Riwaayadda Raadiyaha ee UNSOM waxay dhiiri galinaysaa ka qayb galka dumarka ee siyaasadda

4 Aug 2016

Riwaayadda Raadiyaha ee UNSOM waxay dhiiri galinaysaa ka qayb galka dumarka ee siyaasadda

Riwaayaddu waxay ku saabsan tahay haweenay dhallinyaro ah oo dhiiran laguna magacaabo Habboon taasoo go’aansatay inay ka guul gaarto mustaqbalkeeda siyaasadeed ee ujeedkeedu yahay inay dhiir galiso dumar kale oo badan inay siyaasadda kusoo biiraan. Habboon sidoo kale waxay isku hawshaa inay sare u qaaddo nolosha bulshadeeda.

Taxanaha riwaayaddan oo ka kooban 10-qaybood, waxaa la bilaabay in hawada laga sii daayo 8-dii Luuliyo, qaybta ugu danbaysa ee riwaayadahan oo soconaya 15-daqiiqo waxaa laga baahin doonaa dhowr raadiye oo dalka ka jira  taariikhdu markay tahay 2-da bisha September.

Taxanaha riwaayadda ee todobaadlaha ah waxa muujinaysaa sida Habboon ay guul uga gaartay inay saaxiibadeed siyaasadda kusoo biiraan, laakiin safarkeedu ma ahan mid fudud. Waxay la hardamaysaa inay waaliddiinteeda iyo bulshadeeda qanciso, si ay ugu guulaysato riyadeeda shaqo ee siyaasadda.

 Riwaawayaddan raadiyaha ee xambaarsan tacliinta iyo madadaalada, waxay ka baxaysaa Raadiyaha Muqdisho,  Raadiyaha Bar-Kulan, Raadiyaha Baydhabo,  Raadiyaha SBC iyo Raadiyaha Baladweyne.

Qayb walba oo cusub, waxaa la baahinayaa saddex maalmood todobaadkiiba, maalmaha Isniinta, Arbacada iyo Jimcaha, maalinkii oo dhan.

Qaybaha riwaayadda waxaa sidoo kale laga heli karaa ayadoo online-ah:https://soundcloud.com/unsom-somalia/sets/habboon-radio-drama