UNSOM oo qabatay kulan looga hadlayo saameynta xeer Soomaaliga uu ku leeyahay dumarka

25 Jul 2017

UNSOM oo qabatay kulan looga hadlayo saameynta xeer Soomaaliga uu ku leeyahay dumarka

BAIDHABO, KISMAAYO – Hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa qabtay dhowr kulan oo wadatashi ah ee hoggaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed looga uruuriyay aragtiyadooda ku aaddan xeer dhaqameedka iyo sida uu caqabad ugu yahay in ay haweenka helaan caddaalad.  

Kulammadan ee lagu qabtay magaalooyinka kala ah Baydhabo iyo Kismaayo waxaa isugu imid haweenka Soomaaliyeed, madaxda dowladda iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka. “Ujeeddada laga lahaa waxaa ay ahayd in haweenka la siiyo fursad ay uga hadlaan dareenkooda ku aaddan xeer dhaqameedka iyo in uu ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo in kale,” ayay tiri Virginie Blanchard oo ah madaxa Arrimaha Garsoorka ee Kooxda Hay’adaha Horumarinta Sharciga iyo Ammaanka ee UNSOM, ee soo qabanqaabisay kulanka.

Waxaa kulammadan diiradda lagu saaray caqabadaha ay la kulmaan haweenka ee dhinaca helidda caddaaladda, sidoo kale waxaa shirka lagu soo jeediyay fikrado ku saabsan dib u habaynta loo baahan yahay. “Waxaa ay ka hadleen waxyaabaha aysan aqbali karin. Sida, tusaale ahaan, in markii la isticmaalayo xeer dhaqameedka, haddii beel qof laga dilo, beeshaas waxaa magdhow ahaan loo siinaya gabadh yar,” ayay xustay Marwo Blanchard.

Abshiro Qamiis Ismaaciil, Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Haweenka Kismaayo, oo madasha Kismaayo ka hadashay ayaa ku aaneysay caqabadaha hortaagan haweenka in ay sabab u tahay haweenka oo aan lahayn cid matasho garsoorka xeer dhaqameedka iyo kan rasmiga ah. Waxaa ay intaas ku dartay in aqoon darro dhinaca sharciga ay qayb weyn ka tahay caqabadahani.

“Waxaan jirin haween madax noo ah oo aan u gudbin karno dhibaatooyinkeenna. Waxa aanan lahayn haween odayaasha la shaqeeya oo aan u sheegan karno arrimaheenna gaarka ah. Waxaan jirin haween ka hadla dhibaatooyinka aan la kulanno,” ayay xustay Abshira.

Farxiya Axmed Cabdi oo ah askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, oo hadal ka jeedisay kulanka Baydhabo, ayaa waxaa ay sheegtay in odayaasha ay doorbidaan in ay dacwadaha la xiriira tacaddiga haweenka loo geysto ay ku xalliyaan meel ka baxsan maxkamadaha rasmiga ah – halkaas oo dacwadaha si degdeg ah loo xukmiyo – waxaa ayna ka jecleystaan in ay adeegsadaan xeer dhaqameedka, oo ragga haweenka dambiilayaasha aan wax ciqaab ah la marin.

“Waxaan maalin walbo nala soo wargeliyaa kiisas ku saabsan dumar ay nimankooda dhaawacyo muuqda iyo jirdil u geysteen. Caqabadaha aan la kulanno waxaa weeye in mar kasta oo aan ninka soo xidhno oo aan maxkamadda u gudbinno si dacwad loo qaado waxaa dhacda in odayaal dhaqameedyada ay aadaan maxkamadda iyagoo fara gelin ku samaynaya kiisaska,” ayay tiri Farxiyo. “Tani waxaay carqalad ku tahay xuquuqda haweenka”. 

Luul Issaq Aadan oo ka socotay Hay’adda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ah hay’ad maxalli ah ayaa shirka ku tilmaamtay mid indhaha u furaya haweenka. “Shirkani wuxuu inoo iftiimiyey arrimo ku saabsan xuquuqdeenna. Inkastoo ay jiraan xeer dhaqaameed iyo maxkamado inaga ka haween ahaan xuquuqdeenna waxaa mar walbo ku xadgudba odayaasha oo iskudaya in ay kiisaskeenna ku xaliyaan qaab xeer dhaqameed.” Ayay tiri marwo Luul.   

“Waxaa wadahadalkani ku cad in haweenku run ahaantii u baahan yihiin tababarro dheeraad ah ee dhinaca xirfadaha u ololaynta xuquuqdooda, sidi ay u soo bandhigi lahaayeen kiiskooda iyo waxaa ay rajeyn karaan marka ay soo gudbiyaan kiiskooda. Waan ka dhisi doonaa dhinacyadaasi si ay ula kulmaan odayaal dhaqameedyada oo ay u soo dhacsadaan xuquuqdooda,” ayay raacisey Marwo Blanchard.

Labada kulan waxaa sidoo kale laga soo saaray tallaabooyin wax ku ool ah oo ay haweenku qaadi karaan si ay xaqooda uga helaan maxkamadaha rasmiga ah iyo xeer dhaqameedyada.