Isku soo dhaweynta dadka: UNSOM iyo AMISOM oo Gaalkacyo ka daahfuray Tababarka Booliska isku dhafka ah

18 Jul 2017

Isku soo dhaweynta dadka: UNSOM iyo AMISOM oo Gaalkacyo ka daahfuray Tababarka Booliska isku dhafka ah

Gaalkacyo – Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa ay bixinayaan tababar wadajir ah ee looga gol leeyahay in lagu dhiso koox boolis ah oo ka soo kala jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug si ay gacan uga geystaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo. Arrintan waxaa ay qayb ka tahay heshiiska xabbad joojinta ee la kala saxiixday.

Tababarkan waxaa uu qayb ka yahay Heshiiska Xabbad joojinta ee Gaalkacyo oo ay 1-dii bisha Janaayo ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sida ku xusan heshiiska, koox boolis ah ee ka soo kala jeedo labada maamul ayaa la siin doona tababar, si ay gacan ka geystaan dhaqan gelinta xabbad joojinta ee labada maamul goboleed. 

“Tababarka waxaa laga dan leeyahay in la horumariyo is aaminaad iyo kalsooni magaalada Gaalkacyo gudaheeda, iyada oo la diyaarinayo koox boolis ah ee la soo xulay si ay si wadajir ah Gaalkacyo uga hirgeliyaan roondo boolis ah, iyaga oo hal talis hoos imaanaya,” ayuu ku sharraxay Christopher Buik, Taliyaha Booliska UNSOM ee Soomaaliya.

Mudane Buik ayaa sidoo kale xusay in askarta isku dhafka  ay sugi doonaan ammaanka xubnaha Guddiga Heshiiska xilliga ay booqasho ku tagayaan xadka u dhaxeeya labada dhinac. Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa sidoo kale kaalmo ka geysan doona dadaalada lagu soo celinayo xasilloonida iyo ku dhaqanka sharciga, sidoo kalena waxaa ay hormuud ka noqon doonaan soo celinta kalsoonida iyo nabadda ee magaalada Gaalkacyo.

Ugu yaraan 100 askar boolis ah oo kormeeri doonaa hirgelinta Heshiiska Xabbad-joojinta ee Gaalkacyo ayaa ka qayb qaadan doona daahfurka tababarka wadajirka ah ee maalinta Isniinta ah ka dhici doono Xarunta Bulshada ee Gaalkacyo.  

“Waxaan diyaar u nahay in aan xaqiijinno in Gaalkacyo ay nabad ka hirgasho,” ayuu yiri Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug. “Soomaaliyey, waa in aan gacmaha isqabsanno, in aan is taageerno, iyo in aan dadkeenna u sheegno in aan nahay dad walaalo ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sida ku xusan heshiiska xabbad-joojinta ee Gaalkacyo, madaxda labada maamul waxaa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay saaraan ciidamadooda ayna qaadaan kontaroollada si loo fududeeyo isku socodka dadka iyo badeecooyinka.

“Dhisidda askarta isku dhafka ah waa bilowga geeddi socodka is-dhexgalka dadka Soomaaliyeed. Waa fursad aanan iska lumin karin,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, asaga oo intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay in ay hormuud ka noqoto is-dhexgalka bulshada ku nool Soomaaliya oo idil, laga bilaabo dhaqangelinta heshiiska Gaalkacyo.

Howard Bell, Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland, ayaa ku tilmaamay tababarka askarta isku dhafka ah tallaabo muhiim u ah hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta. “Waxaan dhihi lahaa kalsoonida dadka ee ku aaddan nabadda, oo xilligan aad u yar, haddana hoos u sii dhaceyso, ayaa kor u kici doontaa sababo la xiriira dhaqangeinta tallaabooyinka sida tababarkani booliska,” ayuu xusay Mudane Bell.

Booliska AMISOM ayaa hormuud ka noqon doona bixinta barnaamijka tababarka wadajirka ah. “Sidaasi darteed waxaan ku rajo weynnahay in haddii la jawi wanaagsan oo wax lagu barto iyo taageero, in uu barnaamijka tababarka booliska isku dhafka ah lagu guuleysan doono,” ayuu yiri madaxa tababarka ee AMISOM, Kormeere Guud ee Booliska, Prosper Oklu.

Tababarkani waxaa diiradda lagu saari doona istarateejiyadda ilaalinta ee hufan, la shaqeynta bulshada, hababka kale ee xallinta khilaafyada, xushmeynta xuquuqda insaanka iyo mowduucyo kale.