Dadka rayidka oo khasaaro xooggan ka dhaxla dagaallada hubka la isla adeegsado ee ka dhaca Soomaaliya – Warbixinta Qaramada Midoobay

10 Dec 2017

Dadka rayidka oo khasaaro xooggan ka dhaxla dagaallada hubka la isla adeegsado ee ka dhaca Soomaaliya – Warbixinta Qaramada Midoobay

Mogadishu – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli ah khatarta ugu weyn ee heysata dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya, sida ku xusan warbixin cusub oo maanta laga daahfuray caasimadda Soomaaliya.

Soo saarista warbixinta oo ku soo beegantay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ayaa la xiriirineysaa in boqolkiiba 60 ee dhammaan khasaaraha dadka rayid ee ka dhacay Soomaaliya 20-kii bilood ee ugu dambeysay ay sabab u ahaayeen weerarro ay qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Maleeshiyada, ciidamada dowladda iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa mas’uul ka ahaa boqolkiiba 28 khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah sida ay sheegtay warxbixinta, taasi oo ay soo saareen Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Warbixintu waxaa ay sheegeysaa khasaaraha loo aaneeyey Ciidanka Qaran ee Soomaaliyeed iyo Boolista iyo AMISOM in ay aad u hooseeyeen marka loo eego khasaaraha loo aaneeyey Al-Shabaab, muddadii warbixintani la uruurinayey dhexdeeda.

Warbixinta oo loogu magac daray “Ilaalinta Rayidka: Dhisidda Aasaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya,” ayaa diiwaan gelisay 2,078 dhimasho rayid iyo 2,507 dhaawacyo intii u dhaxeysay Janaayo 2016-kii ilaa 14-ka Oktoobar 2017-ka.

Warbixinta waxaa ay sheegeysaa in 729 qof ay afduubteen Al-Shabaab intii u dhaxeysay muddadaasi kuwaasi oo 403 ka mid ah la soo sheegay in la siidaayey. Al-Shabaab waxaa ay sidoo kale mas’uul ka ahayd 86 dilal qorsheysan, waxaa ayna daldaleen 46 qof oo kale inti ay uruurinta warbixintani socotay.

“Marka ayaga (Al-Shabaab) ayaa ugu daran markii ay noqoto howlo ay dad shacab ah ay ku dhintaan xilliyada colaadaha. Dhacdooyinka lala xiriiriyo Al-Shabaab-na, boqolkiba 79 waxaa ay ku yimaadaan adeegsiga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah,” ayuu Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud e Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u sheegay wariyeyaasha xilliga la soo saaray warbixinta.

Tiro weyn ee dadka rayidka ee waxyeelada gaarta – 251 oo la dilay iyo 343 ee dhaawacmay – waxaa lala xiriiriyay maleeshiyaadka qabaa’ilada ee ku dagaalamayo meelaha ay ciidamada dowladda federaalka ah ama kuwa maamul goboleedyada ay inta badan ka maqnaayeen.

“Xaaladda dhabta waa mid fool xun,” ayuu yiri Mudane Keating. “Gaar ahaan dhallinyaro badan oo Soomaali ah iyo dad rayid ah ayaa naftooda ku waayey howlaha militariga (waayo) dadka waxaa ay adeegsanayaan dagaal si ay u gaaraan hadafkooda siyaasadeed.”

Waxaa uu qaraxii 14-ka Oktoobar ee ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen 512 qof ku tilmaamay “kan abid ugu darnaa ee sababay dhimashada ugu badan ee dad rayid ah” ee ka dhaca Soomaaliya. “Nasiib darro, saameynteeda waxaa la dareemi doonaa muddo aad u dheer,” ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay.

Iyada oo tixraaceysaa xeeerka caalamiga ah ee ban’aaddinimada, warbixinta waxaa ay sheegtay in mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta shacabka ay saaran tahay dhinacyada dagaalamaysa iyo dowladda Soomaaliya.

Warbixinta waxaa ay qoreysaa in fulinta heshiiska siyaasadeed ee Hab-dhismeedka Amniga Qaran – ee ay wada gaareen Dowladda Fedreaalka ah iyo Maamul Goboleedyada bisha Abriil – in uu aasaas u yahay in la gaaro isbeddel waara ee dhinaca amniga.

Warbixinta ayaa sheegeysaa in heshiiska hab-dhsimeedka amniga qaranka waxaa uu bixinayaa fursad in la xaqiijiyo in la helo hay’ado amni oo ay hormuud ka yihiin Soomaaliya kuwaas oo lala xisaabtami karo oo ilaalin karo muwaaddiniinta sida ku xusan Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerka Caalamiga ee Bani’aaddinimada.