Carruurta Soomaaliyeed oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay Xuska Maalinta Carruurta Afrika

16 Jun 2017

Carruurta Soomaaliyeed oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay Xuska Maalinta Carruurta Afrika

Boqolaal carruur ee ku nool maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku biiray dhalinyarada kale ee qaaradda xuska Maalinta Carruurta Afrika iyada oo ay dowladda u ballan qaadday in la dhowri doono xuquuqda ay leeyihiin.  

Munaasabadda waxaa qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aaadanaha ee maamulka Koonfur Galbeed waxaana ka soo qayb galay wakiillo ka socda Maamulka Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), culumaa’u diinta iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka ah.

Wasiirka Hubka Dhigista iyo Dhaqan-celinta maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Eelay, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulka uu qaadi doono tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo joojiyo shaqaaqada ka dhanka ah carruurta, oo ay ku jiraan askareynta carruurta. 

"Ka wasaarad ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan ka hortagno wax kasta dhammaan shaqaaqada ka dhanka ah carruurta sida askareynta carruurta. Waa qayb ka mid ah siyaasadda dawladda inayna qoranin ilmo ka yar 20 sano ", ayaa xusay Wasiirka, isagoo intaa ku daray in maamulka uu soo dhaweeynayo wada hadallada ku saabsan xaaladda carruurta.

Mukhtar Cali Isaaq oo ah Guddoomiyaha Dadka Naafada ah ee gobolka Bay, ayaa ka codsaday maamulka in ay gobolka qabtaan olole wacyi galin ah si looga hortago carruurta darbiyo-jiifka in ay ku dhacaan baroobagaandada kooxaha argagixisada ah. 

“Carruurtani darbi-jiifka ee aad u jeeddo si fudud ayaa lagu jiidan karaa. Waxaa lagu sasabanayaa lacag,” ayuu yiri Mudane Isaaq. “Dhawaantan 32 carruur ayaa halkan lagu waday. Haddii ay meel ka baxsan suuqa tagaan waa la wadanayaa.”

Guddomiyaha wuxuu masuuliyiinta maamulka Koofur Galbeed ugu baaqay dhowridda carruurta.

Xasan Ibraahim oo ka socda Howgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaybteeda Ilaalinta Carruurta ayaa farriin niyadsami ah u diray dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

“Waxaan sidoo kale farriinteyda hambalyo u dirayaa carruurta aan fursad u helin in ay u dabaal dagaan maalintani muhiimka ah, gaar ah kuwa jooga goobaha ay Al-Shabaab maamusho, xabsiyada ay Al-Shabaab xukunto iyo deegaannada ay tagi karin dowladda ama hay’adaha aan dowliga ahayn ee la shaqeeya (UNSOM) qaybteeda u xil saaran Ilaalinta Carruunta,” ayuu yiri Mudane Xasan Ibraahim.

Maalinta Carruurta Afrika waxaa la xusaa 16-ka Juun sanad kasta. Waxaa markii ugu horeeysay la xusay Hay’adda Midnimada Afrika (OAU). Markii ugu horeysay waxaa xusay Ururka Midowga Afrika (OAU) sanadka 1991. Mowduuca maalinta laga duulayay waxaa uu ahaa “dardargelinta ilaalinta, awooodsiinta, iyo sinnaan dhanka fursadaha meesha lagu gaaro 2030”.