Wakiilka QM oo haweenka xildhibaannada Soomaaliyeed ku boorriyay in ay dhiiriggeliyaan nabad iyo dib u heshiisiin

15 Dec 2017

Wakiilka QM oo haweenka xildhibaannada Soomaaliyeed ku boorriyay in ay dhiiriggeliyaan nabad iyo dib u heshiisiin

Muqdisho – Koox ka tirsan haweenka ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan ol’ole wacyigelin dadweyne oo looga gol leeyahay in lagu hormariyo nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya intii lagu jiray kulan shaqo ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaga Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, ayaa la kulmay 17-ka haween ee xubin ka ah baarlamaanka, waxaa yna ka wada hadleen kaalinta muhiinka ah oo ay haweenku ku yeelan karaan horumarinta dadaalka loogu jiro dhisidda nabadda.

“Haweenku dowr muhiim ah ayay ka ku leeyihiin xallinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta, taasina waa in ay ka dhex bilaabataa baarlamaanka”, ayuu Wakiil Keating u sheegay xildhibaannada.

Mudane Keating ayaa ku boorriyay haweenka baarlamaanka ku jira in ay adeegsadaan jegadooda hoggaanka si loo horurmariyo dadaalka loogu jiro nabadda ee dalka.

“Fursadaha idin hor yaallo oo aad wax ku beddeli kartaan waa ay badan yihiin, waxaana qayb ka ah xeerarka la hor keenayo Baarlamanka oo ku aaddan geeddi-socodka doorashada iyo qaybta amniga,” ayuu xusay.

Shirkani socday hal maalin ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay baahida loo qabo in la wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya baarlamaanka federaalka iyo baarlamaanada dowlad goboleedyada si loo dhiirigeliyo is dhaafsiga aqoonta iyo khibradda xildhibaannada.

Mudane Keating wuxuu ku dhiiriggeliyay xildhibaannada in ay dhinac u dhigaan ku qabyaaladda ayna ka wada shaqeeyaan sidii ay xal ugu raadin lahaayeen arrimaha saameeya bulshooyinka ay matalayaan.

Issaka Souare oo ah la taliyaha sare ee dhexdhexaadinta ee Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda  ee New York, ayaa ku boorriyay haweenka xildhibaannada ah in ay adeegsadaan awooddooda xildhibaannimo si looga hortago colaadda.

“Waxaad tihiin hoggaamiyayaal magac ku leh ummadda dhexdheeda, taasina fursad ayay idiin tahay in aad midaysaan ummadda idinka oo aan u aabbayeeleynin qabiil oo aad tusaale wanaagsan u noqotaan dib u heshiisiinta”, ayuu yiri.

Lydia Wanyoto-Mutende, oo hore ka mid ahayd xildhibaannadda Uganda ayaa ugu baaqday haweenka xidhibaannada ah in ay adeegsadaan jegadooda si ay u hirgeliyaan guddiyo nabadeed oo heer tuulo ah, ay sare u qaadaan dadaallada loogu jiro hub ka dhigista, ayna ka hortagaan askaraynta carruurta.

Natiijooyinka geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-kii ayaa musharrixiinta haweenka waxaa ay heleen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka ah ee hadda jira, waana tirada ugu sarreeeysay ee matalaadda haweenka marka la eego taariikhda baarlamaanka.

Xildhibaannada la isku keenay ayaa waxaa ay ku dadaaleen in ay taageeraan geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo meel marinta xeerarka doorashooyinka taasoo gundhig u noqonayso doorashada qof iyo codksiisa ee dhici doonta 2020-ka.