Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotel iyo makhaayad can ah oo ku yaal Muqdisho

15 Jun 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotel iyo makhaayad can ah oo ku yaal Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 09/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay makhaayadda Pizza House iyo Posh Hotel ee muqdisho, weerarkaas oo sida lasoo wariyay ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qofood.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ku billowday ismiidaamin ah oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lala beegsaday macaamiisha sida joogtada ah u taga makhaayadda iyo hotelka ku dhow. Shan xagjiriin ah oo qabsaday makhaayadda ayaa markii dambe waxaa dilay ciidamada amaanka ee Soomaaliyeed.

“Weerarki xalay waxaa si cad loola beegsaday dad rayid ah oo afurayay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Ma jiri karo wax cudurdaar ah oo ay leeyihiin falalka noocan oo kale ah ee sida waxashnimada leh looguu daaadinayo dhiigga. Bisha barakeysan ee Ramadan waa waqti nabadeed iyo waqti naxariis; kuwa weerarka soo qaaday waxay muujiyeen neceybka aan kalasooca lahayn ee ay u qabaan [nabadda iyo naxariista], waxayna dib u dhigayaan rajada laga qabo in dhibaatooyinka Soomaaliyeed lagu xalliyo si nabadgelyo ah".

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo dhibanayaashii dadkii dhintay waxaana u rajeynayaa dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray weerarka inay si buuxda oo dhakhso leh u bogsoodaan.”