaa ay gacan ka geysan karaan dib-u-dhiska dalkooda. Waxaa ay u baahan yihiin fursado la mid ah kuwa dadka kale ay u baahan yihiin.”

Sidoo kale haddii dhinac kale laga eego waxa jirta arrinta ah in dhallinyarada Soomaaliyeed sidoo kale ay u gacan haatinayaan kooxaha argagaxisada ah sida Al-Shabaab, oo la nooc ah kooxaha uu gacan-ka-hadalkoodu uu sabab u yahay in qoyska Mudane Mire ay asalkoodii horeba ay ka soo carareen Soomaaliya.

"Akhris-qoris la’aanta ayaa sababtey in wiilasha dhallinyarada ah caqliga laga xado oo la geliyo aydiyolojiyado xagjirnimo. Haddii aadan wax akhrin karin, qof kale ayaa kuu akhrinaya,” ayaa uu yiri Mudane Mire. Qof kale ayaa maskaxda kaa xadaya. Waana taas tan ku dhacdey qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradaas.”

Aqoonsi caalami ah

Mudane Mire ayaa dabayaaqadii sanadkii hore goor fiid ah isaga oo fadhiya miiskiisa shaqada ee guriga uu ka deggan yahay Nayroobi uu dadaalkiisii is-beddel degdeg ah ku soo kordhey.

Subuxii Tallaadada, 28kii Nofembar, ayaa waxa uu heley email loogu sheegayo in loo magacaabey abaalmarinta the UNHCR Nansen Refugee Awards. 

“Falcelinteydi waxaa ay ahayd ilmayn iyo farxad ay inoo ahayd anniga, qoyskeyga iyo shaqaalaha iskaa wax u qabsada ku shaqeeya ee RYEH,” ayuu yiri. “Guud ahaan dunida, dadku waxay bilaabeen in ay ii soo diraan farriimo hambalyo ah.”

Intaa ka dib, bartamihii Disembar, ayaa lagu dhawaaqey in uu yahay qofka ku guuleystey Abaalamarinta Caalamiga ah ee sanadka 2023. Waxaa loo duuliyey xarunta dhexe ee UNHCR ee ku taalla magaalada Geneva, si uu uga qaybqaato munaasabadda guddoonsiinta abaalmarinta.

“Waxaan rabaa in aan abaalmarinta u huro qofka ii fududeeyey waddada aan soo marey oo igu dhiirrigeliyey in aan hay’ad tayda ah aan u adeegsado in aan is-beddel ku dhaliyo noloshan – waxaan abaalmarintan u hurayaa hooyadey, hooyo mahadsanid. Waxaad ii suuragalisey in aan horumar sameeyo,” ayaa uu ku yiri hadalkii uu jeediyey markii uu guddoomayey abaalmarinta.

“Iyo,” ayaa sii raaciyey, “Waxaan doonayaa in aan u huro abaalmarintan ilmo kasta – min Soomaaliya ilaa Afghanistan ilaa Venezuela, min Myanmar ilaa Bariga Dhexe, min Kongo ilaa Bartamaha Amerika – kaas oo uu qof laabta ku soo qaadey markii ay soo baxsanayeen ‘sababta oo meel kasta oo kale waa ay ka bedqab iyo amaan badneyn halka la joogey.’”

Abaalmarinta UNHCR Nansen Refugee Award oo la aasaasey sanadkii 1954 waxaa lagu sharfaa shakhsiyaad, kooxo ama ururro dadaal dheeri ah ku bixiya waajibaadka ka saaran ilaalinta qaxootiga, iyo sidoo kale dadka gudaha ku barakacay iyo dadka aan jinsiyad (qaran) haysan.

Waxaa loogu magac-darey Fridtjof Nansen, oo ahaa sahamiye, saynisyahan iyo diblomaasi reer Norway ah oo noqdey qofkii ugu horreeyey ee madax u noqda Hay’adda Qaxootiga ee ururkii Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa (the League of Nations) sanadkii 1920. Waxaa uu dejiyey baasaboorka “Nansen passport” muddo yar ka dib waqtigaas, kaas oo dokumenti aqoonsi ah iyo mid ay ku safraan u noqdey qaxootiga ilaa laga soo gaarey sanadkii 1942. Waxaa uu sidoo kale qabanqaabiyey barnaamij gargaar lagu siinayey malaayiin Ruush ah oo ay taabatey macluul dhacdey sanadihii 1921-1922. Shaqadaas muhiimka ah ee uu qabtey daraaddeed, waxaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize sanadkii 1922.

Qorshaha mustaqbalka

Tan iyo markii uu abaalmarinta heley, Mudane Mire waxaa uu ka fekerayey sida uu guulaha uu ilaa hadda xaqiijiyey uu u sii ambaqaadi karo si uu dadka kale ugaga faa’iideeyo.

Waxaa uu ogsoon yahay in ahaanshaha qof abaalmarin ku guuleystey aysan ahayn hadafka ugu dambeeya ee la doonayey in la xaqiijiyo – iyo in abaalmarinta ay la imaanayaan mas’uuliyado iyo waajibaad.

“Haddii la soo koobo, qorshahayga ugu dambeeya waa in aan dadaalkan dhowaan gaarsiiyo Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo dhowr kale,” ayaa uu yiri, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey in uu ogsoon yahay in aaney taasi fududaan doonin laakiin ay ka go’an tahay xaqiijinteeda, iyo in uu ka fekerayo yool ah hal milyan oo buug oo loogu deeqo dadka u baahan.

Mudane Mire ayaa booqanayey Soomaaliya tan iyo markii uu abaalmarinta ku guuleystey si uu u soo eego sida uu gacan uga geysan karo houmarinta dalkiisa.

“Waxa aan rabo in aan wax ka beddelo ma aha keliya nolosha carruurta iyo dhallinyarada qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab laakiin sidoo kale nolosha dadka gudaha ku barakacay (IDPs) ee guud ahaan Soomaaliya,” ayaa uu yiri. “Sida keliya ee taas lagu sameyn karana waa iyada oo loo maro waxbarashada.”

“Waxaad sii wanaajineysaa noloshooda. Sidee ayaad ku sii wanaajineysaa? Adiga oo si wanaagsan wax u bara,” ayaa uu hadalkiisa raaciyey. “Waa in waxbarashada mudnaan la siiyaa si ay bulshooyinka u horumaraan. Tani waxaa ay gaar ahaan dhab ku sii tahay bulshooyinka ka soo kabanaya colaad socotey tobanaan sano. Waxbarashada ayaa ah umulisada ama tan nabad iyo xasilooni ka dhalineysa Soomaaliya, haddiiba aaney intaa wax ka badan ka dhalin.”
Booqasho uu dhowaan ku tegey Muqdisho, ayaa waxaa uu kula kulmey bahwadaag caalami ah oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kuwo ka tirsan nidaamka QM. Waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Xafiiska Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga, Mandy Owusu, iyo kuwo kale. 

Taariikh nololeedka iyo dadaalka Cabdullaahi Mire waxaa ay markhaati u yihiin hamiga ku jira iyo kartida ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed in ay si dhab ah wax ugu biiriyaan ayna is-beddel uga dhaliyaan horumarka dalkooda – waxaan ku amaanayaa hawsha uu hayo waxaana aan u riyaaqey aqoonsiga uu ku heley Abaalmarinta Nansen Refugee Award,” ayaa ay tiri Ms. Laing. “Waxaan rajeynayaa in uu tusaale ay ku daydaan u noqon karo qaar badan oo kale.”

Inta ay ku sii socoto waddada nabadda iyo xasiloonida ka dib colaad socotey tobanaan sano, ayaa Soomaaliya waxaa ay qaaddey tallaabooyin muhiim ah oo ay dib ugu dhiseyso nidaamkeeda waxbarashada, iyada qaaddey talalabooyin ay ka mid yihiin bilaabidda manhaj mideysan oo loo sameeyey dugsiyada hoose/dhexe iyo sare iyo nidaam imtixaanaad jaango’an.

Haseyeeshee, dhibaatooyin waxbarasho ayaa weli ka jira Soomaaliyaa – gaar ahaan marka ay timaaddo waxbarashada carruurta Dadka Gudaha Ku Barakacay.

Sida ay tilmaantey warbixin sawireed ay dhowaan soo saartey Kutlada Waxbarashada ee Somalia Education Cluster, ay hormuud u tahay Sanduuqa QM ee Carruurta (UNICEF), sanadkan “tiro u dhaxaysa 3.6 milyan iyo 4.9 milyan oo ah carruurta ku jirta da’aadda dugsiga oo Soomaaliya ku nool ma heli doonaan waxbarashada tooska ah sanadka 2024, iyo in ku dhowaad 2.4 milyan oo carruurta ku jirta da’aadda iskuullada ay u baahan doonaan gargaar bani’aadamnimo si awood loogu siiyo in ay bilaabaan, ay dib ugu noqdaan, ama ay ugu sii negaadaan dugsiga.”