Guddiga Khilaafaadka ee Doorashooyinka Soomaaliya oo ka wada hadlay hannaanka doorasho ee 2016

Members of the Electoral Dispute Resolution Mechanism at a consultative meeting with the Federal Indirect Electoral Implementation Team on 7 October2016 in Mogadishu. UN Photo

7 Oct 2016

Guddiga Khilaafaadka ee Doorashooyinka Soomaaliya oo ka wada hadlay hannaanka doorasho ee 2016

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa maanta yeeshay kulan wada-tashi ah si ay isugu waafaqaan mabaadi’da aasaasiga u ah hannaanka doorasho ee 2016.

Halka GFHDD uu u xil saaran yahay hirgelinta hannaanka doorasho, Guddiga Xallinta Khilaafaadka, ee ka kooban 25-ka xubnood, ayaa looga fadhiyaa in uu la tacaalo khilaafaadka ka dhalan kara geeddi-socodka.

Guddoomiyaha GFHDD, Cumar Maxamed Cabdulle “Dhagey”, ayaa ujeeddada kulanka wadatashiga ah ku tilmaamay sidii labada kooxood ay u gaari lahaayeen mawfiq isku mid ah oo ku aaddan sida loola tacaalayo hannaanka doorasho iyo cabashooyinka la xiriira geeddi-socodka.

“Aad ayay muhiim u ahayd iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada guddi in ay isku raacaan hal mawqif si loo hirgeliyo geeddi-socodka doorasho ee 2016,” ayuu raaciyay guddoomiyaha GFHDD.

Iyagoo hadlayay ka dib kulanka, xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin hawsha sugaysa.

Xaawa Cali Jaamac, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafkaadka, waxay sheegtay in ay isku waafaqeen xeerarka, iyagoo sidoo kalena is waydaarsaday waaya-aragnimada ku saabsan sida labada hay’adood ay isaga taageeri karaan xallinta khilaafaadka.

“Mas’uuliyadda iyo waajibaadka na loo dhiibay waa kuwo culus. Way dhib badan yihiin xaaladaha dalka ka jira awgood. Siyaasadda ku salaysan qabaa’ilka iyo nidaamka 4.5, waa halkaas halku lagu muransan yahay,” ayay tiri Xaawa.

Waxay sheegtay in xubnaha Guddiga Khilaafaadka ay ka go’an tahay wax ka qabashada khilaaf kasta oo ayaga la hor keeno, ayna adeegsan doonaan qaanuunka iyo xeerarka ay dejiyeen Madasha Hoggaanka Qaranka iyo GFHDD iyo sidoo kale hababka dhaqanka si xal nabdoon looga gaaro khilaafaadka.

Cali Xuseeen Cali, oo ah xubin kale oo ka tirsan guddiga, ayaa kalsooni ka muujiyay awoodda uu guddigu u leeyahay la tacaalidda cabashooyinka soo shaac bixi kara.

Cali wuxuu sheegay in uu la dhacsan yahay “waaya-aragnimada baaxadda wayn leh, cilmiga iyo bisaylka” saaxiibbada ay shaqo wadaagga yihiin. Wuxuu raaciyay in gobol kasta oo ka mid ah Soomaaliya uu soo xushay shakhsiyaadkii ugu macquulsanaa si ay uga mid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Marwo Xaawo, oo sheegtay in ay tahay xubinta ugu da’da wayn ee guddiga, ayaa xustay in ay go’aansatay ka mid noqoshada guddiga walow aysan wanaagsanayn xaaladdeeda caafimaad.

“Waxay ahayd in aan daawayn raadsado balse waxaan u joojiyay guddigan dartiis. Waxaan doonayaa in guddigu guulaysto si uu u badbaadiyo dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay.