QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan Bisha Ramadaan

10 Mar 2024

QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan Bisha Ramadaan

Muqdisho – Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u diraysaa hambalyadeeda ugu qiimaha badan ee ku aaddan munaasabaddan.

“Bisha barakaysan ee Ramadaan waa waqti ku suntan isku-imaatin iyo isku-duubni, Alle-bari iyo dib-u-milicsiga wixii tegay iyo sidoo kale in naxariis iyo dareen-wadaag loo muujiyo dadka tabaalaysan iyo kuwa nugul. Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed Soon-qaad nabdoon oo ay la qaataan qoysaskooda iyo asaxaabtooda – Ramadaan Mubaarak, Ramadaan Wanaagsan!” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa mar kasta ka go’an inay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku garab-istaagto baadi-goobka ay ugu jiraan xaqiijinta dal nabdoon oo barwaaqo ah.