Dacwad oogayaasha oo ku dadaalayaa in ay xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin nidaamka caddaaladda

14 Dec 2017

Dacwad oogayaasha oo ku dadaalayaa in ay xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin nidaamka caddaaladda

Muqdisho - Dacwad oogayaasha Soomaaliyeed oo ka kala socda dowladda federaalka ah iyo xubnaha maamul goboleedyada ayaa usbuucan magaalada Muqdisho ku qabtay shir sanadeedkooda koowaad, waxaa ayna isku afgarteen in ay dhisaan Ururka Dacwad Oogayaasha Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan dowrka ay dacwad ogayaasha ka ciyaaraan nidaamka caddaaladda ee dalka iyo in ay ilaaliyaan madax bannaanidooda iyo sharaftooda.

Kulankan socday labo maalmood oo looga gol lahaa in sare loogu qaado xiriirka u dhaxeeya hay'adaha dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale looga wada hadlay xeerka anshaxa ee dhamaan dacwad oogayaasha dalka.

“Kulanka heer qaran wuxuu muhiim u yahay sare u qaadista wada shaqeynta dacwad oogayaasha,” ayuu Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ka yiri furitaanka rasmiga ah ee shirka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha xirfadeed ee dan u ah dacwad oogayaasha dalka, gaar ahaan marka loo eego kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaari doonaan hirgelinta habka cusub ee Caddaaladda iyo Asluubta ee dhowaan ay ansixiyeen Golaha Amniga Qaran.

“Waxaa saaran mas’uuliyad in ay ilaaliyaan sharciga [iyo] in ay xaqiijiyaan hirgelinta sharciga, sida uu qorayo Xafiiska Dacwad oogista Qaran,” ayuu yiri Ibraahim Idle Suleyman oo ah Madaxa Maxkamadaha ee Dowladda Federaalka ah.

“Dacwad oogista waxaa ay noqoneysaa xirfad gaar ah. Waxaa aad muhiim u ah in la wadaago waayo aragnimada, oo wax laga barto dalka kaddibna dibadda,” ayuu yiri Zafar Gondal, Xirfadlaha Farsamada Caddaaladda ee Barnaamijka Horumarimnta ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la badiyo tirada haweenka ku jiro nidaamka caddaaladda ee Soomaaliya.

Fadumo Axmed oo ah dacwad ooge ka socotay Jubbaland ayaa shaac-bixisay baahida loo qabo dacwad oogayaal “xasaasi u ah qoysaska”oo la tacaalo kiisaska culus ee qoysaska ee maxkamadaha la hor keeno. “Kiisaska la keeno xafiiskayga waxaa ay inta badan ku saabsan yihiin haweenka, hooyooyinka iyo arrimaha qoyska. Sidaasi darteed, waxaa ay u baahan yihiin dembi ooge u xilsaaran qoyska kaas oo ay ku kalsoonaan karo oo ay si cabsi la’aan ah la wadaagi karaan dhibaatooyinkooda,” ayay carrabka ku adkeysay.

Kulanka waxaa gacan ka geystay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Hormuudka ku Dhaqanka Sharciga ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Hay’adda Sharciga Horumarinta Caalamiga.