Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay suuq ku yaalla Muqdisho

19 Feb 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay suuq ku yaalla Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 02/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay goob suuq ah oo ku taalla magaalada Muqdisho kaasoo sida la sheegay ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan iyo shan qof ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Abaarihii 1dii duhurnimo, ayaa gaari lagu soo raray walxaha qarxa wuxuu ku qarxay suuqa Abagedo oo u dhow Kaawa Godey ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa dad waddada ku lugeynayay iyo dad dukaamo ku lahaa goobta kuna sugnaa agagaarka suuqa markii uu qaruxu dhacayay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda [weerarka].

Ergeyga Gaarka ah ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid si naxariis darro ah noo xusuusinaysa xeeladaha dib usocodka ah ee ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah. Weerarkan ayaa dhacay xilli dalku isku diyaarinayo xafladaha cameemasaarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo talada la wareegaya iyadoo ay dadweynuhu muujinayaan farxad iyo tamaashadd aan caadi ahayn, taas oo ka dhigan billowga marxalad cusub oo ay gashay taariikhda Soomaaliya oo la wadata fursado iyo yididdiilo.   

“Waxaan cambaaraynayaa weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay Muqdisho. Dilka dadka rayidka ah waa wax aad u fool xub mana jirto wax lagu gaarayo – oo aan ka ahayn in Soomaaliya lagu xasuusiyo sida xagjiriintu aanay ugu aabayeelaynin nolosha bani’aadamka iyo dhibaatada" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Waxaan amaanayaa fal-celinta degdega ah ee ciidamada amniga ee Soomaaliyeed iyo dadkii gurmadka ugu horreeya fidiyay. Dembiilayaasha waa in si degdeg ah loogu horkeenaa cadaaladda.”

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday.”