Caleema saarka Madaxweynaha sagaalad ee Soomaaliya, Farmaajo

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud (bidix) iyo Shariif Sheekh Axmed (midig) oo labada dhinac ka taagan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan xafladda caleemasaarka, Moqdisho, 22 Febraayo 2017. QM Sawir

22 Feb 2017

Caleema saarka Madaxweynaha sagaalad ee Soomaaliya, Farmaajo

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta loo caleema saaray Madaxweynaha sagaalaad ee Soomaaliya xaflad si fiican loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen in kabadan 1,200 qof oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha labo dal oo daris ah, Rasii,sul wasaare iyo in kabadan 100 diblomaasi.

Farmaajo, oo la doortay 8-dii Febaraayo ayaa balan qaaday inuu soo celin doono sharafta dadka Soomaaliyeed iyo inuu keeni doono nabad iyo dib-u-heshiisiin ka hirgasha dalka.

Hadal farxad iyo sacab ku dheehnaa ayuu madaxweynaha cusub sidoo kale balan qaaday inuu ka hortagi doono amaan darida baahsan, musuqmaasuqa, saboolnimada iyo dhibaatoyinka bani,aadnimo ee dalka ka jira.

Hogaamiyaha cusub ayaa sheegay in ajendihiisa afarta sano ee soo socota uu siin doona mudnaanta kowaad dib-u-heshiisiinta iyo  dib u soo celinta hey,adihii dowlada si muwaadiniinta rajo u helaan.

Farmaajo ayaa yiri inta lagu jiro afarta sano waxan isku dayi doonaa “inaan ka miro dhaliyo dib-u-heshiisiinta qeybaha kala duwan ee bulshada, ilaaliyo ku dhaqanka sharciga, xoojiyo cadaalada, soo celiyo kalsoonidii shacabka ay ku qabeen dowlada iyo ka hortaga saboolnimada.”

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey Michael Keating, ayaa jeediyay fariin uu ka siday xoghayaha guud ee qaramada midoobey Antonio Guterres isagoo amaanay sida wanaagsan ee awooda dalka u  wareejiyay Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

“Wareejinta awooda si nabad ah waxay muhiim u tahay dadaalkii iyo talaabo weyn oo lagu xoojinayo Federaalka lagu mideysanyahay ee Soomaaliya iyo sidoo kale ka miro dhalinta doorashooyin hal cod iyo hal qof sanadka 2020,” Sidaa waxa yiri Keating.

Madaxweynaha cusub ayaa u mahad celiyay bulshada caalamka sida ay u taageereen doorashoyinkii dhawaan lasoo gabagabeeyay iyo sidoo kale Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM nabadeyntii habka doorashada.

“Bulshada caalamka waxay ahaayeen kuwa aad noo taageeray. Arintaas waxa hormuud ka ahaa ciidanka AMISOM kuwasoo nabadeeyay meelaha doorashooyinka ka socdeen. Ma hilmaami doono taageeridii ay na siiyeen bulshada caalamka kuwasoo suurta galiyay qabsoomida doorashayinka,” Sidaa waxa yiri Madaxweyne Farmaajo

Ergayga gaarka ah ee Gudiga Midowga Afrika danjire Francisco Madeira, ayaa yiri Soomaaliya waxay sameysay talaabooyin looga miro dhalin karo nabada, isagoo intaa sii raaciyay in AMISOM wiiqday Al-Shabaab “iyadoo sababtay in doorashoyinka ka dhacaan magaalada Muqdishu, Baydhabo,Cadaado,Jowhar iyo Kismaayo iyadoo aysan dhicin wax nabadgalyo xumo ah oo ay sababeen kooxaha nabad diidka.”

Xaflada sidoo kale waxa ka hadlay Madaxweynah dalka Kenya  Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele; Ras,iisul Wasaare Itoobiya Desalegn Hailemariam; Caawiyaha Madaxweynaha Sudan Ibraahim Xamud iyo waliba Madaxweynaha xilka ka dagaya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wufuuda kale ee xaflada ka hadashay waxa ka mid ahaa wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Rondos; danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwarts; wakiilka dowlada Turkiga Cemalettin Kani Torun; ergayga jaamacada carabta Khalid Ibrahim iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.