UNSOM oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee xiliyada Colaadaha

19 Jun 2017

UNSOM oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee xiliyada Colaadaha

 

WAR-SAXAAFADEED 10/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maamuusay dhibanayaasha iyo kuwii ka badbaaday xadgudubka jinsiga ee ka dhaca dalka, [qorshahan] waa qayb ka ah dabaaldegga caalamiga ah ee  Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha 

Halkudhigga sanadkan ee xuska maalintan waa “Ka-hortagga Dembiyada Xadgudubka Jinsiga iyadoo loo maraayo Cadaalad iyo ka-reebid.” Si wacyigelin looga sameeyo baahida loo qabo joojinta xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha, Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gacan ka geysanaya qabashada xaflad maanta ka dhici doonta xafiisyada hay’adda HINNA oo ah urur kamid ah ururada bulshada ee dalka, kaas oo adeeg taageero u fidiya dhibanayaasha xadgudubka jinsiga.

Xadgusubka jinsiga ee ka dhaca Soomaaliya ayaa si xad-dhaaf ah u saameeya dadka barakacayaasha ah iyo dadka kasoo jeeda beelaha laga tira badanyahay ee aan helin ama ay ku adagtahay inay helaan nidaam cadaalad oo rasmi ah ama xeer jajab, kuwaas oo aan isku hallayn karin bdbaadin ay ka helaan beeloha ay kasoo jeedaan oo la yaso [darteed].

Dhibaatada waxaa sii huriyay kororka degdega ah ee tirada barakacayaasha Soomaaliya oo xilliyadii dambe u hayaamay magaalooyinka iyagoo ka cararaya dhibaatada abaarta ee kajirta dalka. Dad lagu qiyaasay 739,000 ayaa ka hayaamay deegaanadoodii baadiyaha iyagoo raadinaya cunto iyo biyo tan iyo bishii Nofeembar 2016, dhacdooyinka xadgudubka jinsigana si gaar ah ayay ugu bateen deegaanada kumeelgaarka ah ee barakacayaasha.

“Xadgudubka jinsiga ee la xiriira colaadaha wuxuu ka mid yahay xadgudubyada halista ku ah xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xiliyada colaadaha. Waa wax laga xumaado in dambiyada wali kusii baahayaan oo ay kusii fidayaan qaybo kamid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Keating.

“Haweenka iyo gabdhuhu waxay u baahanyihiin badbaadin, Waa in la dejiyaa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagusoo afjarayo (dhaqanka ku salaysan) in kuwa geysanaya dembiyada noocaas oo kale ah aan waxba loo raacanin, tallaabooyinkaas oo debiilayaasha lagu hor geynayo sharciga Soomaaliya. Waxaan bogaadinaynaa dadkii Soomaaliyeed ee naftooda u huray  iyagoo u taagan ololaha amaanta mudan ee ciribtirka fal-dembiyeedyadan.”

Sida ku cad warbixinad ay heshay Qaramada Midoobay, waxaa lasoo weriyay 7,324 dhacdooyin cusub oo la-xiriira xadgudubka ku-salaysan dhedhig-labka oo Soomaaliya ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay. Ku-dhowaad dhaamaan dadkii kasoo badbaaday waxay ahaayeen dumar, 74 boqolkiiba waxay ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha markii lasoo weerarayay.  

Sidoo kale, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in gargaar waqtigiisa aan dhaafin iyo helitaanka taageero dawo, mid sharciyadeed/qareen, mid nafsaani ah (psycho-social), iyo mid dhaqaale la siiyo dhibanayaasha xadgudubka jinsiga iyo in sare loo qaado xanaanadooda iyo la-dagaallanka dhaqamada lagu faquqayo ee bulshada dhexdeeda ka jira.