Danjire Keating oo carrabka ku adkeeyay mudnaanta oofinta qoondada baarlamaanka ee haweenka Puntland ka dib wareeggii koowaad ee doorashada Aqalka Hoose

10 Nov 2016

Danjire Keating oo carrabka ku adkeeyay mudnaanta oofinta qoondada baarlamaanka ee haweenka Puntland ka dib wareeggii koowaad ee doorashada Aqalka Hoose

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa mar uu maanta booqasho ku tagay caasimadda dowlad goboleedka Puntland wuxuu xusuusiyay mas’uuliyiinta doorashada Puntland iyo madaxda kale waajibaadka ka saaraan in ay oofiyaan qoondada 30 boqolkiiba ee kuraasta loogu talagalay haweenka soo galaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Mudane Keating ayaa mar sii horreysay oo shalay ah wuxuu kula kulmay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magaalada dekedda leh ee Boosaaso si ay uga wada hadlaan xaaladda qalafsan ee ka taagan magaalada lagu muransan yahay ee Gaalkacyo.

 

Dowlad goboleedka Puntland waxaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka looga qoondeeyay 37 kursi. Doorasho ayaa loo qabtay dafcaddii ugu horreysay ee toboneeyo musharraxiin oo u loollamay kuraasta aqalka hoose 5-tii ilaa 6-dii Nofembar, iyadoo dhammaan musharraxiintii guulaystay ay noqdeen rag.

 

25 mudane kale oo reer Puntland ah ayaa loo dooran doonaa Golaha Shacabka. Waa in ugu yaraan 10 ka mid ah kuraasta loogu talagalaa musharraxiinta haweenka haddiiba ay Puntland rajo ka qabto in ay fuliso qoondada jinsiga ee baarlamaanka, taas oo qeyb ka ahayd heshiiskii Madasha Hoggaanka Qaranka.

 

Mudane Keating ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta doorashada Puntland in ay oofiyaan waajibaadkan.

 

“Halka walaac ee jira ayaa ah in Puntland ay fulin karto qoondada haweenka,” ayuu yiri Danjire Keating. “Arrintani waa arrin wayn.”

 

Wuxuu kaloo xoogga saaray baahida loo qabo in ay doorashooyinka ku dhacaan waqtigii loogu talagalay iyo si amni ah.

 

Saddex ka mid ah 11-kii musharrax ee ka soo jeeday Puntland ee loo doortay Aqalka Sare doorashadii dhacday bishii la soo dhaafay waxay ahaayeen haween.

 

Muddadii uu ku jiray booqashadiisa Boosaaso shalay, Danjire Keating ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo dhiggiisa Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed in ay soo afjaraan dagaalka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo mar ay yeesheen kulan khadka isgaarsiinta loo adeegsaday.

 

“Waxaan kulan taleefoon la yeellanay dhammaantood, kaas oo muddadii uu socday madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Gaas iyo Cabdikariin Guuleed, ay ku amreen taliyeyaashooda milateriga in ay hirgeliyaan xabbadjoojinta,” ayuu yiri Keating. “Waxaan dhammaanteen ku heshiinnay in aan xilli kale oo toddobaadkan ah ku kulanno Gaalkacyo si aan ula tacaalno arrimaha sababaya colaaddan iyo sidii u eegi lahayn sida xal looga gaari karo mushkiladdan.”

 

Bahwadaagta caalamka waxay toddobaadkii la soo dhaafay soo saareen war saxaafadeed wadajir ah oo ay ku soo dhoweynayaan heshiiskii ay 1-dii Nofeembar Abu Dhabi ku gaareen madaxweyneyaasha Guuleed iyo Gaas si loo dhammeeyo dagaalkii ka qarxay Gaalkacyo bishii Oktoobar. Balse xabbadjoojintii lagu heshiiyay ayaa burburtay 6-dii Nofembar ka dib markii uu dib uga billowday magaalada Gaalkacyo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug, iyadoo dadka deggan magaalada ay soo sheegeen in colaad hor leh ay  horraantii maanta dib uga billaabatay qeybaha galbeed ee magaalada.