Madaxweyne Farmaajo oo furay shir heer sare ah oo looga hadlay musiibada abaaraha ee Soomaaliya

28 Feb 2017

Madaxweyne Farmaajo oo furay shir heer sare ah oo looga hadlay musiibada abaaraha ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta caasimadda Soomaaliya ka furay shir heerkiisu sarreeyo si looga hadlo abaaraha ba’an ee hadda saameeyay dad ka badan lix milyan, la iskulana meel dhigo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee looga hortago macluul kale oo ba’an oo ka dhacda dalka.

War-murtiyeed la soo saaray gabagabadii shirka ayaa xasaradda abaaraha loo aqoonsaday inay tahay arrinta leh mudnaanta ugu horreysa ee hadda hor-taalla Soomaaliya, waxaana hoosta laga xarriiqay saamaynta ba’an ee ay sida gaarga ah ugu leedahay haweenka, caruurta iyo dadka laxaadkooda dhimanyhay. Ka-qaybgalayaasha wadahadalada shirka ayaa soo dhoweeyay baaqii madaxweynaha ee ku-dhawaaqidda musiibo qaran, waxayna ka digeen in khatarta ka dhalata abaaraha ay wiiqi karto horumarka ballaaran ee laga sameeyay dalka shanti sano ee la soo dhaafay.

Ka-qaybgalayaashu waxay soo jeediyeen in si degdeg ah loo hirgeliyo tallaabooyin gaar ah oo lagu yaraynayo saamaynta abaaraha. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la qaado dhammaan caqabadaha ku hor-gudboon gaarsiinta gargaarka, in la kordhiyo soo-dejinta iyo dhoofinta cuntada, sahayda muhiimka ah iyo xawaaladda [lacagta]; in si kumeelgaar ah loo hakiyo shuruudaha hab-maamuleed ee cusub ee lagu soo rogay gargaar bixiyeyaasha heer dowlad goboleed iyo heer gobol; in amnigooda la sugo; in la kordhiyo taageerada saadka si loo gaaro deegaanada abaartu ku dhufatay; iyo in dayactir lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee asaasiga ah.

Shirkan ayaa la qabtay iyadoo la raacayo Baaqii Muqdisho ee soo baxay 22kii Febraayo 2017, waxaana ka soo qaybgalay 31 wafdi oo kala metelayay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo weliba wakiilo ka socday ururrada bulshada, culumaa’udiinta iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Ka-qaybgalayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda uu leeyahay hanaan wadajir ah oo iskuxiran. Waxaa carrabka lagu adkeeyay dowrka muhiimka ah ee ay cayaarayaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa dalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ay ku bixinayaan kaalmada nolol-badbaadinta ah iyo taageerada hab-nololeedka dadka khatarta ku jira. Sidoo kale, war-murtiyeedku wuxuu hoosta ka xarriiqay dowrka shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ku fududaynayaan gaarsiinta sahayda la gaarsiiyo bulshooyinka aadka u nugul, waxayna ugu baaqeen qurbajoogta inay kordhiyaan soo-dirista lacagta taageerada ah ee gurmadka abaaraha.

Ka-qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la xoojiyo kaalinta Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo guddiyada dhiggiisa ah ee heer dowlad goboleed si loo hawlgeliyo dhammaan dhinacyada hawsha ku lugta leh, loona helo qorshe hawleed isku dubaridan oo lagu yareeyo saamaynta abaarta loogana hortago macluul kale.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa go’aansaday in aan haba yaraatee wax dulqaad ah loo yeelan doonin leexsashada gargaarka bani’aadanimo waxaana lagu ballan-qaaday in lala xisaabtamo qof kasta oo ku lug yeesha hab-dhaqanka noocaas oo kale ah. Ka-qaybgalayaashu waxay warbaahinta madaxabanaan ugu baaqeen inay cayaaraan dowrka la-socodka arrintan ayna si joogto ah u siiyaan Dowladda Federaalka ah iyo saaxiibada caalamka warbixin ku saabsan habsami usocodka gurmadka abaaraha.

“Sida keliya ee aan wax uga qaban karno caqabaddan degdega ah ee maanta kuna dhisi karno jawi nabdoon oo barwaaqo ah oo ay helaan jiilasha mustaqbalka ee Soomaaliya iyo deriskeeduba waa tallaabo degdeg ah, wadajir ah oo la qaado lana joogteeyo.