Cutubyo ka Tirsan Askarta Ilaalada ee Qaramada Midoobay oo hal sano oo shaqo ah ay u joogeen Soomaaliya u soo dhammaatay

18 Jul 2017

Cutubyo ka Tirsan Askarta Ilaalada ee Qaramada Midoobay oo hal sano oo shaqo ah ay u joogeen Soomaaliya u soo dhammaatay

Mogadishu -  Cutubyo ka tirsan Askarta Ilaalada ee Qaramada Midoobay ayaa xaflad ay abaabuleen Ergayga Gaarka ah ee Xoghaya  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya Hubert Price loogu boogaadiyay howsha ay Soomaaliya ka qabteen.

Ciidamada Uganda ee ka mid ah Cutubka Ilaalada ayaa ilaaliya shaqaalaha rayidka ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale xarumaha iyo dhismayaasha Qaramada Midoobay.

Mudane Keating ayaa askarta ka mid ah Cutubka Ilaallada Qaramada Midoobay ku ammaanay howlkarnimadooda iyo sida wanaagsan ay u guteen wajibaadkooda.

“Halka sano ee aad halkan joogteen waxaa  na soo maray geeddi-socod doorasho oo lagu dooranayay xubnaha baarlamaanka iyo mid madaxweynaha. Waxaa jiray guulo waaweyn ee laga gaaray dhinaca heshiisyada ku aaddan ammaanka, waxaa la qabtay shir weyn oo Soomaaliya lagu taageerayo. Waxaa dalka soo booqday mas’uuliyiin sare oo badan, iyo wasiirro arrimaha dibadda ah. Arrimahaas in lagu guuleysto qayb ayaad ka ciyaarteen sababtoo ah haddii aadan idinka na ilaalineynin dadkan kale ma aayan imaadeen waddanka. Maxaa yeelay waxyaabaha soo jiidanaya ee ay Soomaaliya u imaanayaan waxaa ka mid ah waxaay og yihiin markii ay yimaadaan ay naga helayaan ilaalo ay meel kasta ku booqan karaan. Taasina aad ayaan idiin kaga mahad celineynaa,” ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ku yiri askarta.   

 Madaxa UNSOS Hubert Price ayaa ammaanay dowrka muhiimka ah ee ay askarta ilaalada ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaareen ilaalinta shaqaalaha iyo xarumaha.

“UNSOS waxaay idiin aqoonsan tahay saaxiibo aan laga maarmi karin. Idinka la’aantiina si fiican uma gudan lahayn waajibaadkeenna ee ah in aan UNSOM, AMISOM iyo sidoo kale shaqaalaha UNSOS taageero dhinaca saadka iyo maamulka ah u fidinno,” ayuu yiri Mudane Price. “Waxaan idiin kaga mahad celinayaa hawsha aad sidi la rabay uga soo baxdeen”

Waxaan xafladda goob joog ka ahaa Sarreeye Gaas Nathan Mugisha, Safiir ku-xigeenka Uganda u fadhiya Soomaaliya kaasi oo UN uga mahadnaqay taageerada ay askarta u fidisay muddadii ay joogeen Soomaaliya. Wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Uganda  diyaar u tahay in ay u balaariso hawgallada ilaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobay meelo ka baxsan caasimadda Muqdisho.  

“Waxaan rajeyneynaa in Qaramada Midoobay ay kordhin doonto tirada Askarta Ilaalada Qaramada Midoobay oo ay geyno doonto meelaha kale ee ay Soomaaliya ka joogaan,” ayuu yiri safiir ku-xigeenka, Mugisha.